Madaxweyne Farmaajo“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal deg deg uga jawaaba dhibaata kasta”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan diyaar garow iyo ambabax ku aaddan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ay ku jiraan ciidamadu waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan si ay u ciil tiraan umadda Soomaaliyeed ee la gumaaday, gaar ahaan qoysaskii lagu dhibaateeyey qaraxii Soobe.

“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”
Saraakiisha iyo ciidanka ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.
“Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay maanta oo kale, waana la joogaa. Mudane Madaxweyne, Ciidanka Xoogga Dalku waxa ay sugaayaan oo kaliya waa amarkaaga iyo in aad na tiraahdo ku dhaqaaqa cadowga.” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha xarunta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan iyo markii uu ku dhawaaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...