Doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada oo saaka ka billaabatay dalka Kenya

Date:

Dalka Kenya waxaa maanta sirasmi ah uga bilaabatay doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah  iyadoo Ammaanka Dalkaasi aad loo adkeeyay dadka reer Kenya ayaa u  dareeray codaynta doorashada lagu murmay , taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu wayn ee Dalka Kenya.

Magaalooyinka iyo guud ahaan Gobolada Dalkaasi Kenya ayaa waxaa lagu arkayaa saakay dad aad u farabadan oo safuuf dhaadheer ugu jira sidii looga qeyb qaadan lahaa codbixinta doorashada.

Uhuru Kenyatta oo horey ugu guuleystay doorashada ayaa  raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto,wuxuuna  Kenyatta uu ugu baaqay dadka in ay codeeyaan islamarkaana la adkeeyo nabad geliyada guud ahaan dalka gaar ahaan goobaha doorashooyinkaasi ay ka socodaan.

Balse arrinta shakiga leh ayaa ah in uu Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkaasi Kenya Raila Odinga  isaga haray doorashada ku celiska ah, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan ka codeyn doorashadaasi bilaabatay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati  ayaa  sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, kaddib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay taasi oo keentay in dorashadu ay bilaabato.

Ciidamo aad u farabadan oo gaaraya Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa la geeyayy goobaha codbixinta si ay u sugaan Amniga guud ee  goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo dhamaantoodaba.

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awoowa yalkood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan.

Tan iyo markii Maxakamadda sare ee dalkaasi ay laashay guushii uu horey u gaaray Mr Kenyatta waxaa soconayay olole siyaasadeed iyadoo uu jiray jahawareer arintaasi ka dhashay, xubin ka mid ah guddiga ayaa horey isku casishey, markii khilaafka uu sii fogaaday,balse la arkidoonee qaabka ay u dhacdo doorashada iyo natiijada ka soo baxda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...