Dibadbaxyo lagu carqaladeynayo bilowga doorashada ku celiska oo Kenya ka bilowday

Date:

Muqdisho(SONNA) Dibadbaxyo lagu carqaladeynayo bilowga doorashada ku celiska madaxweynaha ayaa ka bilowday qeybo ka mid ah dalkaasi Kenya.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo isaga haray doorashada ku celiska ah ayaa ku baaqay in taageerayaashiisu aysan codaynin,maadama uu ka cago jiiday siday wax u dhigeen Guddiga doorashada Kenya oo uu ku tilmaamay inuu masuq maasuq hareeyay.

Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii 8 August, laakiin waxba kama jiraan ayaa laga soo qaaday ka dib markii lagu helay “wax isdabomarino”.

Sanaaqiida codbixinta ayaa la furay 6:00 subaxnimo,iyadoo ay balantu tahay in la soo xiro 5pm,waxaana is diiwaan gelisay si codkooda ay u dhiibtaan 19 million oo ruux oo Kenyan ah.

Banaanbaxyada rabshadaha wata ayaa ka bilowday deegaanada ay ku xoogan yihiin taaageerayaasha mucaaradka ee Kibera ,waxayna taageerayaasha Odinka ay gubayaan taayaro halka Booliska ay banaanbaxayaasha u adeegsanayaan sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan.

Wararka ayaa intaasi ku darayaa in ugu yaraan hal xarun oo codbixinta doorashada ka socotay ay rabshado darteed u xirantay.

” Wax micno ah ma sameyneyso codbixinta,waa sharcidaro waxay sameynayaan,waxay doonayaan in mar kale wax xadaan,tani waa ceeb,marka ma doonayo inaan waqtigeyga ku lumiyo codbixin qaldan,” ayuu Alfred Otieno oo ka mid ah dadka mucaaradsan doorashada.

Marka la eego Kisumo,waa goob Odinka uu ku xoogan yahay,qaar ka mid ah xarumaha codbixinta wey furan yihiin balse ma jirto calaamad muujisa dad codkooda bixinaya.

Raila Odinka,ayaa taageerayaashiisa u sheegay ineysan ka qeyb qaadan codbixinta doorashada ka dib banaanbax ka dhacay magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen taageerayaasha hogaamiyaha Mucaaradka Kenya

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.

Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan. Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.

W/Q: Daahir Aadan Ali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...