Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Turkiga “SAWIRRO”

Date:

Ankara(SONNA):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda dowladda Turkiga iyo mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Ankara, waxaana uu tilmaamay in madaxda Turkiga uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

“Waxaan uga mahad celinayaa Dawladda Turkiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga sidii diirranayd ee ay iigu soo dhaweeyeen magaalada Ankara, maalmaha aan joogo Dalkani Turkiga waxaan kala hadli doonaa Madaxda ugu sarreysa dalka sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dawladood, isla markaana Dawladda Turkigu uga qeyb qaadan lahayd horumarka Soomaaliya ka socda iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo xubno kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...