Home Blog Page 1487

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigeysa baaris hordhac ah oo lagu sameeyey qaraxii Zoobe 

0

Muqdisho (SONNA) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in caawa ay shaacin doonto Xogta rasmiga ah ee ku saabsan qaraxii Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

 
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo Warbaahinta Qaranka la hadlay, ayaa sheegay in Hay’addaha amaanka caawa ay soo bandhigi doonaan Xogta rasmiga ah ee Qaraxii Zoobe.

 

Faahfaahin dheeraad  ah kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka oo deeq gaar siisay dadka dhaawacyada ah+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa weli sii kordhay adadaalada loogu gurmanayo dadkii ku waxyeloobay qarixii bahalnimada ahaa oo 14kii bishan ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,kuwaasi oo kujira isbitaalada magaalada Muqdisho.

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa deeq isugu jirta Timir iyo Biyo waxaa ay u qeybisay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe iyo sidoo kale dadka wada ololaha nadaafadad goobtii falkaasi uu ka dhacay.

Isbitalka Banaadir oo ay kujiraan Qaar kamid ah dhaawacyadii ka dhashey qaraxaasi,iyo bunaao kale oo horey halkaasi u jiifey ayaa si isku mid ah loogu qeybiyay deeqdan,sidi loogu kaabo noloshooda.

Agaasimaha maamulka Isbitalka Banaadir ayaa ka mahadceliyaya deeqdan isagoo codsaday in adeegyada kale ee caafimaad oo ay u baahan yihiin laga xaqab tiro.

Intaasi kadib ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka socotay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta waxaa ay tageen Goobtii qaraxa uu ka dhacay halkaasi oo ay gaarsiyeen,deeq Timir iyo Biyo isugu jirta taasi oo loogu talagalay in lagu dhiiro geliyay dadka ka qeyb qaadanaya nadaafadda goobtaasi,kuwaasi oo isugu jira ciidamada Xoogga Dalka iyo qeybaha bulshada.

Jawaahir Barqab guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil qeyb ka ah howlahaasi gurmadka ayaa sheegay in talaabadana ay muujinayso sida looga wada damqaday shacabka Soomaaliyeed.

“Run ahaantii aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa dhamaan dadkii u sitaagay in ay ka qeyb qaatan howlahan gurmadka ah,waxaan uga mahadnaqaynaa hay’adda Bisha Cas sida gar gaarkani ay ina soo gaarsiisay markastana waxaa ay diyaar u tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd samatabixinta shacabka Soomaaliyeed,waxaan leenahay waad ku mahadsan tihiin.”,ayay dheheen mas’uuliyiintani.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo Deeq lacageed gaarsiiyey Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii Zoobe “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo ay la wehliyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, iyo Qaar kamid ah Garsooreyaasha dalka, ayaa maanta booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magaaladda Muqdisho, halkaasi oo kormeer ay ugu guur galayeen sida ay Howlaha gargaar u socdaa ku tagey.

 

Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo la kulmay Guddiga Qaran ee qaraxii Zoobe, ayaa sheegay in guddigaasi ay ku warreejinayaan Deeq lacageed oo gaareysa 20.000$, si loogu dardar galiyo Howlaha gargaar ee Guddiga uu wado.

Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka , ayaa boggaadiyey Howsha qaran ee ay Ummadda Soommaaliyeed u hayaan Guddiga, isagoo tilmaamay in Lacagtii guddiga gurmadka ay ku warreejiyeen ay iska arruuriyeen Guddoonka Maxkamadda iyo garsooreyaasha Dalka.

Ugu dambeyntii Wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha uu ku shaqeeyo guddiga, iyagoo xog wareystay qaar kamid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee sida mutadawacnimada ah ugu addeegaya Bulshadooda.

 

Diiwaan galinta dadkii lagu waayey Qaraxii KM5 oo wali ka socota Xarunta Gurmad Qaran “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Xarunta Gurmad Qaran ee Magaaladda Muqdisho ayaa Maanta oo Tallaado ah waxaa ka soconaya wali howlihii Xaruntaasi ay heysay oo ay kamid yihiin Gurmadka iyo isku raadinta Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay Isgoyska KM5 ee Gobolka Banaadir.

 

Dhalinyaraddii isuxilqaantay in Xarunta Gurmad qaran ay uga shaqeeyaan si Mutadawacnimo ah, ayaa wada Diiwan galinta dadka baadida ay ka maqan tahay iyo sidoo kale diiwaan galinta Dadkii la baafiyey ee la helay, si loogu gudbiyo Bulshadda Soomaaliyeed, iyaggoo is ticmaalaya Barraha Bulshadda ay ku kulanto sida Facebook iyo Twitter.

 

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo qaar kamid ah  oo Shaqaalaheeda maalmahan ka howl galayey Xarunta gurmad qaran, ayaa dhowaan idin la wadaagi doonna Warbixino Qiiro leh ay ka qoreen qaar kamid ah Bulshada imaaneysa Xaruntaasi ee baadi goobka ugu jira dad ay ku waayeen Qaraxii Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo ay Nolol iyo Geeri midna aysan ku ogeyn.

 

Warbixin: Banaanbax lagu wado in maanta uu ka dhaco Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta galinka dambe lagu wadaa in Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka ay ka dhacaan banaan baxyo waa-wayn kasoo looga soo horjeedo laguna muujinaayo dareenka iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed kaga daqnadeen Qaraxii bahalnimo ee 14 bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Banaan baxyadaan ayaa waxaa la qeyb qaadan doonaa Ma’suuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul Gobleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Saaka laga dareemayaa u diyaar garowga iyo qaban qaabada banaanbaxa lagu wado in uu ka dhaco galinka dambe ee Maanta Magaalada Muqdisho.

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa dhamaan ah kuwo Maanta ka qeyb qaadan doona Banaanbaxa lagu muujinaayo sida bulshada Soomaaliyeed kaga xun yihiin weerarkii waxushnimo ee dhawaan ka dhacay Isgoyska Zoobe kaasoo khasaaro Iskugu jira Naf iyo maalba uu ka dhashay.

Shalay ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in maanta Arbacada ah oo ku beegaan Maanta ay dhigaan banaanbaxyo ilaahay loogu barinaayo in bulshada Soomaaliyeed samir iyo iimaan kasiiyo dadkii ku dhamaaday Qaraxii Zoobe ay dhigaan oo ay dareenkooda tusaan in bulshada.

Qaraxii maalinnimadii Sabtiga ahayd oo ay bishu ku beegneed 14 Actobar 2017 ayaa ahaa mid dhamaan ay ka daqnadeen bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamka oo dhan maadaama uu ahaa mid waxushnimo ayna ku dhinteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan hase ahaateen waxaa ay bulshada tustay in maleeshiyaadka Nabad diidka ee Al shabaab ay u taagan yihiin bur burinta shacabka soomaaliyeed.

Weerarkaan ayaa ahaa midkii ugu xoogganaa oo abid ka dhaca Soomaaliya oo soo martay Dagaalo,bur bur iyo Dowlad la,aan guuda-ahaanba saamaysay Qarankii Soomaaliya ka dib Sanadkii 1991 oo ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee uu majaraha u haayay “Generaal Maxamed Siyaad Barre” hase yeeshee Soomaaliya sooma marin Qaraxii Zoobe oo kale mana arkin shacabka Soomaaliyeed.

Taasina waa mid tusin karta bulshada Soomaaliyed in ay hal meel kaga soo wada jeestaan gumaadka iyo falalka guracan oo ay ku dhaqmayaan Maleeshiyaadka Argagixisadaah ee Al shabaab ayna ogaadaan in ay leeyihiin hal Cadow oo ah nabad diidka argagixisada ee Al shabaab.

Qoraa/ Baashi Cali Xaashi:

Xubin katirsan guddiga doorashada Kenya oo is casishey iyo shaki ku yimid qabsoomidda doorashada

0

Kenya (SONNA) Jahwareer siyaasadeed ayaa kataagan Dalka Kenya,Masuul sare oo ka tirsan guddiga doorashada ee Kenya ayaa is casishay kadib markii shaki uu ka galay  in dalku uu doorasho xalaal ah qaban karo toddobaadka soo socda taasi oo caqabada ku noqonaysa hanaanka doorashadii la qorsheynayay.

Roselyn Akombe ayaa sheegtay in guddigu ay ahaayeen lahaysteyaal siyaasadeed oo aysan waxba isku waafaqikarin ama qaadan karin wax go’aan ah,waxaana ay intaasi ku dartay in is casilaadeedi ay salka ku haysao arrimahaasi.

Dr Akombe  oo ku sugan magaalada New York ayaa sheegtay in markii ay ku sugnayd Kenya ay xataa u baqday nafteeda ka dib markii ay hanjabaado badan la kulantay.

Raila Odinga oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee dalka Kenya ayaa toddobaadkii hore ka haray doorashadadii ku celiska ahayd isaga oo sheegay in uusan rumaysnayn in doorasho caddaalad ah ay dhici doonto.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaasi Kenya,balse haatan waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii ay doorashooyinkaasi u qabsoomi lahaayeen wallow muran badan uu jiro.

 

Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota oo Cambaareeyay Qaraxii Soobe

0

Muqdisho (SONNA) Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota oo kulan  ku yeesheen Masjidka Umatul Islam ayaa waxay soo saareen Baaq ku aadan Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

1-Waxaa ugu tacsiyeynayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheledii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho maalintii Sabtida ee 14 ka bisha Oktoober.waxaan ilaahey uguabaryey intii dhimatay inuu ilaahey u naxariisto inta dhaawaca ahana uu caafimaad deg deg ah siiyo.

2-Waxaan si adag u cambaaraynaynaa cidii ka danbaysay dhacadadaan murugada iyo xanuunka badan,waxa aan shaki ku jirin fal dembiyeedkaan in uu yahay mid ay xarimayso si buuxdan uga soo hor jeeda tacaaliimta diinteena suuban ee Islaamka.waxaa sidoo kale uu soo hor jeeda Caaqaliga(Fekerka” kasaar kalmadan) dhaqanka suuban iyo bani aadanimada.

3-waxaa aan ku adkeynaynaa Dawlada Federaalka ee Soomaaliya in baaritaan deg deg ah ku samayso cidii ka danbeysay falkan waxushnimada ah sidoo kale ay la xisaabtanto cidii si uun ugu lug eh abaabulka,ama fulinta fal dambiyeedkan iyadoo la kaashaneysto hay adaha barista caalamiga dhacadadaad oo kale ku takhasuday hay ado dhedhexaad ah.

4- Waxa aan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed meel kastaba ay joogaan in ay umidoobaan cadowgooda u gurmadaan walaalohooda dhibaatadu ku dhacady,ilaalyaan midnimada dhexdooda kana foogaadaan wa kasta oo keeni kara in shasheeye ama cadow uu ka dhex faa iideysto.waxa aan si gaar aha u bogaadineynaa dadja Soomaaliyeed ee taageerada iyo dareenka fiican u muujiyaya walaalahoodo.

5-waxaan ugu baaqeynaa dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya kuwa carabta hey adaha caalamiga ah iyo dhamaanba bulshada caalamka in ay kaalmo deg deg ah la gaaraan shacabka ay dhibaatadani ku dhacadey.

6- waxaan u mahad celinaynaa dhanaan dowladaha gurmadka ufidiyey dadka qaraxa ku waxyeeloobay si gaar ah waxaan ugu mahad cilineynaa dowladahii u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed sida turkiga ,jaabuuti iyo maraykanka.

7-Culummada Soomaaliyeed ee Gobolka MN waxa ay go,aan ku gaarnay in Jimcaha soo socota oo ku beegan 20 ka bishan October aan olole dhaqaale urunis ka bilowno dhamaan Masaajida ku yaala Gobolka Minnesota Sidoo kale waxa aan samaynay xisaab GoFundMe oo aan ugu talo galnay in lagu taakuleeyo dhanaan dadkii ku tabaaloobey fal dambiyeedkan.

Mar labaad ilaahay waxaanu ka bariyeynaa in uu umada soomaaliyeed xifdiyo shar dhamaantood Amiin..

XIldhibaan Bootaan Ciise Caalin oo Dalka India ku geeriyooday

0

India(SONNA) Allaha unaxriistee waxaa Dalka Hindiya ku geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsanaa Mudanayaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay.

Geeridiisa ayaa timid markii lagu sameeyey qaliin loogu talagalay in lagu bad baadiyo nolosha xildhibaankaasi oo muddooyinkii ugu dambeyeey xanuunsanaa.

Balse  Alla ha u naxriistee Xildhibaanka wuxuu Xalay galinkii dambe ku dhintay Isbitaalkan ku yaala Dalkaasi Hindia.

Xildhibaana Prof Maxamed Cumar Dalxa oo katirsan Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay geerida xildhibaanka.

“Allaha u naxriisto Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin way ina soo gaartay geeridiisa in uu dalka Hindiya uu ku geeriyooday waa uu xanuunsanayay muddooyinkan,runtii marxuumka wuxuu kamid ahaa xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Imbagaati ee Dalka Kenya ilaa waqtigan Dowladda ayuu kujiray”. Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Meydka Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa haatan ku jira isbitaalkii uu ku geeriyooday,waxaana la filayaa in dhawaan meydkiisa dib loogu soo celiyo dalka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Deeq lacageed gaarsiiyey Bukaanada Qaraxii Zoobe

0

Qaar kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Maanat booqday Qaar kamid ah Isbitaalada ay ku jiraan Bukaanaddii dhowaan kusoo dhaawacmay Qaraxii Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Gobolka Banaadir.

 

XIldhibaanadda oo kala ah Xil Farxiyo Xasan Axmed, Xil Xiisa Xasan Aadan, Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun iyo Xildhibaan Xabiibo Axmed Haaruun, ayaa  booqday Isbitaalada Madina, Digfeer, Daarulshifa iyo kuwa kale, iyaggoo Bukaanadii Isbitaaladaasi ku jiray Gaarsiiyey Deeq lacageed oo ay iska soo arruuriyeen dhexdooda.

Waxaa sii kordhaya Deeqaha kala duwan ee la gaarsiinayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii aadka u cusluu ee Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, qaraxaas oo ay ku dhinteen dad ku dhow 300 oo qof.

Tirada Shaqaalaha Dowladda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe oo la shaaciyey

0

Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay tirada shaqaalaha Dowladda ee ku geeriyooday kuna dhaawacmay masiibadii ka dhacday Magaaladda Muqdisho iyo kaaalinta ay ka qaateen Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Dowladda.

Kulanka ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha Dowadda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe uu yahay  Lix qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 qof sida ay sheegeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Xiriirka Goboladda Maamul goboleedyada ee Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Maxamed Macallin Iimaan, ayaa waxaa uu tilmaamay kaalintii ay ka qaateen gurmadkii loo fidinayey dadkii waxyeelada ay soo gaartay dhacdadii KM5.

Guddoomiye Ku xiggeenka Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Nuur Axmed Diiriye oo ka hadlay kulanka, ayaa tacsi u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyedd, isagoo ku dhaawacyada culus uu soo gaaray Alle uga baryey in Caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Guddoomiyaha Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda C/risaaq Macaallin Cilmi, ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey kaalintii ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey Shacabkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacay Zoobe.