Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Jowhar

Date:

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulkaasi.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isagoo halkaasi la filayo inuu ka jeediyo Khudbad.

Sidoo kale waxaa magaalada Jowhar gaaray wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka sida Madaxweyneyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo sidoo kale marti kale oo lagu casuumay Munaasabada.

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan.

Xaflada caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa si toos ah ugala socon kartaan Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, Radio Muqdisho iyo Baraha Bulshada Warbaahinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...