Ku-simaha R/wasaaraha oo ka tacsiyeeyay geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muuse

Date:

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muuse waxuu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muuse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muuse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay’ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh. Taariikhda Booliiska Soomaaliyeed waa mid aan ku faano, waxaana mahadaas iska lahaa Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muuse. Allaha u naxariisto marxuumka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....