Home Blog Page 1492

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho soo gaaray “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay  ee  Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhaqaatiir ay qeyb ka yihiin  ayaa soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxayna la kulmeen Madaxda ugu sareysa dalka.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha ayaana uga mahad celiyey howlaha Gargaar ee ay wadaan iyo doorka ay ka qaateen u gurmashada dadkii Musiibadii Zoobe ee Muqdisho waxyeelada kasoo gaartay.

intaasi kadib Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qaabilay Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti uu horkacayo, isagoo ku ammaanay doorkii  gurmadka walaalnimo ee ay u sameeyeen Bulshada Soomaaliyeed ee Waxyeelada ay soo gaartay, xilli Soomaaliya ay garab istaag u baahnadeen ayuuna u sheegay  in ay usoo gurmadeen.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay  ee  Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdigiii uu hoggaaminayey, ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaasi oo ay kula kulmeen Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyagoo warbixin ku saabsan qaabka gurmadka loo wado ka dhageystay R/wasaare ku xiggeenka.

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane, ayaa sheegay in dhaqaatiirtan ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, waxaana uu xusay Wasiirku inay in wadaan daawooyin loogu talagalay dadka qaba dhaawacyada.

Wafdigan oo ay soo dhaweyeen Wasiirada Arimahada dibadda iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uga mahadceliyey gurmadka  Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku aadan garab istaaga Walaalahood Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa  ah dowladii ugu horeysay  ee ciidamadeeda ku jiraan kuwa AMISOM gaar ahaan Hiil walaal ee gurmad muuqda u soo dirtay Soomaaliya marka laga reebo dowladda Turkiga oo daabushay dhaawacyadii ku dhawaad 40 ruux oo ku waxyeeloobay qaraxii aragagaxisdu ku gumaadeen shacabka Soomaaliyeed 14-kii bishan.

Agaasimaha SONNA oo Sacuudiga kulan kula qaatay Madaxda qaar kamid ah Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka “Sawirro”

0

Jiddah (SONNA) Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa Magaaladda Jiddah ee Dalka Sacuudiga, halkaasi oo ay uga qeyb galeen shirweynihii 25-aad ee Wakaaladaha wararka Islaamka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Wakaaladdaha Wararka Islaamka ee Shirkaasi kasoo qeyb galay.

Madaxda ay la kulmeen Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo wafdigiisa waxaa kamid ah Wakaaladaha Pakistan, Tunisia, Aljeria, Jordan, Imaaraadka Carabta, sucuudiga iyo maleysia, waxayna kala hadleyn Xoojinta xiriirka kala dhaxeeya, Iskaashi iyo Wadashaqeyn, siddii ay isku dhaafsan lahaayeen Khibradaha iyo in Mustaqbalka dhow ay galaan Hishiisyo wax ku ool ah.

Agaasimaha Wakaaladad Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe,  ayaa sheegay in Madaxda Wakaaladdihii ay la kulmeen uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa Maqaamkii Wakaaladda SONNA ay ku laheyd Caalamka, ayna u balan qaadeen Fulinta Codsigii uu ujeediyey.


 

 

Madaxweyne Farmaajo “waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday”

0

Muqdisho, 16 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran oo ay ka socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka dadka lagu la’yahay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Soobe.

Madaxweynaha ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad la soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee howl-wadeenada ka ah barnaamijka Gurmad Qaran, waxa uuna ku bogaadiyey wadaniyadda ay muujiyeen iyo sida hagrasho la’aanta ah ee ay isu abaabuleen si ay dhibka ula qaybsadaan dadkooda.

Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu tagay garoonka diyaardaha ee Aadan Cade halkaas oo uu ku saagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada oo loo qaadaay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu halkaas kaga guddoomay Wasiirka caafimaadka Dalka Turkiga Mudane Axmed Demirkaan tacsi uu ka siday Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalkiisa.

Wasiirka ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxa aan dhambaal tacsi ah idiin ka sidaa Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Bin Cali Yildirim. Waxa aan halkan u imaanay si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”

Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.

“Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday.”

Madaxweyne Jahmhuuriyadda oo dhambaallo tacsi ah ka helay qaar ka mid ah dalalka Caalamka

0

Muqdisho, 16 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni iyo Boqorka Urdun Cabdalla Binu Xuseen ayaa khadka teleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo u muujiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ula murugeysanyihiin.

Sidoo kale, waxaa dhambaallo tacsi ah u soo diray Madaxweynaha, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.

-DHAMMAAD-

Mukhtaar Roobow “haddii siddaan jano lagu rabo jidkeedii midkaan ma ahan ee Towbad keena”.

0

Muqdisho (SONNA) Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ee Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u canbaareeyey Weerarkii wuxuushnimada ahaa ee ay kooxda Al-shabaab ka geysteen Isgooska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Kooxda Al-shabaab ay caadeysteen Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ayagoo sidaan oo kale u qarxiyey meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wadaadka ayaa sheegay in asaga iyo shabaab waxa ay isku qabteen in ay ugu weyneed in aysan Shacabka dhib u geysan isagoo sheegay in ay ka biyo diideen dalabkiisa sidaana uu uga baxay ku dhawaad toban sano ka hor.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Kooxaha Nabad diidka Al-shabaab ugu baaqay in ay Alle u towbad keenaan islamarkaan fikradaha qaldan ay kasoo laabtaan waxana una sheegay in wadad ay ku socdaan aysan ahayn wado Jano lagu raadiyo.

Taliyaha cusub ee CXD oo xilka si rasmi ah ula wareegay

0

Muqdisho (SONNA) Munaasabada xil-wareejinta ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, waxaana goob-joog ka ahaa ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi  oo khudbad ka jeediyey xil-wareejinta ayaa ku dardaarmay in si xooggan looga qeyb-qaato dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna guula u rajeeyey taliyaha cusub ee xilka la wareegay ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey musiibadii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacdey Isgoyska Zoobe, waxa uuna sheegay in tani ay tahay fariin loo diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo looga baahanyahay in ay difaacdaan dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kale waxa uu u mahadceliyey taliyihii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in ay u taallo howl adag oo u baahan in lagu difaaaco dalkeena cadowga dhibaatada ku hayo, waxa uu xusay in hoggaanka iyo ciidankuba ay gaarsiin doonaan meesha ay maanta joogaan meel ka sareysa, loona baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed ay si joogta ah u garab istaagaan ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Cabiweli Jaamac Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey in ay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo ku aaddan sidii dalka inta ay ka joogaan aragagixisada Al-Shabaab looga xorreyn lahaa.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxame Cali Xagaa ayaa munaasabadda xil-wareejinta ah ka jeediyey mahadcelin ku aadan Taliyihii hore ee Xoogga dedaalkiisii ku aaddanaa dhismaha ciidanka iyo Difaaca dalka, dhanka kale waxa uu tilmaamay in taliska cusub looga baahanyaha in ay la yimaadaan hufnaan iyo howl badan, laguna dadaallo mideynta iyo wadajirka ciidanka Xoogga dalka si dalkeenna aan uga saarno dhibaatada amni ee uu ku jiro.

Maamulka Degmada Heliwaa oo faah faahin ka bixiyay dib u dhiska waddada Balcad iyo Muqdisho “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa faah faahin ka bixiyay socdaal dhawaan wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ay ku tegeen xarunta Degmada Heliwaa, kuwaasi oo u kuurgalayay xaaladda degmada iyo horumarka ka jira degmada.

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle Guddoomiyaha Degmada ayaa madaxda uga warbixiyay xaaladda amni iyo tan horumar ah ee ka jirta degmada Heliwaa, waxaana ujeedka wafdi ay ahayd sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Waddada Balcad ee isku xirta Gobollada Benaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Intaas kaddib wafdiga ayaa waxa ay tegeen Waddada si ay u soo qiimeeyaan qaabka ugu dhaw ee dib loogu dhisi karo.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa xusay in dhankooda ay xoogga saaraaan xaqiijinta amniga Degmada, waxaana uu shacabka ka codsaday inay ka qeyb qaataan doorka uga aadan dib u dhiska waddada isku xirta Balcad iyo Muqdisho.

Dowladda Jabuuti oo soo dirtay diyaaradda sido gargaar caafimaad iyo dhaqaatiir.

0

Muqdisho (SONNA) Dowladda aan walaalaha nahay ee  Jabuuti ayaa diyaarad gargaar caafimaad sida u soo dirtay Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dadka faraha badnaa ku dhamaadeen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Aadan Hassan Aadan oo la hadlayay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa sheegay in Diyaarad daawo iyo agab caafimaad sido oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti isla markaana ay la socdaan 25 dhaqaatiir iyo kalkaaliye Caafimaad ah ay ku soo wajahan tahay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa xusay in ay reer Jabuuti ay si buuxdo u garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed asagoo xusay in ay aad uga xunyihiin Mashaqaddii ka dhacday Isgooska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.

Dowladda Jabuuti ayaa ah mid marwalbo garab taagan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ayagoo abaalo badan horay ugu soo galay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka oo Dhiig u shubay dadka ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (SONNA) Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb qaatay Gurmadka loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxda Argagaxisada Al shabaab ay ka geysteen iskoyska soobe ee magalada muqdisho

Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka  Badda ayaa dhiig u shubay dadka ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay magalada Muqdisho, waxaa halkaasi  ku sugnaa Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka iyo Badda, Wasiirka amniga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Masuuliyiin ka socotay shirkada Alberag.

Ugu horeyn waxaa halakaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac waxayna sheegtay in wasaaradooda ay wado dadaalo lagu cawinayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe.

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ku amaanay Talaabada wanagasan ay qaadeen Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha, isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Argagaxisada ah ee Al shabaab.

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Zambia oo ka tacsiyadeysay Musiibadii 14,kii bishan ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

0

Muqdisho (SONNA) Warsaxaafadeed ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Zambia ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii argagaxisinimo ee kooxaha nabad diidka ah ay maalin ka hor ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

Danjiraha Safaaradda Soomaaliyeed ee Wadanka Zambia Danjire  Maxamed  Xasan Dawaare ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatadii argagaxisada ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ay kor u dhaafeyso 230 qof tirada dhaawacuna uu sedax boqol kasii badanyahay iyadoo weli ay dad nolol iyo geeri midna lagu la’yahay.

“innaa lillaah wa innaa Ileehi raajicuun waxaan halkaan ka cabaareyneynaa qaraxii kooxaha aragagixisadu ay 14,kii bishan ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho kaasoo geystay qasaare isugu jira dhimasho,dhaawac iyo sidoo kale bur bur aad baaxadiisu u weyntahay oo ah musiibo qaran anigoo ku hadlaya magaca safaaradda iyo kan jaaliyada Soomalaiyeed ee Zambia waxaan murugta iyo dhibta la qeybsaneynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda musiibadii dhacday” ayuu yiri Danjire Maxamed Xasan Dawaare.

Maalintii sabtiga ayay aheyd markii qarax lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee ka qasaare noocaan ah geysta uu ka dhacay Magaaladda Muqdisho kaasoo shacabka Soomaaliyeed uu kasoo gaaray dhimasho,dhaawac iyo bur bur soo gaaray goobo ganacsi iyo dhismooyin.