R/wasaaraha Soomaaliya oo dhiggiisa Turkiga kula kulmay Ankara

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta oo khamiis ah dhiggiisa Dalka Turgiga Ben Ali Yildirim kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Mudane Xasan Cali khayre iyo dhiggiisa Turkiga ayaa si wadajir ah Salaan Sharaf uga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga, waxaana loo tumay astaanka Qaranka Labada Dowladood.

Intaasi kaddib Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre iyo Ra’iisal wasaraaha Turkiga Ben Ali Yildirim ayaa kulan saacado qaatay wada yeeshay,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin doono.

Kulanka Labada Ra’iisal wasaare ay yeesheen waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Difaaca Turkiga iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladdaasi.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulan labaad ay isugu yimaadaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo dhiggiisa Turkiga Ben Ali Yildirim,kaasoo oo ah kulan qado sharaf ah oo loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qado sharafta kaddib ayaa Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda Turkiga waxay si qoto dheer uga wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal iyo sidii Dowladda Turkiga u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale iney iska xog wareystaan horumarka Goboleed iyo kan caalamiga ahba.

Dhanka kale Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe ee dhawaan loo qaaday dalka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...