Tababarka tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Djibouti lagu soo xiray

Date:

Waxaa   maanta  dalka Djibouti lagu soo gebagabeeyay tababarka kubadda Gacanta  darajada koowaad oo  15 Tababare muddo 10 cisho ah u socday, waxaana xafladda  xeritaanka oo ka dhacda Caasimadda  Djibouti kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka  socotay Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo kan  Djibouti , Xiriirada kubadda  Cagta  iyo Miiska Djibouti iyo Xiriirada  Kubadda Gacanta iyo Miiska  Soomaaliyeed.

Ugu horreyn waxaa xafladda  ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliyeed   Ahna Xubin ka tirsan Guddiga Fullinta GOS Mudane Maxamed  Xuurshe Xasan Eenoow waxuuna sheegay in Tababarkan  uu ka mid yayhay  tababarada ay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ugu talo gashay  horumarinta  aqoonta macalllimiinta  xiriirada kale gedisan ee dalka,waxaana gacan ka geystay   International Olympic Committee iyo  Olympic Solidarity.

Guddoomiye Eenoow ayaa dhanka   u mahad celiyay Macalimiinta tababarkan Bixinayay Effat Rashat iyo Cali Axmed Maxamud (sayid Ali Kuukaay)  , waxuuna  tababarayaasha kula dardaaamay in  waqtiga qarashka  lagu bixiyay in aqoontooda sare  loo qaado  laga doonayo in ay waxii ay barteen dalka dib ugu celiyaan isla markaana    kubadda Gacanta Soomaaliya sare u qaadaan.

Macallinka tababarkan bixinayay  uu  u dhashay dalka Masar  Effat  Rashad ayaa dhankiis tilmaamay   mudadaa  10-ka cisho ah uu tababarkan socday uu la kulmay  macallimiin  wanaagsan  oo u soo diyaar-garoobay tababarkan kana faa’iideystay  taasna ay caddeyn u tahay sida  dhammaantood ugu guuleysteen  imtixaanka  qeybahiisa kale gedisan, waana arin ifarax gelineysa.
“ Waxaad hadda haysataan cilimigi u  dambeeyay  kubadda Gacanta Caalamka  , dhankiina ayay markaan soo jirtaa waxaana la idinka doonayaa in ay jiilka idinka dambeeyay uga faa’iideysaan , “ ayuu Yiri Effat Rashad.

Macallin Effat ayaa dhanka kale u mahad celiyay  Macallinka  tababarkan ku wehliyay Sayid Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay) waxuuna ku  tilmaamay  inuu laf-dhabar u ahaa   qabsoomidda   tababarkan, waxuuna  macallinmiinta kula dardaarmay in laga doonayo shaqo adag si ay uga soo dhalaaaan cilmigi ay barteen.
Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti  Mursal Cabdi Nuux   iyo  Xoghayah  Guddiga Olombikada Djibouti Feysal Abdulrham Ragouf ayaa   si wada jir ah  u sheegay  faa’iida  isboortiga u leeyahay  isdhexgalka Bulshada waxayna Macallmiinta Shahaada qaatay    u sheegeen in shaqo ay hadda bilow u tahay  lana  doonayo in u diyaargaroobaan sidii ay usoo saari lahayeen  ciyaartooy Mustaqbal  wanaagsan ku yeesha  xulka qaranka Soomaaliya  isla markaana  ku dadaalaan sidii ay ku qaadan lahaayeen shahaadooyinka heerkan kasii sareeya.

Tababarkan oo muddo 10 cisho ah ka socday dalka Djibouti   ayaa macallmiinta lagu  baray xirfadda  iyo  hanaanka tababarka kusoo kordhay  Ciyaarta kubada Gacanta Adduunka, waxaana ugu dambeyn lagu guddoomnsiiyay shahaadada  heerka koowaad ee kubadda Gacanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...