Home Blog Page 1485

Heshiis laga gaarey dagaal beeleed ka dhacay Buuhoodle

0

Dadaalo nabadeed oo in muddo ah soconayay ayaa waxaa lagu guuleystay in xal laga gaaro dagaal beeleed ka dhacay  degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, 24 saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda kulamo nabadeed oo halkaasi ka dhacay.

Odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka labad dhinac ee dagaalka uu dhexmaray ayaa ka qeyb qaatay dadaalkaasi, iyadoo guddi nabadeed oo waxgarad ah, kaasi oo  ka socoday magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ay ka qeyb qaateen heshiiskaasi.

Dagaalka dhexmaray labada beelood oo walalaha ah ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 10 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, balse heshiiskaasi la gaaray ayaa faraya in dhinac kasta uu nabadda qaato islamarkaana aanu dhicin wax xadgudub ah.

Qadar Cali Jaamac oo hogaaminayay guddi nabadeed oo ka baxay magaalada Laascaanood ayaa warbaahint au faah faahiyaay waxyaabihii lagu heshiiyay.

“Waxaanu ku guuleysanay in aan heshiis nabadeed kala dhexdhigno beelihii halkani ku dagaalamay, waxyaabaha lagu heshiyay waxaa kamid ah in qofkii qof dila ladilo, qofkii xadgudub sameeya la ganaaxo,runtii waxaan dhihi kartaa waa wax ku deyasho mudan talaabada ay ku dhaqaaqeen dadweynaha reer buuhoodle oo ah qaabka ay nabadda u qaateen”, Sidaasina waxaa yiri Nabaddoon Qadar Cali Jaamac.

Magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dagaal beeleedyo soo laalabta, inkastoo waxgaradku ay u taagan yihiin mar walba sidii looga miro dhalin lahaa hanaanka nabadeed iyo wada noolaanshaha bulshada.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo sheegay in uu sii wadayo Dadaaladda Dib u heshiisiinta

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in uu sii  xoojin doono dadaalada Dib u heshiisiinta ah ee uu Maamulkiisa kula jiray Ahlusuna Wal-jamaaca.

Mudane Xaaf ayaa sheegay in mudo seddex bilood ah uu wado dadaalo dib u heshiisiin ah oo uu ku doonayo in uu ku qanciyo maamulka Ahlusunna oo ayagu gacanta ku haayo Qeybo ka mid ah deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aad ugu rajo weyn yahay in uu ku guuleysto dadaaladiisa ku aadan dib u heshiisiinta asaga oo xusay in ay jireen dib u dhacyo badan  balse uu iminka jawiga wada hadaladaasi uu meel wanaagsan Marayo.

Dhanka kale Mudane Xaaf ayaa sheegay in ay dadaalo badan ku bixin doonaan sida ay gacantooda usoo geli lahayd Magaalooyin ka tirsan Galmudug oo ay iminka heystaan Kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

Shirka Wasiiradaha Arimaha Dibadda Africa iyo Japan oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Mozambique iyo Warmurtieed laga soo saaray

0
Shirkan oo laba maalmood ugu socday Caasimadda Dalka Mozambique ee Maputo  ayaa waxa Wadamada Afrika u qabtay Dowladda Japan waxana lagu casuumay Wasiiradaha Arimaha Dibadda,Danjirayaasha Safaaradaha Wadamada Afrikada Koonfuureed iyo Aqoonyahinanno.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad Omar iyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya u matala Wadamada Afrika Koonfureed,Danjire Jamal Barrow ayaa Soomaaliya ugu qeybgalay.
Intii uu socday Shirkan ayaa waxaa qudbado ka jeediyay madaxweynaha dalka Mozambique iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Japan oo labaduba sheegeen in Afrika uu dhaqaalaheeda soo kobcayo loona baahanahay in la hormariyo.
Gabagabada Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim oo ay ka mid yihiin,baahida Ganacsi xur ah oo dhex mara Africa iyo Japan,horumarinta kaabayasha dhaqaale ee Africa,Kobcinta maalgashida toos ee ah ee Africa,ballaarinta dhisidda ganaciyada yar yar iyo kuwa dhex dhexaadka ah,iyo horumarinta adeegyada aas aasiga oo ay ka mid yihiiin Waxbarashada, caafimaadka iyo  biyaha nadiifka.
Shirkan Japan iyo Africa ayaa sanad walba la qabtaa waxaana sanadkii lasoo dhaafay lagu qabtay magaalada Nairobi,waxayna Dowladda Japan ka mid tahay Dowladaha sanadihii dambe Africa kala shaqeynayay horumarinta iyo kaabayasha dhaqaale ee Qaaradda.
WD: C/qaadir Axad Dhaqane,Pretoria

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Bariga Africa.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dar-dargalin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulan ka danjiraha midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna uga mahed-celiya howlaha muhiimka ah ee dalka ay ka hayaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u taageeraan xiligan muhiimka ah.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Midowga Yurub ay kordhiyeen ahmiyadooda shaqo ee dalka Soomaaliya,si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, qaybna uga noqdaan horumarka ka bilowday dalka” ayuu yiri R/W Khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorkooda ku aadan arrimaha Soomaaliya. Wuxuna xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo badan leh mudadii ay ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo .

Alexandar Rondos, wakiilka midowga Yurub u qaabilsan bariga Africa ayaa cadeeyay in ay la jaan qaadayaan Soomaaliyada cusub, taasoo diyaar u ah iney samayso horumar, si bulshadeeda u helaan nabad iyo nolol.

Maxkamadda sare ee dalka oo war ka soo saartay muddada Gar-sugenimada Maxbuuska

0

War ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa lagu shaaciyey mudada  mudada Gar-sugenimada dadka Maxbuuska ah iyo in loo baahan yahay  waafajinta sharciga.

 

Lifaaqa Hoose ka Akhriso

 

Ololaha Talaalka Xoolaha oo Muqdisho lagu daah furay

0

Shirkani  oo aay soo qabanqaabisay wasaradda Xanaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaliya  ayaa ahaa mid lagu daahfurayay  Ololaha Talaalka Xoolaha ee cudurada jadeecada iyo furuqa oo intabada xoolaha ku dhaca Qaabka loo gaarsiinkaro dhanka miiga ee gobolada dalka Soomaliya.

Qaar kamid ah wasiirada Xanaanada Xoolaha maamul goboleedyada dalka dhaqaatiir ajaanib ah iyo dhaqaatiirta xirfadleyda ayaa ka soo qeyb galay, iyadoona shirka daahfurka ololaha talaalka lagu qeexay in dalkeena u yahay mid ku tiirsan xoolaha, loona bahan yahay in ahmiyad gaar ah lasiiyo caafimaad qabka xoolaha.

Ibraahim Cabdi Xasan wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan aay soo dhaweynayaan   ka warqabka caafimaadka xoolaha, waxaana  uu u mahad celiyay dhaqaatiirta isku hoowshay.

Dr Nuurta Shiiq Maxamuud oo kamid ah dhaqaatiirta xirfadleyda Xanaanada Xoolaha ayaa sheegtay in ololaha talaalka uu sahli karo in lahelo xoolo caafimaad qabo,  islmarkaana fududeyn kara in lahelo iibka xoolaha la dhoofiyo.

C/kariin khaliif Dhalac wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Daaqa oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ololaha talaalka lagaarsiinayo gobolada dalka ay kala sheqeyn doonaan dhaqaatiirta  xirfadleyda Xanaanada Xoolaha, kaasi oo socon doona muda laba bilood ah.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa xukuumada Soomaliya ayaa sanadkiiba labo jeer sameysa talaalka caafimaad qabka xoolaha,  madaama dalkeena uu yahay  mid ku tiirsan xoolaha.

Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo maanta Muqdisho ku kulmay

0

Kulankan ay yeesheen Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa shir gudoominayay gudoomiya Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Dhowr Qodob oo muhiim ah ayaa kulanka looga hadlay, waxaana ka mid ahaa dhacdadii deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulanka oo dhowr saacadood qaatay ayaa markii uu soo idlaaday waxaa Saxaafadda la hadashay Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaliya  Fartuun C/qaadir Faarax karaama.

Kulamada  Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan ayaa inta badan waxaa looga hadlay diyaarinta qorshaha shaqo ee Aqalka iyo dhacdooyinka dalka ka dhaca.

Xarunta Maamulka Internet-ka Hay’adda Dowladda oo la hirgeliyay

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Maamulka Internet-ka Haya’adaha Dwoladda oo ay hirgelisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojida, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada oo ay wehlinayeen mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiir ku-xigeenka Dastuurka Soomaaliya.

Shaqaalaha ka howlagalaya xaruntan ayaa R/wasaare ku xigeenka warbixin kasiiyay sida ay u shaqeeyaan, waxayna sheegeen in internet-ka ay xarunta bixineyso  uu yahay internet xawaarahiisu dheereeya ee badda lasoo marsiiyo oo loo yaqaano Fiber Optic.

Eng Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in hirgelinta xaruntan Internet-ka bxisa ay muhiim u tahay Hay’adaha dowladda, isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan dhamaan hay’ada kala duwan ee dowladda.

“15 goobood ayaa waxaa la geeyay labo xarig oo isku dul wareegga leh, oo loogu talagalay in haddii uu mid go’o mid kale lagu fakado, 15-ka goobood waxaa degan hay’adaha dowladda, adeegyada ay Wasaaradda bixineyso uu yahay mid lacag la’aan ah” ayuu yiri Eng Cabdi Wasiirka Boostada.

R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay dadaallada ay wado Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada, wuxuuna ugu baaqay Wasaaradaha kale inay ku deysadaan si looga mira dhaliyo qorshaha isla xisaabtanka oo halbeeg u ah Xukuumadda Soomaaliya.

“Waan kuu hambalyaynayaa Wasiir, Xukuumadda Nabad iyo Nolol wax weyn ay ku faanto weeyaan oo horumar laga gaaray, Wasaaradaha kale inay kuu deydaan ayaan rajeynayaa, qiimeeyn iyo isla xisaabtan ayaa hal ku dhig u ah Xukuumadan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Furitaanka xarunta maamulka Internet-ka Hay’adaha Dowladda ee ay hirgalisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaraddu ugu jirto hirgelinta xarumaha muhiimka u ah dalka iyo dhameystirka shuruucda lagama maarmaanka ah, iyadoo dhawaan ay aheyd markii Wasaaradda ay ku guuleysatay in golaha Wasiirada iyo  Labada aqal ee Baarlamanka ay meel mariyeen sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo hadda la filayo inuu saxixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo London kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

0

Kulan casho sharaf ah oo lagu soo dhaweenayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cumar Islow oo baryahan ku sugnaa dalkan Ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay magaalada London.

Waxaa ka soo qeygalay qaar kamid ah cayaaryahanadii hore ee Soomaaliya, waxaa kaloo marti sharafta ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud Marwo Khadiijo Aadan Axmed oo dhawaan wafdi ay hogaaminaysay kaga qeybgaleen magaaladan London tartankii ciyaaraha fudud ee aduunka.

Mudane Axmed Cumar Islow Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan sidii loo horumarin lahaa Ciyaaraha Soomaaliya, isagoo bogaadiyay hadaladii dhiira galinta ahaa ee qurbo joogtu ka muujiyeen sida ay ugu heelayihiin hormarinta Ciyaaraha guud ahaan, gaar ahaan bahda Ciyaaraha.

Qaar kamid ah dadkii goobta ka hadlay ayaa uga warbixiyay Wasiir ku xigeenka xaaladda dhallinyarada iyo ciyaaraha Qurba joogta ku sugan dalka Ingiriiska, iyagoo xusay in ay Dolwadda Soomaaliya ay dhiirogelin uga baahan yihiin.

Dowladda Soomaaliya oo Ka hadashay Dad shacab ah oo Shabeelaha Hoose lagu dilay.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaano qoto dheer ku sameyn doonto dad shacab ah oo la sheegay in lagu dilay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si dhab ah u baari doonto dhacdadii ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose ee lagu dilay dad  Shacab ah.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Axmed Jimcaale Geedi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in dhacdadaas ay ahayd iska hor imaad dhaxmaray dad shacab ah oo hubeysnaa iyo ciidamada Dowladda.

Taliyaha ayaa sheegay in ay dhacdada ahayd kala shaki waxaana uu cadeeyey dadka meeshaas ku geeriyooday in ay ahaayeen dad shacab ah oo aaney Shaqo kulahayn Kooxda Al-Shabaab , sidoo kale waxa uu xusay in ay dowladda Soomaaliya aad uga xuntahay isla markaasna ay u saartay Gudi Arintaasi u kuur galo.