Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Bandhigga Dhiira gelinta Dhalinyarada oo Ruushka ka soconaya

Date:

Magaalada Sochi Russia waxaa ka soconaya munaasabado la xiriira maalinta dhiira galinta Dhalinyarada iyo ardayda taasi oo ay ka qeyb galayaan dhalinyaro ka socda dalalka caalamka oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Madaxweynaha dalka Ruushka Valadamir Putin ayaa daah furay munaasabadda oo ay ka qeyb galayaan ilaa iyo 185 wadan oo caalamka ah, wadamadaasi oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Munaasabaddan ayaa loogu talo galay in ay socoto muddo 10-maalin ah, iyada oo maalin walba looga hadlo mowduuc gaar ah oo la xiriira dhiira galinta dhalinyarada dunida.

Markii ugu horeysay ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyaro Soomaaliya mataleysa oo halkaasi kusoo bandhigay caqabadaha heysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sida xiligan ay muhiim u tahay in la dhiira galiyo.

C/kariin Siciid Yuusuf (Sujaac) oo kamid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo bandhigaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay halkaasi kusoo bandhigtay Bandhig wanaagsan oo ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed iyo farshaxano muujinaya ahmiyadda dhaqanka Soomaalida.

Inkabadan 120-kun oo ajaanib ah ayaa ka qeyb galaya Bandhigaasi waxaana ahmiyad gaar ah la siinayaa dhiira galinta iyo sare u qaadista dhalinyarada caalamka, iyada oo la filayo in lasoo gaba gabeeyo 23-ka bishaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...