Trump iyo Hoggaamiyaha Shiinaha oo kulmaya

Date:

Shiinaha(SONNA):-Donald Trump Madaxweynaha  Trump ayaa kulan la qaadanaya dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, xilli Trump oo ku gudo jiro maalintii labaad ee booqashadiisa uu ku joogo Beijing.

Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu dhiggiisa Shiinaha ka dhaadhiciyo in uu cadaadis ku saaro in ay joojiso barnaamijkeeda Niyuukleerka, arrintaasi oo ah ujeedada ugu muhiimsan ee socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Aasiya.

Waxaa lagu wadaa sidoo kale  in labada hoggaamiye ay ka wada hadlidoonaan arrinta xasaasiga ah ee ku saabsan ganacsiga.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Shiinaha hab dhaqan ganacsi oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Madaxweyne Xi ayaa gelinka dambe ee maanta waxa uu casho sharaf u sameyn doonaa madaxweynaha martida u ah ee Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...