Howlgal lagu baacsanayo Argagixisada Al-Shabaab oo ka socda Waqooyi Bari Kenya

Date:

Muqdisho(SONNA) Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya,amaanka Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa si aad ah loo adkeeyay ka dib markii Booliska ay sheegeen iney suurta gal tahay in dagaalyahano ka tirsan Argagixisada weerar bahalnimo ah ka geystaan deegaanada Gobolka Waqooyi bari gaar ahaan magaalada Mandhera oo dhowr jeer ay weerareen.

Saraakiil Ciidamada amaanka Kenya ka tirsan oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay iney jirto fariimo Laamaha amaanka soo gaaray oo sheegaya iney Al-Shabaab qorsheynayaan iney weeraro dhabo gal ah ka sameeyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya kuwaasoo ay suurta gal tahay iney ku qaadaan Ciidamada amaanka iyo dad rayid ah oo gaadiid ku safraya.

Ciidamo Boolis iyo Militari isugu jira ayaa bilaabay howlgal ka dhan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka keynta ah ee Kenya gaar ahaan deegaanada Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku dhow.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa la la’yahay halka ay cirib iyo jaan dhigeen ka dib markii dagaalyahano looga shakisan yahay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar ku qaadeen gaadiid Booliska Kenya ay saarnaayeen oo marayay degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000-Askari oo Qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ujeedkiisu uu yahay in dalka laga ciribtiro Argagixisada Al-Shabaab nabadna lagu soo dabaalo.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar dad rayid ah iyo Ciidamo Kenya ka tirsan ay ku dileen ku qaaday Kenya,waxaana ugu darnaa Labadii weerar ay ku qaadeen xarunta Ganacsiga Westgate Mall iyo Jaamacada Gaarisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...