Guddoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo siweyn loogu soo dhaweeyey Garoowe

Date:

Garoowe(SONNA) Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada garoowe ayaa waxa goor dhow siweyn loogu soo dhaweeyey guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo halkaasi gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri  iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi Waxaa ku wehliyay xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweyeey halkaasi madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyey.

Wefdigan waxaa uu ka qeybgali doonaa kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo berri ka furmaya  magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlada Goboleedka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...