Home Blog Page 1458

Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaanno kala wareegay Al-shabaab, dad shacab ahna kasoo furtay

0

Goof-gaduud Buuraay (SONNA) Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka degaanka Goof-gaduud Buuray ee gobolka Baay ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay howlgallo qorsheysan ku qaadeen tuulooyin badan oo hoostaga degaankaasi.

Howlagalka oo ay fulinayeen Ururka 46-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo maamulka deegaanka Goof-gaduud Buuraay ayaa lagu qaaday deegaan War-gaduud Shanta oo 35-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab

Siidow Cali Guddoomiyaha deegaanka Goof-gaduud Buuray ayaa SONNA u sheegay in ciidanku ay la wareegeen deegaanka, islamarkaana dib ay usoo celiyeen xoriyadda dad shacab ah oo Al-shabaab ay u heysteen in si qasab ah ay uga qaataan lacago baad ah.

“Waxaan Al-shabaab kala wareegnay deegaanka ay ku dhuumaaleysanayeen oo dad shacab ah ku dhibaateynayeen, qaar kamid ah dadka wan kasoo sii deynay, qaar kalena duurka ayey la galeen walina wan ku daba jirnaa”ayuu yiri guddoomiyaha.

Gudoomiye Siidow Cali ayaa intaasu ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhan ka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Baay.

 

Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Xudur

0

Xudur(SONNA)–Kulan oo looga hadlayay Amaanka iyo xasiloonida Gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya kana mid ah deegaanada hoose yimaada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasimay maamulka degmada, waxaana goobj oog ka ahaa Ma’suuliyiinta degmada,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa Xoogga lagu saaray Iskaashiga Amaanka Xudur iyo guudahaanba xaaladda Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaaya in kulanku inta uu socday laysku waydarsada xogo ku saabsan in la iska kaashado Amaanka iyo horumarinta Gobolka.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Gobolka Bakool waxaa ay ka wadaan guluf dagaal oo maleeshiyaadka Nabad diidka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga harsan yihiin Gobolkaasi, iyadoo ay jirto in maleeshiyaadku ay jareen Waddooyinka soo gala Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool, si ay u dhibaateeyaan Shacbiga ku dhaqan Deegaanadaasi.

Maamulka gobolka Bakool oo mamnuucay in qaad laga dejiyo Xudur:DHAGEYSO

0

Bokool(SONNA) Kulan looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa  Ammaanka iyo xasiloonida Gobolka Bakool ayaa lagu qabtay Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolkaasi,iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin iyo saraakiil.

Waxaa uu soo qaban qaabiyaay kulanka  maamulka Degmada Xudur,iyadoo ay  goobjoog ka ahaayeen Ma’suuliyiinta maamulka Degmada,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,waxaana inta badan  Xoogga lagu saaray Iskaashiga dhanka Ammaanka magaalada Xudur iyo guudahaanba Gobolka Bakool,iyadoo maamulka uu soo saarey awaamiiro cusub oo amniga laxiriira.

Maxamed Cabdi Maxamed Told Guddoomiyaha Gobolka Bokool ayaa sheegay in waxqaad ah la keeni Karin magaalada Xudur ilaa amar dambe.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Gobolka Bakool waxaa ay ka wadaan guluf dagaal oo maleeshiyaadka Nabad diidka Al shabaab looga saarayo deegaanada yar yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolkaasi iyadoo ay jirto in maleeshiyaadku ay jareen wadooyinka soo gala Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.

 

FAALLO:Saldhig Milatari oo Mustaqbalka loo aayi-doono!!!

0

Muqdisho(SONNA)–Xiriirka Turkiga-Soomaaliya waa xiriir diblomaasi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Xiriirkaan oo ah mid taariikhdiisa fogtahay ayaa waxa aan ku soo xasuusan karnaa dawladdii cusmaaniyiinta oo uu hoggaaminaye cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka Soomaaliya dawladaan oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneen dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa Soomaaliya ka talineysay ku dhawaad 300 oo sano, caqiiddo ahaanna labada shacab waxay isaga mid yihiin Diinta Muslimka ahna ( suni).

Soomaaliya kadib xornimadii 1960-kii, waxay xiriir la lahayd dalal farabadan oo ay ka heli jirtay caawinaad, waxaana ugu muhiimsanaa Talyaaniga, Dhulkii la isku oran jiray Midowga Sofiyet, dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta, Maraykanka, Jarmalkaiyo Shiinaha.

Shacabka turkiga iyo shacabka soomaaliyeed Taariikh dheer ayaa ka dhaxaysa sanadahii laga soo bilaabo 2010 ilaa hada 2017 xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu gaarayaa meel wanaagsen labada wadan Madaxdooda ayaa booqasho joogta ah ku kala taga labada wadan, iyadoo Wadanka Turkiga uu saxiib ama walaal yar ka dhigtay shacabka soomaaliyeed ee ku nool Qaaradda Afrika, waxayna Booqashadii Taariikhiga aheyd Bishii August 19-keedi sanadkii 2011 uu Racep Tayyib Erdogan oo xilligaasi ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Turkiga waxa uuna booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, isaga iyo Wafdiga ballaaran oo ka socday Dowlada Turkiga iyo ganacsato u dhalatay Dalkaasi, taasi oo bedeshay fikirkii ay Madaxda Caalamka ka qabeen Soomaaliya ee ahaa in aan la imaan Karin Soomaaliya.

Dawlada Turkiga ayaa ka qeybqaadatay soo celiso bilicda iyo quruxda caasimada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, waxaana laga hirgaliyay Dib u dayactirid Waddooyinkii, goobo Waxbarasho, isbitaallo, dhismaha Safaaradda ugu weyn Qaarada afrika ee Dawlada Turkigu leeyahay, garoomada diyaaradaha, Dekada oo la casriyeeyey, Dhismaha xarun lagu taba baro Ciidanka soomaaliya, taasina waxay sabatay in Rajada dawladnimo ee Soomaaliya ay soo noolaato.

Haddaba Dhawaan ayay aheyd markii si wada jir ah xarigga uga wada jareen Xero weyn oo loogu tala galay tababarka Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ku taalla bariga Magaalada Muqdishow Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mud: Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Turkiga Hulusi Akar, waxaa goob joog ka ahaa furitaanka saldhigaas mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya, Safiirada beesha Caalamka ee soomaaliya ku sugan, iyo Saraakiil ka kala socotay labada dal.

Taliyaha guud ee Ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay inay garab siiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo yeelato Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo isna halkaasi ka hadaly ayaa ammaanay taageerada hagar la’aanta ah ee Turkigu ay mar walba la garab-taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay inay qiimo weyn ugu fadhido Soomaaliya. Wuxuna u mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Turkiga oo u yimid furitaanka saldhiggan loo dhisay qaabka casriga ah, wuxuuna yiri:- “Waxaa jiray waqti uu dalkeenu lahaa Ciidanka ugu fiican Afrika, waxaa jirey xili ciidankeenu ahaayeen libaaxyada Afrika. Markaas iyada ah waxaa gacanta ku hayay saraakiil Soomaaliyeed, maantase waxaan halkan u taagan nahay dib-u-yagleelidda ciidankii ahaa libaaxyada Afrika”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay mareyso meel ay dib uga soo kabanayso collaadii iyo dagaalkii sokeeye. Iyadoo xiligani lagu socdo jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, wuxuuna yiri:- “Maanta wuxuu dalkeenu ku socdaa jidkii horumarka iyo dhismaha ciidanka, si taas loo xaqiijiyana waa in la helaa ciidan Soomaaliyeed oo u taagan difaaca qaranimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, dugsigana wuxuu qeyb ka yahay horumarka aan higsanayno ee lagu dhisayo ciidankeena”.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu tilmaamay si looga guuleysto faqriga iyo argagixisada in maanka lagu hayo dhismaha Ciidanka iyo la dagaalanka Musuqa ay ka mid yihiin meelaha muhiimka ah si looga soo kabto dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii sokeeye, wuxuuna yiri:- “Dugsigani wuxuu noo leeyahay muhiimad, waayo waa tallaabo muuqata oo loo qaaday dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka. Halkan waxaa ku diyaarsan qeybtii ugu horeysay ee ciidan Soomaaliyeed oo ka kala yimid guud ahaan qeybaha dalka, Waa inaad ogaataan askari walba oo halkan jooga inuu matalayo Soomaaliya ee uusan qabiil iyo deegaan gaar ah mataleyn”, wuxuuna uga mahad celiyey dawladda Turkiya inay Soomaaliya ka hirgelisay saldhiggii iyo Safaaraddii ugu weynayd ee ku yeelato meel ka baxsan dalkooda.

Waxaan shaki ku jirin in maanta dalkeena uu wadada nabadda loo qaado uu ku socdo, waxa kaliya ee ka dhimana ay tahay in uu yeesho ciidan qaran oo qayimkiisa aqlaaqeed uu nool yahay,kana xoroobay waxa loo yaqaano qabyaaldda iyo iskala sooca si dalka uu u yeesho itijaah quman.

Waxaa la ogaaday in dal aan lahyn ciidan uunan la jaanqaadi karin dunida inteeda kale, isla markaana uu ku dhacayo dib u dhac dhinac kasta ah oo ay ugu horayso Amaan darro, laakiin haddii uu dalku yeesho ciidan usluubaysan uu dalka isu bedelayo goob barwaaqaysan, kana maran cadaalad darro iyo faquuq kasta oo ka dhex jiray bulshada dhexdeeda.
Xeradaan cusub ee haatan laga hirgaliyay magaalada Muqdisho ee turkiga ugu deeqay Soomaaliya, si uu ugu tababaro Ciidanka Soomaalida, ayaa sida la xaqiijiyey waxaa saldhigaan markiiba lagu tababari karaa in ka badan 1.500 oo Ciidan ah oo isugu jira Saraakiil sar-sare, Saraakiil xigeen iyo alifleey.

Haddaba waxaa muran ka taagneyn markii la helo Ciidan Soomaaliyeed oo nadiif ah oo si aad ah u qalabeysan in dawladnimada Soomaaliyeed ay si quman u istaagi doonto, isla markaana laga adkaan doono Argagixisada iyo cid kasta oo ku soo xadgudubta jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, waxaa la rajeynayaa in goor dhow uu saldhigani ka bilaabmi doono tababarka Ciidanka ugu horreeya, iyadoo sanooyin kooban ka dibna uu dalku yeelan doono Ciidan u shaqeeya Qaranka soomaaliyeed oo soo celiya karaamada Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa, haddaba waxaa dhihi kara Saldhiggaani Milatari waa mid mustaqbilka loo aayi-doono.

W.D.C/laahi Ruush

Hoggaamiyaha Catalonia”Dhawaan waxaan ku dhawaaqeynaa madaxbanaani”

0

Spain(SONNA) Iyadoo Dowladda Spain ay siweyn uga soo horjeeddo aftidii madaxbanaanida Gobolka Catalonia ayaa Madaxweynaha dowlad goboleedkaasi, Carles Puigemont, sheegay gobolkiisa uu iclaamin doono maalma gudahood inuu ka madaxbanaan yahay Spain inteedi kale.

Mr Cales Puigdemont waxa uu uga digay dowladda Spain inay sameyneyso qaladkeedii ugu dambeeyay haddi ay soo faragaliso ayna la wareegto Catalonia,taasi oo uu ku tilmaamay mid awaaqib xumo keeneyso.

Hoggaamiyaha Catalonia oo bixiney wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii ay qabsoontay aftidii lagu murmay maalintii Axada, ayaa sidoo kale waxa uu ku dhalleeceeyay Midowga Yurub inay ku guuldareysteen cambaareynta rabshadaha baahsan ee ay booliisku Spain geysteen, markii ay u dhaqaaqeen inay carqaladeeyaan codbixintii socotay.

Maalintii Axaddii aynu soo dhaafnay ayaa shacabka Gobolka Cataloni afti laga qaaday inta badan u codeeyey in ay helaan madaxbanaani taasi oo Dowladda Spain ay siweyn uga soo jorjeedo.

Banaan baxyo rashado wata ayaa weli dhacayaa,dhawaana waxaa halkaai ku dhaawacmay ilaa 800 boqol oo qof markii Boolisku auy isku dayeen in ay ka hortagaan qaadista Aftidaasi

Maxkmadda gobolka Banaadir oo maanta xukuntay Eedeysanayaal

0

Maxkamadeynta raggaan ku eedeysnaa ka Ganacsiga iyo isticmaalka waxyaabaha Maanka sida Xashiishka ayey Maxkamada Gobolka Banadir ku qaadey Xarunta C I D-da Muqdisho oo laguso xirey 30-kii bishii tagtey, kuwaasi oo laguso qabtay Howl-gal ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyen Degmadda Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  Aweys shekh Cabdullaahi Wehliye, ayaa ugu horeyn dhageystay kiiska dacwada lagu soo eedeyey ragaan oo ka koobnaa Afarnin.

intaa kadib ayuu guda galey ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Maxamed Xasan Nuur oo kiiskan gacanta ku hayey Fur furitaanka Dacwadaha laguso eedeyey ragaan, Marqaatiyada cadeymaha laga qorey iyo dhageysiga Qareenada u doodayey eedeysanayaasha.

Markii ay dhamaatay  dhageysiga Maxkamadda ayaa waxaa warbaahinta xukunada lagu kala ridey afarta nin u akhriyey Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, isagoo sheegay in lagu xukumay  Seddex kamid ah afartii qof ee maxkamadda lasoo taagay  oo kala ah Daahir Maxamed Maxamuud, Maxamed Xasan Cali iyo Cali Faarax nuur qofkiiba min Lix bilood oo dhaqan celin ah, halka Cawaale Faarax nuur maxkamaddu ay siideysay, kadib markii wax dambi ah lagu waayey.

sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir  Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, ayaa waxa uu ku baaqey in lasoo qabto rag kale oo kiiskaan ku lug lahaa oo aan wali gacanta laguso dhigin.

Ciidamada Booliska soomaaliyeed ayaa ugu danbeyn Banaanka hore ee  Dugsiga Janaraal kaahiye ku Gubey Maandooriyihii laguso qabtay raggaan maxkamadu xukuna kala duwan ku ridey oo ku jirey Jawaano.

Dalka Faransiiska oo marti gelinaya shir ku saabsan ka hortagga Daa’cuunka.

0

Faransiiska(SONNA) Shirweyn oo looga hadlaya arimaha Caafimaadka adduunka ayaa ka dhacay dalka Faransiiiska kaasi oo looga arrinsanayo khataraha uu bulshada caalamka uu ku hayo cudurka Daa’cuunka.

Mas’uuliyiin caafimaad oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa maanta ku shiraya dalka Faransiiska si ay isula qaataan in boqolkiiba 90 laga hortago dhimashada uu keeno cudurka daacuunka.

Waa markii ugu horraysay oo dowladaha, Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, hay’adaha gargaarka iyo deeqbixiyayaasha ay go’aan noocaas ah wada qaataan.

Arrintan ayaa imanaysa xilli Yemen ay la daalaa dhacayso daacuunkii ugu xumaa ee dalkaas ka dilaaco, halka hay’adaha samafalka ay ka digayaan in musiibo uu isu badelo daacuun ka dilaacay dalka Bangladesh.

Daacuunka jira qarnigan 21-aad ayaa mid ka mid ah hay’addaha samafalka ee la tacaalaya waxa ay ku tilmaantay “wax ceeb ku ah caalamka”.

Cudurkan ayaa waxaa laga ciribtiray dalalka UK iyo Mareykanka in ka badan 100 sano ka hor, hasayeeshee waxa uu fara ba’an ku hayaa dalal badan oo ka mid ah kuwa soo koraya.

Xanuunkan ayaa ku faafa biyaha wasakheysan waxa uuna sanadkiiba galaaftaa nolosha ku dhawaad 100 kun oo qof.

Xogo rasmi ah oo lagay heley toogashadii Las Vegas.

0

Mareykanka(SONNA)Hay’adaha Ammaanka magaalada Las Vegas ee Dalka Mareykanka  ayaa macluumaad dheeraad ah ka heley  heerka uu gaarsiisanaa qorshahihii Stephen Paddock markii uu weerarka toogashada oo khasaare badanb sababay uu ka geysanayay halkaasi.

Joseph Lombardo oo ka mid ah mas’uuliyiinta Las Vegas ayaa u sheegay BBCDa qeybta dunida la hadasha ee World service in Mr Paddock uu dhawr kaamiro dhigay qolkii uu ka deganaaa hotelkii uu ka geystay weerarka ay ku dhinteen 59 qof.

Waxa uu sheegay sarkaalkan Joseph Lombardo inuu ku dhawaad 50 qori uga tagay qolkiisa, ka hor inta uusan si ula kac ah isu dilin.

Balse booliiska ayaa sheegay inaysan jirin calaamad muujineysa sababta uu weerarkan xasuuqa ah u geystay.

Booliisku waxaa ay ogaadeen in Mr Paddock uusan xiriir la lahayn wax urur argagixo ah oo dibedda ama gudaha Maraykanaka ka dhisan.

Madaxweyne Mareykanka Donal Jey Trump ayaa ku tilmaamay ninkan toogashada geystay inuu ahaa qof shaqisiyan u xanuunsan,wuxuuna diiday in uu ku tilmaamo weerarkaasi mid argagixisanimo ah.

Maxkmadda gobolka Banaadir oo maanta xukuntay Eedeysanayaal “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)   Maxkamadeynta raggaan ku eedeysnaa ka Ganacsiga iyo isticmaalka waxyaabaha Maanka sida Xashiishka ayey Maxkamada Gobolka Banadir ku qaadey Xarunta C I D-da Muqdisho oo laguso xirey 30-kii bishii tagtey, kuwaasi oo laguso qabtay Howl-gal ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyen Degmadda Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  Aweys shekh Cabdullaahi Wehliye, ayaa ugu horeyn dhageystay kiiska dacwada lagu soo eedeyey ragaan oo ka koobnaa Afarnin.

intaa kadib ayuu guda galey ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Maxamed Xasan Nuur oo kiiskan gacanta ku hayey Fur furitaanka Dacwadaha laguso eedeyey ragaan, Marqaatiyada cadeymaha laga qorey iyo dhageysiga Qareenada u doodayey eedeysanayaasha.

Markii ay dhamaatay  dhageysiga Maxkamadda ayaa waxaa warbaahinta xukunada lagu kala ridey afarta nin u akhriyey Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, isagoo sheegay in lagu xukumay  Seddex kamid ah afartii qof ee maxkamadda lasoo taagay  oo kala ah Daahir Maxamed Maxamuud, Maxamed Xasan Cali iyo Cali Faarax nuur qofkiiba min Lix bilood oo dhaqan celin ah, halka Cawaale Faarax nuur maxkamaddu ay siideysay, kadib markii wax dambi ah lagu waayey.

sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir  Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, ayaa waxa uu ku baaqey in lasoo qabto rag kale oo kiiskaan ku lug lahaa oo aan wali gacanta laguso dhigin.

Ciidamada Booliska soomaaliyeed ayaa ugu danbeyn Banaanka hore ee  Dugsiga Janaraal kaahiye ku Gubey Maandooriyihii laguso qabtay raggaan maxkamadu xukuna kala duwan ku ridey oo ku jirey Jawaano.

 

 

 

 

 

Madaxweynaha JFS oo Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirada cusub ee Sweden iyo Austria ”Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Wadamada Sweden iyo Austria u qaabilsanaan doonna Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjireyaasha ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii  ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalka ka socda, iyagoo balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga oo  ay la wadaagaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf garaad cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay  uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi usoo magacowdo Soomaaliya, talaabadaas ayuuna Wasiirka ku tilmaamay mid  taariikhi ah oo dhabbaha  u xaareysa Xiriirka labada Dal.

Danjireyaasha Sweden iyo Austria ayaa Dowladda Federaalka ah uga mahadceliyey sida aadka u wanaagsan ee Magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyey, waxaana Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Famaajo ay soo gaarsiiyeen Fariin ay kaga sideen Madaxda sare  ee Dowladahaasi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku guuleysatay Sugida amaanka Caasimada Dalka ee Muqdisho waxaa soo  kordhayey Wadamada Caalamka ee Safiirada usoo dirsanaya Dalka, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay yeelatay Waji cusub oo dhanka Horumarka iyo Dowlad wanaagga ah.