Maxaa laga yiri musiibadii ka dhacday Muqdisho 14-kii bishan?

Date:

14-kii bishan oo ku aadaneed galabnimo maalintii Sabtida aheyd ayaa waxaa ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee loo yiqiin Soope Qarax aad u ballaarnaa, kaasi oo geystay khasaare naf iyo maalba ahaa, waxaana lagu tilmaamaa musiibaddi ugu weyneyd ee ka dhacday Magaalada Muqdisho abid, taasoo ay ku geeriyoodeen in ku dhow 400 ruux, dhaawaca lagu sheegay in ka badan 200 Ruux, iyo tiro 50-meeyo ah oo ilaa iyo hadda la la’yahay raq iyo ruuxba iyo waliba khasaare hantiyadeed, kuwaasi oo ku burburay Qaraxii awgiis.

Haddaba sidii loogu gurmada Dadkii wax ku noqday Qarahaasi, waxaa Durbay booqday goobtii uu shilku ka dhacay Masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalka, waxaana lagu dhawaaqay Masiibo Qaran, Calanka ayaa hoos loo dhigay muddo 3-cisho ah ,si loogu boroordiiqo Dadkii ku nafwaayay halkaasi, islmarkaana waxaa la sameeyay Guddiga Qaranka ee Xaaladaha Deg-degga ah.

Guddigu waxa uu ku guuleystay in Dadkii ku dhaawacmay Masiibadaasi loo helo fursad loogu soo daweeyo Dalka dibaddiisa, waxaana ka qeybqaatay gurmadkaasi Dalka aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo soo diray Diyaarad Millitari oo loo yaqaan Air Ampulace Dhaqaatiir iyo Dawooyin islmarkaana u qaaday Dalkooda bukaanadii aadka u darnaa, waxaa iyana dhaqaatiir iyo dawooyin soo diray Dalalka Jabuuti, iyo Ethiopia iyoWadamada Qadar, Kenya, Maraykanka ayaa iyana soo diray shixnado daawo ah iyo kuwa kale.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee ku sugnaa airporka oo aan maalmahaan nasan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirrada Garsoorka, Gaadiidka, Qorsheynta Jamaal, Shaqada,, Amniga, Xannaanada Xoolaha, Arrimaha Dibadda, Waaxda Socdaalka iyo Jinsiga iyo Madax kale, Waxaa xusuusin mudan in howsha isu duwiddu ay ka socoto goob kale oo ay fadhiyaan Madax uu horkacayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenku, waxaana lagu tilmaami karaa Geesiyaasha dhabta ahi dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, shaqaalaha kale ee caafimaad siiba darawallada iyo shaqaalaha bukaan-la-roorka iyo mutaddawiciinta dhallinyarada u badan, waxayna Dadkaasi isugu jiraan Soomaali, Turki hore u joogtay iyo howladeennada Caafimaad ee ka soo gurmaday Turki iyo Djibouti.

Waddamo badan ayaa cambaareeyay Falkaasi foosha xun, Magaalooyin ka tirsan Yirub iyo Ameerica ayaa ka qeybqaatay boroor-diiqda, waxaana saacado la damiyay leyrarkii ka daarnaa Taaladda ay Magaalada Paris ku caanka tahay, halka Magaalada Istanbuukna Buundadeeda laga daaray Layrka Buluugga ah, magaalada Toronta ee Dalka Canada ayaa ka mid meelihii laga baroor-diiqay iyo waliba Magaalada Minnesota ee Cariga Maraykanka, dhammaantood ayaa bar-bar istaagay Ummadda Soomaaliyeed.

Salaadii Jimcaha ee shalay kadib ayaa Boqolaal dadweyne ah waxay isugu soo bexeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo aheyd meeshii mashaqadu ay ka dhacayday 14kii Bishan, waxaana ku wehliyay Culimaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo Salaad Janaaso ah ku dukaday goobtii dadka lagu xasuuqey,iyagoo illaahay uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, kuwa dhaawacyada qabana uu bogsiiyo, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujinaya dareenkoodi ku aadan sidii looga jawaabi lahaa falalka guracan ee maleeshiyada Shabaab ay u geysnayaan dadka shacabka ah.

Dhawaan ayay aheyd uu ka dhacay Banaan-baxyo qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna Dadka Muqdisho socodyo dhaadheer ku soo mareen Waddooyinka Caasimadda, iyagoo muujinayay shucuurtooda sida ay ugu xun yihiin Masaabadii sabtidii dhacday, waxayna ugu dambeyntii isugu soo urureen Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, waxaana fagaarahaasi ka soo qeybgalay Masuuliyiinta Dalka ugu sarreeya.

Maxay ka yiraahdeen Masuuliyiinta Dowladda?,Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaayay arrintaasi ayaa sheegay in Qarixii sabtidii dhacay uu ka turjumayo Alshabaab cida ay yihiin, isagoo xusay in ay xaqiiqoowday in ay yihiin cadowga koowaad ee Shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamaya waxa uu yiri:-“Bulshada Soomaaliyeed waxay haystaan hal fursad oo ah in ay midoobaan oo si wadajir ah u ilaaliyaan Dalka”, sidasi waxaa yiri Raiisul-wasaare Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka miid ahaa Masuuliyiintii ka qeyb galay bannaan-baxaasi lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.
“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa shalay faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ay ku shaaciyeen khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228,‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow, wuxuuna intaasi ku daray in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya.

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) ayaa sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi, islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegi doonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uu falka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

Haddaba ma la gudboon Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda waxaa la gudboon in dar-dargaliso guluka Millitari oo ay kula jirto Kooxda Al-shabaab, islmarkaana la xoreeyo goobaha ay ku sugan yihiin, shacabkana waxaa looga baahan yahay in la shaqeeyaan Dowladdooda, siiyaan xogaha rasmiga ah, si ay ugu fududaato laamaha amniga ay soo qabtaan kuwa maleegaya shirqoolada lagu xasuuqayo Ummadda Soomaaliyeed.

Qalinka: Cabdullaahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...