Home Blog Page 1492

Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti

0

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, ayaa si wada-jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay isku afgarteen labada dhinac.

Ujeeddada booqashada rasmiga ah ee wasiirka iyo wafdigiisa, oo afar cisho qaadatay, ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada isgaarsiinta iyo boostada.

      Qodobada ay labada dhinac isla saxiixdeen waxaa ugu waaweyn:

1. Waxa ay labada dal iska kaashan doonaan dhinaca horumarinta xargaha fiber optic ah madaama ay saldhigyo badan ku yaallaan dalka Jabuuti, iyada oo la billaabi doono xiriirrada labada dal iyo shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo Djibouti Telcom oo ku saabsan xarig cusub oo Fibre Optic ah, gaar ahaan xarigga Djibouti African Regional Express (DARE), oo isku xiri doona magaalooyinka Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya dhowr deked oo ku yaalla Soomaaliya.

 

2. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan labada wasaaradood, ayaa waxa ay iska kaashan doonaan horumarinta iyo maamulka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda labada dal, wadaagista khibradaha iyo aqoonta la xiriirta isgaarsiinta, gaar ahaan dhinacyada isku-xirka gobolka Geeska Afrika, amniga internetka (cyber security), sharciyada isgaarsiinta, maamulka hirarka iyo lambarrada, iwm.

 

3. In la qabto dhowaan shir ay ka soo qeybgalayaan madaxda labada dal, shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo Shirkadda Djibouti Telecom.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay ka dib go’itaankii ugu dambeeyey ee Internetka Soomaaliya in wasaaraddu ay garowsatay in la dardar-geliyo helitaanka khad kale, maadaama aysan suurtogal ahayn in qaran dhan ku tiirsanaado hal xarig.

“Jabuuti waa dal aan wax badan ka faa’iideysan karno. Wuxuu leeyahay illaa 8 xarig oo fiber optic ah. Sidaasi darteed ayaan dooneynaa inaan ka kaashano sidii aan u horumarin lahayn isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo ka hadlayay heshiiska.

Maleeshiyadaka Al-Shabaab oo 3 Qof ku dishey Dalka Kenya

0

Kooxo la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Shabaab ayaa gowrac ku dilay 3 kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Maleli oo kutaala Jaziiradda Lamu ee dalkasi Kenya,iyagoo sidoo kale gubay guryo halkaasi kuyaalay, markii ay weerar ku qaadeen waaberigii saaka.

Guddoomiyaha deegaankaasi Gilbert Kitiyo,ayaa Jariiradda The Daily Nation ee ka soo baxday dalka Kenya u sheegay in 3 qof ay dileen kooxahaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegayaa in ay 4 qof ahaayeen dadka la dilay.

Waxaa goobtaasi gaaray ciidamo iyo saraakiil Booliis ah oo uu maamulka u diray halkaasi, si ay u dabagaalkaan kooxihii falkaasi ka dambeeyey,falka ayaa dhacay xili saacaddu ay ahayd 12:00 ee saqdhii Dhexe ee xalay.

Ragii weerarkaasi fuliyay ayaa ku baxsaday meelaha Keymaha ah ee halkaasi u dhow, sida lagu yaqaano weerarda argagixisadu ay fuliyaan,sida ay sheegayaan saraakiil katirsan Dowladda Kenya.

Kenya weli kama hadlin sababta loo beegsaday dadkaasi iyo waxa ay ahaayeen,balse waxaa la xaqiijiyay qura in 3 qof la dilay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in uu soconaya howlgal ballaaran oo ay wadaan ciidamada ammaanka dalkaasi, kuwaasi oo baadi goob ugu jiray sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxaha argagixisada.

Argagixiso lagu toogtay Dalka Spain

0

Wararka  laga helaayo  Dalka Spain ayaa sheegaya in Howlgal ballaaran oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dalkaasi ay ku toogteen 5 qof oo la sheeegay in ay wateen waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo qeyb ka ahaa weerar loo adeegsaday gaari Dad la jiirsiyay.

Howlgalkaasi ayaa ka dhacay degmada loo dalxiistago  ee Cambrils, taasi oo kutaala Koonfurta magaalada  Barcelona ee xarunta dalka Spain.

Mas’uuliyiinta Maamulka  gobolka Catalonia ayaa sheegay in booliska Cambrils uu rasaas furay kaddib markii ay arkeen dadka weerrarka soo qaaday oo gaari jiirsiinaya dad marayay wadada hareeraheeda halkaasi oo ay ku dhaawacmeen ilaa 7 ruux oo shacab ah.

Saraakiisha Ammaanka dalkaasi Spain ayaa sheegay in falkani uu daba socodo,weerrar ay dad badan ku dhinteen kaasi oo xalay ka dhacay magaalada caasimadda u ah ee dalkaasi ee Barcelona.

Weerarkaasi waxaa ku geeriyooday dad gaaraya ilaa 13 qof halka ay ku dhaawacmeen 100 qof oo kale.

Warbaahinta caalamka ayaa baahinaysa in kooxaha argagixisada Daacish ay ku faaneen  gumaadkaasi shacab ee ka dhacay dalka Spain.

Ciidamada booliska ayaa xabsiga u taxaabay qof laga shakiyay, inkastoo aann la xaqiijin weli in uu gaarigaasi ku lug lahaa iyo in kale.

Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaariga soo kiraystay.

Madaxweyne C/weli Gaas”Shacabka Puntland ha ilaashadaan nabadda iyo amnigooda

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka  Puntland Dr. Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo  ayaa safar ugu ambabaxay  dalka Boqortooyada Sucuudiga, Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ujeedada safarkooda waxaa uu la xiriira sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka  Puntland kula dardaarmay inay Ilaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamadooda sugaya amaankooda, Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle ka baryey inuu nabad kusoo celiyo, dalka oo nabadana ay dib ugu soo laabtaan.

Weftiga Madaxweynaha oo ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehelinaayey safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, iyo Murwadiisa iyo sidoo kale  mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada  Puntland, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka diyaarada Boosaaso kusii sagootiyey maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, taliska qeybta gobalka bari iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hor inta aanu safrin lahadlay warbaahinta, ayaa sheegay faah faahin ka bixiyay ujeedka safarkiisa.

Waxaan  u ambabaxaynaa dalka Sacuudiga oo aniga iyo guddomiyihii Baarlamaanka Puntland iyo ummad kale oo reer Puntland-ah aanu u aadayno gudashada waajibaadka Xajka, Illahay waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo gudashada waajibaadka Xajka dhammaantayo, Insha Alla haddaanu tagnan, waanu soo ducaynaynaa in Illahay dalkayaga nabad noogayeelo, In Illahay horumarka iyo wanaagga noo siyaadiyo, In Illahay wixii dhib ah oo jira naga dulqaaado oo noo fududeeyo’’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlad Goboleedka  Puntland ayaa ummaadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka  Puntland ka dalbaday inay usoo duceeyaan isaga iyo weftigiisa, isla markaana ay soocafiyaan, soona saamaxaan cid kasta oo wax tabanaysa haddii ay jiraan.

Xaaladda deegaanka Xeraale oo saaka deggan kaddib dagaal shalay ilaa xalay ka dhacay

0

Wariye C/kariin Axmed Bulxan oo Radio Muqdisho uga soo warama degmada Cabuudwaaq ayaa soo sheegaya in xaaladda deeganka Xeraale ay saaka deggantahay kaddib dagaal culus oo shalay ilaa xalay halkaasi ka dhacayay,  kaasoo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Ahlusunna.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay guul darreysteen wadahadallo u dhaxeeyay labada dhinac, waxaana xusid mudan in dadkii ku noolaa deegaankaasi ay hore uga barakaceen, lamana oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaase la rumeysanyahay in qasaaraha ugu badani uu soo kala gaaray maleeshiyaadka halkaasi ku dagaalamaya.

xigasho: radiomuqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay casho sharaf Muqdisho loogu sameeyey dalxiisayaal ka yimid China

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeybgalay casho sharaf loo sameeyey 27 dalxiisayaal Shiine ka yimid oo Muqdisho ku sugnaa maalmahan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtageliyey in 27ka Shiinaha ah inay Muqdisho u soo dalxiistagaan oo welbia geeyey goobo fara badan sida Liido, Jaziira, Xamarweyne, Tiyaatarka iyo goobo kale. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa shaqsiyaadkii suurtogeliyey dalxiisayaashan Shiinaha ah ee keenay Muqdisho, tanoo ah tallaabo ku dayasho mudan, noogana baahan inaan caalamka tusno in Soomaaliya ay tahay dal nabad ah oo dalxiisayaasha caalamka ay iman karaan.”

Wasiir Eng. Yarisow oo la hadlay dalxiisayaashan ayaa yiri “Soomaaliya waxey ahaan jirteen dal ay caalamku u soo dalxiistagaan, waxaana idinka rabnaa inaad noqotaan safiiro noo suurtogeliya in dalxiisayaal kale ku soo dhiiradaan oo yimaadaan dalka, bacdamaa ay Soomaalidu ku wanaagsantahay soo dhoweynta, abuurista ganacsiga iyo iyadoo cimilada iyo goobaha dalxiiskaba ay diyaar u yihiin soo dhoweyntiina.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa dalxiisayaasha u sheegay in Muqdisho ay ka furnaan jireen Makhaayado Shiinees leeyihiin oo caan ku ahaa raashinka Shiinaha, haddana ka codsaday dalxiisayaasha inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay Sarkaalka Arrimaha Siyaasadda ee Safaaradda USA

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa maanta la kulmay Elizabeth Shackelford oo ah Sarkaalka Arrimaha Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka (U.S. Mission to Somalia).

Labada mas’uul waxa ay ka wada hadaleen horumarka baaxadda leh ee muddo aad u yar gudaheed laga gaaray arrimaha Dastuurka gaar ahaan dhanka latashiyada qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ka qeybgelin loo dhanyahay ee ku aadan hanaanka dib u eegista Dastuurka.

Mudane Zubeeyr oo warbixin ka siiyay Elizabeth hawlaha ay Wasaaradda qabatay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diiradda saartay sidii loo heli lahaa fikradaha shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, islamarkaana Wasaaraddu ay sameeysay kulamo wadatashi ah oo qaarkood ku qaabsoomay caasimadaha Dawlad Goboleedyada.

Elizabeth waxey aad u bogaadisay dadaalka ay Wasaaradda wado taasoo aad u soo jiidatay dhammaan indhaha iyo niyadda shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caala

mka, sidoo kale waxa ay sheegtay in shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhici doona dabayaaqada bisha September magaalada New York ee dalka Mareykanka qeyb ka mid ah looga hadli doono arrimaha siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan Dastuurka.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Elizabeth iyo Safaaradda Mareeykanka ee Soomaaliya sida ay u daneeynayaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit oo sharraxaad ka bixiyay wax-yaabihii u qabsoomay

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed,ayaa maanta sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay  Maamulka Gobalka iyo  qorshayaasha kutalagal ah ee la doonayo  in laga hirgaliyo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha oo maanta ka qeybgalay kulanka golaha wasiirada  Xukuumada Soomaaliya oo uu shir gudoominaaye Ra’isul Wasaaraha Xukuumada  Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa xusay in  Maamulka Gobolka Benaadir uu u qabsoomay wax badan oo dhaxalgal ah.

Mudane Taabid,waxa uu qiray in la hirgaliyay  qorshayaal muuqda islamarkaana aan Caasimada horey looga qaban ,wuxuuna ka codsaday Dowlada Dhexe ee Soomaaliya in Maamulka Gobolka Banaadir loo kordhiyo dhaqaalaha soo gala  si  loo xaliyo howlaha Ballaraan ee maamulka hor yaalla.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waa markii ugu horreysay ee uu Golaha Xukuumadda hor-dhigo Hiigsiga caasimadda iyo muujinta lakabyada  uu leeyahay isla xisaabtanka,isagooo soo bandhigay qorshe cusub oo lagu casriyeynayo Muqdisho.

7 kamid ah Al-shabaab oo xalay lagu diley degmada Jilib

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa amrey howlgal gaar ah oo lagu diley todobo kamid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Howlgalka oo dhacay xalay ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidanka Kumandooska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka.

”Ciidankeena amniga ayaa diley todobo kamid ah maleeshiyaadka argagaxisada Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogiyaal sare oo mas’uul ka ahaa qaraxyo badan oo ka dhacay magaalada Muqisho,” ayuu madaxweynaha ku yiri war qoraal ah.

Warkan, ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweyah jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ay ka go’an tahay  ciribtirka Al-shabab awooda ay u leyihiin in ay fuliyaan weerarada macnada darada ah oo ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed, bulshada bariga Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Sharicga La Dagaalanka Argagaxisada, laguna go’aamiyey in Dhabaha Diyaaradaha ku soo degaan 150 mitir aan la degi karin iyo arrimo kale.

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sharciga la Dagaalanka Argagaxisada, go’aan laga gaaray dhismayaasha u dhow dhabaha diyaaradaha ku soo degaan, warbixino laga dhageystay Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada oo sheegay si garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Adan Cadde uu u noqdo mid hela aqoonsiga caalamiga ah loo baahanyahay in la banneeyo 150 mitir dhan walba ee dhabaha diyaaradaha ku soo degaan (runway). Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in si deg-deg ah looga guuro oo loo banneeyo 150 mitir.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin ku aadan horumarka 100kii maalmood ee Maamulka Gobolka uu ku tallaabsaday sida xasilinta amniga, nadaafada, dhismaha waddooyinka sida 30ka, Xawo Casir, awood-siinta dumarka, dhiirigelinta dhalinyarada, is-dhexgalka bulshada, daahfurka aragtiwadaaga Maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa Guddoomiye Taabit ku ammaanay dadaalkiisa una ballanqaaday wadashaqeyn buuxda oo dhanwalba ah.

Hanti-Dhowrka Guud Mudane Maxamed Maxamud Cali ayaa warbixin kooban ka siiyey Golaha Wasiirada xaalada xafiiskiisa, qorsheyaasha uu rajeynayo inuu ku horumariyo xafiiska. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada la dagaalanka musuqmaasuqa, kuna amray Hanti-Dhowrka Guud inuu qaado tallaabo kasta oo lagula jihaadayo la dagaalanka musuqmaasuqa si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada oo Wasiirka Amniga uu Golaha horey ugu soo gudbiyey. Sharicgan ayaa muhiim u ah soo celinta amniga, nabadeynta iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah oo shacabka dhibaatooyin u geysta.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Batroolka iyo kan Istaatiistikada oo Wasiirada Batroolka iyo Qorsheynta ay warbixno kooban ka siiyeen Golaha Wasiirada muhiimada sharciyadan. Golaha ayaa soo akhrisan doona sharciyadan si kulamada danbe looga doodo, loona ansixiyo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Golaha siiyey warbixin la xiriirta waxqabadkii 100kii maalmood ee Xukuumada ugana mahadceliyey Golaha Wasiirada dadaalkoodii dhaxalgalka ahaa oo suurtogeliyey in muddo kooban ku qabsoomaan howlo fara badan oo muhiim u ah dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada inay ka howlgalaan qorsheyaashooda 9ka bilood ee soo socda.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo dalka xilal kala duwan ka soo qabtay horeyna u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Maaliyada iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen. Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inuu socdo wadahadal qoyska oo looga hadlayo in Meydka la keeno Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo iyo in kale.

DHAMMAAD