Madaxweynaha JFS oo Gaaray Dalka Jabuuti (Sawirro)

Date:

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka  Soomaaliya ayaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kulan gaar ah la qaatay, iyagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safark qaatay muddo 4casho ah oo uu ku maraayey qaar ka mid ah wadamada Gobolka waxa uu ku soo gaba gabeeynaaya dalkaas Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...