Akhriso: Taariikh nololeedkii Jeneraal Maxamed Abshir Muuse

Date:

Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Max’ed Abshir Muuse ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka.

Allaha u naxariistee waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa Taariikh Nololeedka Jeneraal Maxamed Abshir Muuse.

Jeneraal Max’ed Abshir Muuse waxaa uu ku dhashay Magaalada Xaradheere ee gobolka Mudug Sanadkii 1926dii, wuxuuna Ciidamada Booliiska ku biirey isagoo dhalinyara ah wuxuuna tababarkiisii ugu horreeyay ku soo qaatay dalka Talyaaniga.

Allaha u Naxariistee Jeneraal Max’ed Abshir wuxuu noqday Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka Booliiska Soomaaliya 1960kii, xilkaasi oo uu hayay muddo sagaal sano ah.

1969-kii markii Millatarigu la wareegay talada dalka, waxaa marxuumku ka mid ahaa mas’uuliyiintii la xiray, wuxuuna xabsiga ku jiray muddo Toban sano ah.

Allaha u naxariistee Jeneral Max’ed Abshir Muuse markii xabsiga laga soo daayay wuxuu aad xoogga u saaray barashada Culuumta Daraasaadka Islaamka, wuxuuna ka mid ahaa culumadii ka aflaxday Tafsiirka Qur’aanka ee uu aqrin jiray Sheekh Max’ed Macallin Xasan, taasi oo uu meel sare ka gaaray.

Dhamaadkii 1991 dii  wuxuu marxuumku dib ugu laabtay Gobollada Puntland, halkaasi oo uu ka noqday hogaamiyaha garabka Siyaasadda ee Jabhaddii S.S.D.F xilkaasi oo uu hayay illa 1998-dii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisal wasalwasaaraha X.F.S  Xasan Cal Khayre, Raiisal wasaare ku xigeenka X.F.S,  Mahdi Max’ed Guuleed (Khadar) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) iyo Agaasimaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA  C/llaahi.Sh. C/raxmaan (Haybe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Qaranka ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay’ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...