Shinzo Abe” Si Ganbasho la’aan ah ayaan wax uga qaban doonaa Kuuriyada Waqooyi”

Date:

Muqdisho(SONNA) Shinzo Abe,Ra’iisul wasaaraha dalka Japan oo la hadlay Warbaahinta caalamiga ah ayaa ballanqaaday in uu si aan gabasho lahayn wax uga qaban doono Kuuriyada Waqooyi ka dib markii natiijada hordhaca ah ay muujisay in uu si wanaagsan ugu guulaysatay doorashadii Axaddii dhacday.

Ra’iisal wasaare Abe ayaa cadeeyay in u jeedada ugu muhiim ee sanadkaan u soo hormariyay doorashada ay tahay in uu kordhiyo muddo xileedkiisa iyadoo bartanka lagaga jiro tiro dhibaatooyin ah oo dalka soo foodsaaray.

Wuxuu sheegay in haatan ay dareemayaan halis kaga soo fool leh Kuuriyada Waqooyi,islamarkaana uu doonayo in arintaasi si qibradeysan uu wax kaga qabto.

Natiijooyinka aan rasmiga ahayn waxay muujinayaan in Abe ay u suuragashay in uu helo aqlabiyad ah saddex meelood laba meel

Arrintan ayaa ahmiyad u leh doonitaankiisa ku aadan in uu isbadal ku sameey dastuurka dalkaas ee la qoray 1947, kaas oo ay qoritaankiisa galaangal ku lahaayeen Maraykanka oo qabsaday, qodobka 9-aad ee dasturka Japan na wuxuu ka soo horjeedaa in dalku uu dagaal galo.

Ra’iisal wasaaraha dalka Jaban Shinzo Abe,ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca dalka Jaban ay ku wadaan qorshe lagu hormarinayo si ay dalka iyo dadka Jaban u difaacaan,dhanka kalena wuxuu sheegay inuu taageero uga raadinayo shacabka.

Wariye ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Jaban,ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Abe uu balan qaaday inuu wanaajinayo xiriirka Dowladaha kala kala dhaxeeyo,taasoo uu sheegay in door muhiim ah ka ciyaari doonto diblomaasiyadda Jaban.

W/Q: Daahir Aadan Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....