Home Blog Page 1491

kulan baroordiiq ah oo xalay lagu qabtay Magaalada Minneapolis

0

Muqdisho (SONNA) Kulan loogu baroordiiqayay dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxaii 14 bishaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka  waxaana kasoo qablay jaaliyadda Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Dowladda maraykanka.

Kulankaan baroordiiqda ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doorto gobolka Minnesota iyadoo dareenkeeda la qeybsatay Bulshada Soomaaliyeed  sheegtayna inay ka go an tahay Caawinta Soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ayaa wada didaalo lagu Caawinaayo Muwaadiniintii ay dhibaatadu ka soo gaartay Weerarkii bahalnimo ee dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankaan  xalay lagu qabtay Magaaladda miniyaabulis ayaa qeyb ka ah baroodiiqda loo sameynaayo dadkii ku dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii 14 bishaan ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Deeq Dawo ah oo ka timid Mareykanka oo soo gaartay Muqdisho

0

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow soo gaaray Diyaarad sida Deeq dawo ah oo Dowlada Mareykanka ay ugu soo gurmatay dadka dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siihaya Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Diyaarado kale oo wada Gurmad caafimaad ah kuwaas oo ay balanqaadeen dowlado Saaxiib la ah Soomaaliya.

Shirkada Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiina iyo EX-Degfeer

0

Muqdisho (SONNA) Hay,adda Hormuud foundation ayaa deeq lacageed oo 50 kun oo dollar gaareysisay  Isbitaalada Madiina iyo  EX-Degfeer oo ay ku jiraan dadkii waxyeelada kaso gaartay masiibadii ka dhacday iskooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayagoo sinayay qofkii 100$ waxaana ay sheegeen in ay ka mid tahay ka qeyb qaadasha gurmadka loo fidinaayo dadkaas.

Agaasime ku Xigeenka Hay,adda Hormuud foundation C.raxmaan Ibraahin Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan aheyn tii ugu dambeysa oo ay si wadi doonan ugurmashada shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay iskooska zoobe maalintii sabtida aheed.

Dr. maxamed Yuuuf Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ayaa uga mahadciliyay deeqda gurmadka ah oo ay soo gaarsiyeen Hay,adda Hormmud foundation iyo sida ay marwalbo uga qeyb qataan samata bixinta Bulshada.

C.raxmaan Ibraahin Cilmi  Agaasime ku xigeenka Hay,adda Hormuud foundation  ayaa sidoo kale  sheegay in ay waajib tahay in laga qeyb qaato gurmadka si loo dabiibo dadka ku dhaawcmay qaraxii bahalnimada ahaa ee ka dhacay iskooska zoobe.

Shirkadda Hormuud ayaa ka mid ah Xarumaha Ganacsi ee Dalka ka shaqeeya taasoo ay xusid mudan tahay in ay ka mid tahay Xaruumaha inta badan Caawiya bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan marka ay dhacaan fatahaada Wabiga shabeele,Abaarta iyo dhibaatooyin kale oo soo wajaha bulshada Soomaaliyeed.

Dowlada Mareykanka oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Bayaan ka soo baxay Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa si weyn loogu Cambaareeyay Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo Khasaare naf iyo maal uu ka dhashay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay dad aanan waxba galabsan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay ku jireen muwaadiniin u dhashay Mareykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda, si loo xaqiijiyo Amniga guud iyo Dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxda dowlada Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu gurmanaya dad dhibaatada ay ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale kaalin lama iloobaan ah ka qaatay Dowladaha aan walaalanahay ee Turkiga iyo Jabuuti, iyadoo sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu sheegay in Dowlada Qatar ay diyaar u tahay inay Diyaarad gurmad ah u soo dirto magaalada Muqdisho, waxaana intaas dheer Dalal badan oo si weyn ula qeybsaday murugada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

kulan baroordiiq ah oo xalay lagu qabtay Magaalada Miniyaabulis

0

Kulan loogu barordiiqayay dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxaii 14 bishaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho ayaa lagu qabtay Magaalada miniyaabulis  ee dalka maraykanka  waxaana kasoo qablay jaaliyadda Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Dowladda maraykanka.

Kulankaan baroordiiqda ah ayaa waxaa soo qaban qaabiayya Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doorto gobolka minisoota iyadoo dareenkeeda la qeybsatay Bulshada Soomaaliyeed  sheegtayna inay ka go an tahay Caawinta Soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ayaa wada didaalo lagu Caawinaayo Muwaadiniintii ay dhibaatadu ka soo gaartay Weerarkii bahalnimo ee dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankaan  xalay lagu qabtay Magaaladda miniyaabulis ayaa qeyb ka ah baroodiiqda loo sameynaayo dadkii ku dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii 14 bishaan ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Taallada Tour Eiffel ee Paris oo la damiyay si loogu murugoodo Qaraxii Zope

0

Duqda Magaalada Paris, Anne Hidalgo ayaa amar ku bixisay in la demiyo taallada Tour Eiffel ee ay Paris caanka ku tahay Axadda si loogu murugoodo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxii Sabtida la soo dhaafay ka dhacay Isgooyska Zope ee Magaalada Muqdisho.

Taallada ay caanka ku tahay Magaalada Paris ee Cariga Faransiiska ayaa la damiyay Nalalkii ka shidnaa, taasi oo loogu boroor-diiqayo dhacdadii ugu xumeed ee ka dhacda guud ahaan Dalka Soomaaliya 14-kii bishan , waxaana ku naf waayay Dad aad badan, islmarkaana waxaa bur-buray hanti aad u fara badan.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in la dami doono Nalalka ka shidan Taalladaasi , si loola qeybsado dadka Magaalada Muqdisho dhibaatadii ku dhacday.

Dowlada Turkiga ayaa iyana Daartay Iftiin Buluug ah, si ay u Muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibkii loo geystay Dadka Muqdisho Sabtidii.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay dhacdadaasi mid ah nasiibo Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya muddo 3 cisho ah.

Koonfur Afrika oo si Kulul u Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareyneysa Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, Sabtidii, 14 October 2017, taas oo keentay in dad badan oo shacab ah ay ku dhintaan boqolaal kalane ay ku dhaawacmeen

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada koonfur afrika ayaa lagu yiri ” Koonfur Afrika ayaa dib u soo celinaysa cambaareynta dhammaan noocyada argagixisanimada iyo xagjirnimada gacan ka hadalka. Waxaa si gaar ah loola jeedaa in weerarka loo geystay si aan kala sooc lahayn dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan lagu laayay taasi oo tirada dhimashada ay 200 oo qof kor u dhaaftay

“Dawladda Koonfur Afrika waxay mar waliba garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee xilligan ku sugan xaaladda adag

Madaxweynaha koonfur afrika Jacob Zuma  ayaa dhambaal tacsi ah u diray madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ehelada dadkii ku naf waayay qarixii 14 bishan ka dhacay magalada muqdisho waxaana dadka dhaawaca ah uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah in eeba siiyo

Ugu danbeeyntii warsaxaafadeedkan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibada Koonfur Afrika ayaa waxaalagu sheegay in dowladda koonfur Afrika sii wadi doonta inay la shaqeyso dalalka kale ee ka tirsan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay u sahamiyaan xalalada amni ee muddada dheer ka taagan soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka argagaxisada iyo xagjirnimada.

Wadamada Faransiiska iyo Canada iyo Dalal kale oo looga boroordiiqayo Qarixii Soobe

0

Magaalooyin badan oo kamid ah dalalka Caalamka ayaa waxaa ka dhacaya boroordiiq loo sameynayo shacabkii Soomaaliyeed oo ku dhintay Qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Faransiiska oo kamid ah wadamada Codka Vetoga ku leh Golaha Ammmaanka ee QM ayaa amartay in la demiyo nalkii taalada Taariikhiga ah ee Baariiss ee caasimadda Dalkaasi Faransiiska.

Taallada Tour Eiffel ee Paris ayaa la damiyay si loogu murugoodo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe,waxaana la arkayay dadweyne farabadan,kuwaasi oo shucuurtodi muujinayay.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in walaalahood Soomaaliya ay la qeybsanayaan xannuunka iyo Murugada.

Dhanka kale wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca Waqooyiga Ameerika ayaa looga boroor diiqey shacabka Soomaaliyeed,waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Canadda ay sheegeen in shacabnka iyo Dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa muujiyay sida Dowladda Canada iyo shacabkeeda ay uga xun yihiin dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Mr Trudeau ayaa sheegay in ay la qeybsanayaan murugada shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi fal wuxushnimo ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Sudan oo furtay buugga Tacsida Qaran “SAWIRRO”

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Koonfur Sudan ayaa furtay Buugga tacsida Qaran Sida uu xaqiijiyay Sii-hayaha ahna Xog-hayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Sudan Mudane Maxamed Cali Maxamed waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Safaaradda buugga tacsida Qaran, waxaana saxiixay Danjireyaasha wadamada Turkey, South Africa, UK, Eritrea, Denmark, Norway iyo Nigeria,  kuwaasi tacsi u diray dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed xasuuqii 14-kii bishan ka dhacday caasimadda.

Safaarada Soomaaliya ee Juba ayaa noqotay safaaradi ugu horeysay ee furtay Buuga Tacsida Qaran ee Safaaradaha waxeyna Diblumaasiyiintaas la qaybsadeen umada Soomaaliyeed dhibaatadii ka dhacday Zoobe 14 kii Bishaan.

 

Madaxweyne Jahmhuuriyadda oo dhambaallo tacsi ah ka helay qaar ka mid ah dalalka Caalamka

0

 

Muqdisho (SONNA), 16 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni iyo Boqorka Urdun Cabdalla Binu Xuseen ayaa khadka teleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo u muujiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ula murugeysanyihiin.

Sidoo kale, waxaa dhambaallo tacsi ah u soo diray Madaxweynaha, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.

-DHAMMAAD-