Taliyihii Taraafikada oo Muqdisho lagu aasay

Date:

Muqdisho(SONNA) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu aasay Allaha u naxriistee meydka Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko Jenaraal Cali Maxamed Cali, kaasi oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaskiisa waxaa ka qeybgalay xubno ka kala tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda,siihayaha taliyaha ciidanka booliska,odayaal ehelad amarxuumka iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan dadkii ka qeybgalay aaskaasi waxaa ay eebe uga baryeen in uu Janadii fardowsa uu ka waraabiyo marxuumka, oo u geeriyooday xanunnka Cancerka oo in muddo ah haayay.

Waxaa uu Taliyuhu geeriyooday xili uu kusugnaa  gurigiisa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana maydkiisa lagu aasay  maanta  qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho,waxaana aaska kasoo qeyb galey Masuuliyiin iyo saraakiil kala duwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo siihayaha taliyaha ciidanka Booliska ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Jenaraal Cali Maxamed Cali(CaliShariif)

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....