Taliyaha Ciidanka X.D.S. oo kulan la qaatay Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Date:

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis Pietro.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid isbarasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Tababarrada Midowga Yurub ay siiyaan Ciidamada xoogga dalka iyo sidii wada shaqeyn u dhex mari laheyd labada Masuul.

C/wali Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa uga mahad celiyay Taliyaha sida Midowga Yurub ay ku garab taagan yihiin Ciidamada xoogga dalka, iyagoo bixiya Tababarro heer sare ah sidoo kalena ku taageera ciidamada Soomaaliya Saanad Militari.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ka codsaday Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis Pietro, inay door weyn ka qaataan dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka oo dhawaan lagu qaadi doono deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab iyo in Midowga Yurub Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya la sii xoojiyo, maadaama dalka uu ka socdo dib u dhis xooggan oo lagu sameynayo Ciidamada si loo xaqiijiyo xasilinta amniga guud ee dalka.

C/wali Jaamac Gorod ayaa maalmahan waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha horyaala ciidamada xoogga dalka, isagoo shalay kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka, guud ahaanba dalka looga ciribtirayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...