Home Blog Page 1486

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Cape Town

0
Kooxo hubeysan ayaa magaalada Cape Town wax yar kahor waxaa ay ku dileen Allaha u naxariistee muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Cali Sakiin.
Alle ha u naxariistee Muwaadinkaan ayaa la sheegay in uu ka adeeganayay meel dukaan ah oo lagu gado alaabaha jumlada ah, taasi oo ku taala magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, sida uu soo sheegayo wariyaha Warbaahinta Qaranka ee dalka South Africa C/laahi Qorshe.
Waa Muwaadinkii Labaad oo South Africa gudaheeda lagu dilay 12-kii saac ee lasoo dhaafay.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u sameynayo Sharciga Gadiidka Wadada

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Sheegay in ay sameeyeen Sharciga Gadiidka Wadada kaas oo hagi doono Gadiidka wadadooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit ayaa sheegay in ay khubaro u xil saareen Sharcigii Gadiidka ee la sameeyey 1963 iyo kuwa la sameeyey Waqti ka danbeeyey  , Gudoomiyaha ayaa sheegay in Khubaradaasi ay ka koobnaayeen Qeyb ka Socotay Ciidamada Taraafikada iyo kuwa ka socday Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in qorsheynayaan in ay wadooyinka Magaalada Muqdisho ay u dhamees tiri doonaan adeegyada ka maqan ee looga baahanyahay Sida Samaafaraha iyo dhamaan Calaamadaha kale ee Wadooyinka.

Mudane Taabit Cabdi ayaa sidoo kale Shacabka Gobolka Banaadir u balanqaaday in canshuur walbo oo laga qaado ay ayaga dib ugu soo laaban doonto oo adeegyo muhiim u ah Shacabka Gobolka lagu qaban doono.

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyey Sharciga Istaatiistikada Dalka

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ansixinta Sharciga Istaatistikada, laguna qeybiyey shuruucda Dambiyada Jinsiga iyo kan Ururada Aan Dowliga Aheyn, isla markaasna looga hadlay arrimaha Amniga, Dastuurka, Maaliyada iyo waxqabadka dowladda iyo arrimo kale.

Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel fiican marayo, isla markaasna la baacsanayo kooxaha argagaxisada ah oo dhowaan lagala wareegay deegaanka Bariirie oo 3 maleeshiyada Al-Shabaab lagu qabtay. Shacabka ayaa looga degay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsantahay, tanoo dad badan naftooda ku waayey.

Sidoo kale doomanka waxaa la faray in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, iyo in xilliyada Baddu kacsantahay aysan rakaab qaadin.

Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasaarada ayaa wada qorshe lagu ururinayo canshuuraha si loo kordhiyo dakhliga dowladda si adeegyada bulshada loo fuliyo.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa golaha siiyey warbixin kooban oo ka hadleysa horumarka wadatashiga hannaanka dib u eegista dastuurka oo dowlad goboleedyada la gaarsiiyey wadatashiga bulshada, isla markaasna maamulka gobolka iyo degmooyinka Benadir lala sameeyey wadatashiga Maqaamka Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale la wadaagay golaha caqabadaha jira sida dhaqaalaha, amniga, iyo arrimo kale. Wasiirka ayaa sheegay in Shirweyne Wadatashi Qaran la qaban doono dhammaadka bisha September.

La Taliyaha Ra’iisul Wasaarahaa ayaa soo bandhigay waxqabadka Wasaaradaha uguna baaqay Wasiirada inay labo jibaaraan waxqabadkooda si shacabka loola wadaago oo isla xisaabtan dhab ah loo hirgeliyo.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa golaha u soo bandhigay Hindise Sharciyeedka Istaatiistikada oo dood dheer ka dib ay xubnaha golaha wasiirada si wadar-oggol ah ugu codeeyeen una ansixiyeen. Sharcigan ayaa waxaa ka abuurmaya Hay’ada Istaatiistikada Qaranka oo wax weyn ka qaban doonta arrimaha muhiimka u ah diyaarinta Qorsheyaasha horumarinta dalka, iyo arrimo fara badan.

Golaha ayaa maanta loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinisga oo ay soo gudbisay Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka iyo Hindise Sharciyeedka Urarada Aan Dowliga aheyn (NGO) oo uu soo gudbiyey Wasiirka Qorsheynta. Labadaan sharci ayaa xubnahu ay soo akhrisan doonaan si looga doodo, loona ansixiyo shirarka danbe.

DHAMMAAD

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS oo Sucuudiga kala hadlay Dhoofka xoolaha Soomaaliya.

0
Waxaa magaalada Riyaad ee caasimadda wadanka Sacuudi Carabiya Ku kulmay Wasiirka deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee dalka Sucuudiga Eng. Abdirman Abdul Muxsin Alfadli iyo wefddi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta  iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya Mudane Sheekh Nuur Max’ed Xasan .

Mas’uuliyiinta Labada Wasaaradood waxay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood iyo sidii ay usii socon lahayd dhoofka Xoolaha Soomaaliya ee lageeyo Sucuudiga.

Kulanka kadib ayaa waxay mas’uuliyiintaasi isku afgarteen Labada in laxoojiyo xiriirka labada dal lana gaaro qaab ay kuwada shaqeeyaan labada wasaaradood laguna dhoofiyo Xoolaha Soomaaliya.

Mudane Sheekh Nuur Max’ed Xasan Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka wada hadleen labada Wasaaradood la hirgelindoono.

“Waxaan la kulmay Wasiirka Beeraha Biyaha iyo Bi’ada dalka Sacuudiga, waxaan ka wada hadalnay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dowladooda gaar ahaan wasaaradahani,arrimaha dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee Sucuudiga loo iib geeyo,Sucuudiga waxaa uu sheegay in xoolaha Soomaaliya caafimaadkooda uu wanaagsan yahay, balse laga wada shaqeynayo nidaamkii dhoofinta”, Sidaasina waxaa warbaahinta Qaranka u sheegayMudane Sheekh Nuur Max’ed Xasan.

Wasaaradda Beeraha  Sucuudiga waxay cadeysay in xoolaha Soomaaliya caafimaadkooda uusan shaki ku jirin,balse labada Wasaaradood ay kashaqeeyaan hagaanjinta nidaamka  dhoofka xoolaha.

Wasiir Xoosh “Muddo yar gudaheed ayaan waxqabad ballaaran oo muuhiim ah ku qabannay”

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ku wehliyay kulan ay la qaateen Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Mr.Jeffry Feltman.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay arrrimo ku saabsanaa dib-u-eegista dastuurka iyo siyaasad loo dhanyahay.

Mudane Cabdi Xoosh ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda iyo hawlaha baaxadda leh ee u baahan in la wajaho.

“Muddo yar gudaheed ayaan waxqabad ballaaran oo muuhiim ah ku qabannay, waxa aan biloownay kullamo wadatashi ah oo aan gaarsiinay dawlad goboleedyada inaga oo dhageeysaneynay tallooyinka shacabka ee ku saabsan Qorshaha Guud ee dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa aan kulamo la yeelanay Guddiga Kor-Joogteeynta Dib-U-Eegista Dastuurka iyo Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dawlad goboleedyada si aan u bilaawno wadashaqayn, dhanka kale waxaa aan kulan afar maalin socday la yeelannay Ururada Bulshada Rayidka iyo Dawlad Goboleedyada oo lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee geedi-socodka sib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankooda, Gudoonka labada Aqal ayaa aad u bogaadiyeen waxqabadka Wasaaradda ee muddo yar ku suurtagalay, wax ayna sheegeen in Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ka go’antahay sidii loo heli lahaa Dastuur dhamaystiran oo shacabka Soomaaliyeed u horseeda xasillooni, dawlad wanaag, iyo siyaasad loo dhanyahay.

Mudane Jeffry Feltman ayaa dhankiisa ku ammaanay Dawladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda iyo dhamaan hay’adaha ay shaqo wadaaga yihiin horumarka laga sameeyay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ku garab istaagi doonto geedi-socodkan taariikhiga ah.

Gebagabadii, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ballanqaaday in Wasaaradda ay gudan doonto waajibaadka saaran ee ay shacbiga Soomaaliyeed iyo dhamaan saaxiibada Soomaaliya ay indhaha ku hayaan.

—–DHAMAAD—–

Guddiyada joogta oo dhaariyay Wasiirka cusub ee howlaha guud

0

Kulanka tobanaad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn waxaa lagu dhaariyay Eng Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo bedelay AUN Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabaas Cabdullaahi Cabdi Sheekh Siraaji oo dhawaan geeriyooday, waxaana kulanka shir guddoominaya Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’.

Kulanka oo uu ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’  ayaa waxa uu  ejendaha kulanka ahaa sii wadida kulankii sagaalaad ee 17-kii bishan Agoosto uu guddiga yeeshay sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.

“Waxaa dhacay shir looga hadlayay qorshe howleedka golaha, waxaana looga hadlay sidii loo dar dargelin lahaa howlaha ay guddiyada qabanayaan, afar guddi unbaa dhiman, inta kale waa la dhameeyay, waxaana la isla soo hadal qaaday waqtiga afarta guddi ay isu imaan lahaayeen” ayuu yiri Cabdixakiin Xaaji Buux.

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare oo qaabilay ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Jeffrey Feltman oo ah ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasadda.

Kulanka oo ay sidoo kale waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasuiirka dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya, waxaana looga hadlay dhameystirka dastuurka dalka iyo sidii loo de dejinta lahaa.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in shirka looga hadlay hal qodob oo ah dhameystirka geeddi socodka dastuurka, isla markaana waqti gaaban lagu sameeyo dastuurka, iyadoo lala kaashanaya qeybaha kale ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre oo la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey.

0

Muqdisho, August 24, 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.
Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Jubbaland oo xarigga ka jaray maxjar cusub

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba, kaas oo laga hirgeliyay duleedka Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Buule, Maamulka maxjarka, Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qayb galay munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Maxjarka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo kormeeray dhamaan qaybaha uu Maxjarkan oo ah kan ugu weyn Soomaaliya, si gaar ah wuxuu booqday qaybta baarista Caafimaadka, isagoo la sheekaystay wax badana ka dhagaystay dhamaan dhakhatiirta qaybtan ka shaqeeya.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta hawshan oo uu xusay in Dalka iyo deegaankaba ay muhiim u tahay.

“Marka la eego xoolaha magaalada lagu qalo, waxaan doonaynaa in Caafimaadkooda uu yahay mid la isku halayn karo sidaas darted waxaan rajaynayaa in halkan hawsha baarista lagu samayn doono” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Axmed Madoobe u sheegay in ay ka muhiimsan yihiin kuwa dalal shisheeye jooga ee xoolaha halkan la keeno loo dhoofinayo, sidaas darteedna wuxuu maamulka maxjarka iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku booriyay in bad qabka Xoolaha lagu dadaalo.

Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan ayuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in ay ugu baaqayaan in ay ka faa’iidaystaan maxjarkan oo ay halkan dadka xoola dhaqatada ah xoolahooda ka dhoofistaan si waliba fudud oo kharash badan uuna kaga baxaynin.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku booriyay maamulka Maxjarka in wax badan oo ahmiyad ah la siiyo dadka xoolaleeyda ah oo Khasaaraha iyo faa’iidadaba lala qaybsado wakhtiyada Cudurada ay dilaacaana baaris dheer la sameeyo si aysan ugu faafin Xoolaha.

Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Madax ka socotay UNDP & UNSOM oo kulan yeeshay

0

Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiir Ku-Xigeenka Mudane Xuseen Cilmi, iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa xarunta Wasaaradda shalay kula kulmay Nahida Hussein, Hastings, iyo Hassan Ebrahim oo ka kala socday UNDP Soomaaliya iyo UNSOM.

Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaradda wado iyo sidii UNDP ay u taageeri lahayd.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlayay hawlaha ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri “Waxa aan doneynaa in Geedi-socodka uu noqdo mid ay Soomaali hogaamineyso islamarkaana ay Soomaali leedahay, wixii taageera ah waan soo dhaweyneynaa waanan idinkaga mahadcelinaynaa sida aan kala go’a lahayn ee aad noo taageertaan”.

Sido kale, Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Wasaaradda laga taageero sidii dhamaan deegaamada dalka loo gaarsiin lahaa Geedi-socodka.

“Arinta ugu muhiimsan waa in ololaha la gaarsiiyo dhamaan deeganada dalka si uu u noqodo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay oo ugu dambeyn sal adag u dhiga Dastuur ay Soomaali leedahay oo dhameeystiran” ayuu yiri AVV Xoosh.

Dhankeeda, Nahida Hussein oo ahayd Madaxa Farsamada ee UNDP Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeysay hawlaha ay Wasaaradda wado.