R/wasaare Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle”Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyay Munaasabadii lagu Caleemasaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Shacabka ku nool deegaanada maamulkaasi, isagoo u rajeeyay Hormar balaaran iyo inay ka shaqeeyaan Amniga iyo hormarinta dalka, isagoo sheegay inuu Salaan kaga wado Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo hirgalin lahaa Nidaamka Federaalka, iyo in laga shaqeeyo Sugida amniga iyo Hormarka dalka.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay Ra’iisul wasaaraha in laga shaqeeyo Midnimada lagana tago Khilaaf iyo wax kasta oo dib u dhigi kara hormarka ay ku socoto Soomaaliya, wuxuuna xusay in hadafka uu yahay in la daboolo baahida shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay u baahan yihiin Amni, Dhaqaale iyo in shaqo loo abuuro Dhalinyarada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay khilaaf la isla dhex marayay inuu u dhaxeeyo Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, wuxuuna sheegay in meel kasta oo maamul uu ka jiro uu imaanayo Khilaaf laakiin wuxuu sheegay in Maamul Goboleedyada ay yihiin Garbaha Dowlada Federaalka isla markaana ay si wadajir kaga shaqeynayaan Hormarka Dalka, lagana wada hadli doono waxkasta oo lakala tabanayo.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Xasan Cali ayaa ka hadlay Gogosha uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada isagoo sheegay in Madashaasi looga hadli doono Tabashooyin ay kala qabaan Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo in Madaxda Qaranka ay ka tashadaan sidii dalka looga xureyn lahaa Cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Dhinaca kale Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Khudbado ka jeediyay Madasha ayaa dhamaantood ku baaqay in laga shaqeeyo wadajirka umadda Soomaaliyeeed oo ah wadada kaliya ee guul lagu gaari karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...