Home Blog Page 1491

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda oo ka warbixiyey Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

0

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Soomaaliya Cabdi  Canshuur Xasan oo ka qeyb galay barnaamijka waxqabad ee ka baxa warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka haddana horyaalla mudanayaasha Aqalka Sare uu waxbadan ku soo kordhin doono dalka gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Daqliga.

Wasiirka Boostada ayaa sidoo kale sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka  markuu dhaqan galo uu abuuri dooni Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka taasoo maamuli doonta dhaqangalka Sharciga Isgaarsiinta.

Sidoo kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka hadlay Xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya  iyo Shirkadaha Isgaarsiinta iyo doorka ay ku leeyihiin Sharciga Isgaarsiinta Qaranka iyo haddii ay jiraan kulamo ay la yeesheen.

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Eng. Cabdi Canshuur Ayaa sheegay in Casharkii laga bartay dhibaatada Go’itaankii Internedka in uu sababay in ay billaabeen qorshayaal looga gudbi karo haddii markale ay dhibaatadaas  oo kale  dhacdo.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga”Wey sii socon doonaan Howlgalada Sh/Hoose”

0

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Cabdullaahi Iimaan Ceynte oo lahadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Howlgalada Ciidanka Xoogga ay ka wadaan deegaanadii lagala wareegay Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalada oo shalay Maleeshiyaadka Al-shabaab looga furtay hub kala duwan uu yahay mid aan joogsan doonin ilaa Al-shabaab laga saarayo meelaha wali gobolka Sh/Hoose ay kaga dhuumaaleysanayaan.

Waxa uu intaasi ku daray in maadaama uu gobolka Sh/Hoose yahay meel Istiraatiiji ah lagama maarmaan ay tahay in cadowga aan loo ogolaan in ay kusii nagaadaan, ciidanka xoogga dalkana ay diyaar u yihiin sidii loo cirib tiri lahaa maleeshiyaadkaasi.

Howlgalada socda ayuu ku tilmaamay Cabdullaahi Iimaan Ceynte afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka in ay ka duwan yihiin howlgaladii hore maadaama aaney joogsan doonin inta Argagixisada awoodooda laga wiiqayo.

Ciidamada Ammaanka oo saakay howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Sh.Hoose

0

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo ka wada deegaano katirsan gobolka Sh/Hoose, oo shalay ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalada si gaar ah uga sameynaya deegaanadii shalay lala wareegay, iyada oo baaritaano gaar ah lagu sameynayo wadooyinka iyo xaafadaha qaar ee daaganadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in deeganada lagala wareegay Al-shabaab loo sameyn doono maamul, maadaama ay yihiin deegaano Istiraatiiji ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in iminka ay socdaan howlgalada ciidamadda xoogga dalka, oo sida uu sheegay lagu xaqiijinayo amaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano katirsan Sh/Hoose

0

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Cabdi Cabdulle oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgalo ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Sh/Hoose, waxaana uu sheegay in ciidanku ay la wareegeen deegaano horey ay ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanada ay qabsadeen ciidanka xooga dalka ayaa waxaa kamid ah Bariire, Sabiible, Caanoole, Mareerey iyo tuulooyin kale oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Shabaab.

C/fitaax Xaaji Cabdulle guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegey in ciidamada Dowladda siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanadii ay qabsadeen, ayadoo la arkayay dadweyne aad u farabadan oo ku faraxsan howlgaladaasi dib u xoreynta ah.

Deegaanka Bariire ayaa kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi, halkaasi o la sheegay in laga taagay calanka Soomaaliyeed, islamarkaana laga dejiyay marada madow ee lagu yaqiinay maleeshiyada Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ugu baaqey shacabka ka soo jeeda deegaanadaasi in ay dib ugu so laabtaan guryohooda, islamarkaana laga qaaday culeyskii ay ku hayeen kooxaha argagixisada.

Marxuum Dr Maxamed Jaamac oo lagu aasay Gaalkacyo

0

Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalk,  kuwa Puntland, siyaasiyiin, maamulka gobolka, dhaqaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, Isimo iyo shacab ka kala yimid deegaanada Puntland ayaa maanta ka qaybgalay Aaaska Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad oo  lagu aasay Magaalada Galkacyo.

Ugu horayn Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa Raxmad iyo Jano Alle uga baryay Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad.

Dhinaca Siyaasiyiinta waxaa aaska ka hadlay Cali Cabdi Awaare oo ka hadlay gargaarkii uu marxuumka u fidin jiray bukaanada una tacsiyeeyay Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Xuubsireed oo ku hadlayay afka dowlalada Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinasir Cismaan  ayaa ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka, waxaana ay Alle uga baryeen in uu ka waraabiyo janadii Fardowso ahayd, ehelka uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan.

Hogaanka Bulshada Rayidka ee Galmudug oo la doortay

0

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Cadaado uga  qeyb galay doorashada hogaanka ururada bulshada rayidka maamulkaasi.

50 ruux oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka isla markaana matalayey Degmooyinka Galmudug ayaa cod qarsoodiya  ku kala doortay ilaa 6 musharax oo usoo tartamay Gudoomiyaha iyo labadiis ku xigeen.

Gabagabadii doorashada Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug iyo ku xigeenadiisa waxaa ku dhawaaqay najiitada caydiid Maxamed Cali oo ka mida xubnaha doorashadaan qaban qabiyey, Waxana Gudoomiye loo doortay Qadar Maxamed Faarax Halka Ku xigeenka 1-aad loo doortay Sagal Mahdi Jamac Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ay ku guuleysatay Nuuriyo C/risaaq.

Qadar Maxamed Faarax Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug ayaa sheegay inay la shaqeydoonan maamulka sidoo kalena ku farmuuqi doonaan meelaha uu gaabis ka jiro.

Wasiir Dowlaha Armaha Gudaha iyo dowlada Hoose Galmuudg Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay inay ka maamul ahaan soo dhahweynayaan hogaanka bulshada rayidka Galmuudg mumiimna ay u yihiin isdhaxgalka bulshada iyo ka shaqeynta horumarka deegaanka.

markii ugu horeysay ayeey noqoneysaa oo ururada bulshada raydika Galmudug yeeshaan Hogaan ay ku mideysayihiin waxana mas’uuliyiintaan la doortay looga fadhiyaa matalaad dhab ah.

Akhriso waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood

0

Lifaaqa Hoose ka akhriso Waxqabadkii dowladda hey’adaheeda kala duwan, amniga, siyaasadda, dib u heshiisiinta, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo arrimo kale oo muhiim wixii ay ka qabatay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wax-qabadka 100ka maal-mood book final

Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in uu gaaro dalka Masar

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo aya maalinta axada ah waxa ay booqasho rasmi ah ku tagi doonan dalka masar, kadib markii uu madaxweynaha casuumaad rasmi ah  ka helay dhigiisa Masar C/fitaax Al-SiiSi.

Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar aya lagu xaqiijiyay in madaxweynaha JFS Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo uu dalka Masar ku imaanayo booqasho rasmi ah, lana kulmi doono jaaliyadda iyo ardayda ku sugan Qaahira, waxaana warqada kaso baxday safaaradda lagu ogaysiinaya bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Masar in kulanka uu ka dhici doono MARKAZ MUTAMATAAD AL-AZHAR QAACADA FUSDHAAD.

Maalinta isniinta oo ku beegan 21-08-2017, imaatinka dadweynaha aya bilaabanaaya 7:00pm waxuu ku egyahay galida hoolka 8:00pm.

Waxa warqada ku xusan in xiligaasi wixii ka danbeeya la xiri doono wadooyinka sababo la xiriiro dhinaca amniga.

Ugu danbeyna waxay safaarada ka codsatay Bulshada Soomaaliyeed iney ilaaliyaan waqtiga imaatinka hoolka.

W/D:- Wariye Mowliid Hassan Abdi

Booliska Mareykanka oo toogtay Muwaadin Soomaaliyeed.

0

Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in ay toogteen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida kunool dalka Mareykanka.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa sheegay in ninkaasi ay ciidamada Ammaanka ay isku dhaceen ka dibna ay toogteen.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Soomaalida kunool Gobolka Washinton.

Falkaan ayaa ahaa Mid aad looga Naxo, Maadaama wararka Qaar ay sheegayaan in ninkaasi uu ahaa Shaqsi dhimirka looga jiray.

Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askarigii dilkaasi geystay, islamarkaana ay baaris ku waddaan.

Shir looga hadlayay horumarinta Soomaalida Finland kunool oo la soo geba gebeeyey

0

Magaalada Turku ee dalka Finland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay fursadaha ay dadka Somaaliyeed uhaystaan iney ganacsi ka sameystaan dalkan,   waxaana kasoo qeyb galay xubno katirsan dowladda Finland,  jaaliyaddaha Soomaalida dalkan Finland  iyo qurbajoog kale oo ka yimid dalalka kale ee Yurub.

Barnaamijkan oo loogu magac daray Iska Waran ayaa soconayay muddo labo maalin ah, waxaana lagu soo bandhigayay arrimo ay ka mid yihiin qaabka ay Soomaalidu ula qabsatay  nolosha Finland, gaar ahaan dhanka shaqadda iyo waxbarashada.

Sidoo kale Intii uu socday  shirkan waxaa lagu soo bandhigay tirada bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Finland,kuwaasi oo isugu jira kuwa dalkan qaxooti ahaan kusoo galay iyo kuwa ku dhashay.

C/Shakuur Cali oo ah qaban-qaabiyaha Shirkan iyo guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Turku Sagal Maxamuud Cali ayaa si isku mid ah rajo ugu muujiyay in shirkan uu faa’ido weyn ukeeni doono dadka Soomaaliyeed ee dalka Finland ku nool.

“Runtii Soomaalida faa’ido weyn ayaa ugu jirta arrintani,hadii ay ahaan lahayd dhinacyada waxbarashada,ganacsiga iyo horumarka,waxaan dhiiro gelinaynaa in xoojinta barnaamijkan”, Ayay si isku mid ah u dheheen mas’uuliyiintani.

Xildhibaanada Soomaalida ah ee golaha deegaanka magaalooyinka Turku iyo Helsing oo shirkan ku sugnaa iyo ka qeyb galayaashii kale ee shirkan ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay si fir fircon uga dhex muuqdaan bulshadda laakiin ay muhiim u tahay in la helo ganacsi Soomaaliyeed oo lagu faani karo isla markaana bulshadda shaqo abuur iyo hormar u sameyn kara.

Shirka Iska Waran oo la qabanayo sanadkii labaad ayaa waxaa ugu dambeyn kasoo baxay natiijo wax ku ool ah,  oo faa’ido badan  u leh bulshadda Soomaaliyeed ee kunool dalkan Finland, waxaana sanadka soo socda lagu qaban doonaa magaaladda Helsinki ee caasimadda dalkan Finland.