Soomaaliya iyo Morocco oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA), October 25, 2017 – Wasiir kuxiggeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud oo howlo shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Morocco oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi Ambassador Mohamed Methqal.

Dowladda Boqortooyada Morocco, ayaa Soomaaliya uga tacsiyeysay falkii argagaxisanimo ee dhiigga badan ku daatay ee October 14, 2017 ka dhacay Isgoyska 14 October “Zope” ee Muqdisho, kaasi oo gallaaftay nolosha 358 ruux iyo dhaawaca boqolaal rayid ah oo u badnaa xoogsato, dad socoto ah iyo arday.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Morocco u dhexeeya, istiraatiijiyad wax wadaagid dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka iyo bulshada, waxayna Soomaaliya iyo Morocco ay isla garteen in booqashooyin heerkoodu sarreeyo la is dhaafsado.

Kulankan oo jawi guul leh ku idlaaday ayaa waxaa goobjoog ka kala ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mr. Ali Mohamed Sheikh iyo Safiirka Safaaradda Morocco ee Kenya Dr. Mokhtar Ghambou.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...