Ku-simaha R/wasaaraha oo ka tacsiyeeyay geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muuse

Date:

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muuse waxuu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muuse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muuse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay’ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh. Taariikhda Booliiska Soomaaliyeed waa mid aan ku faano, waxaana mahadaas iska lahaa Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muuse. Allaha u naxariisto marxuumka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...