Allaha u naxriistee Waxaa ย xalay ย Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko Jenaraal Cali Maxamed Cali, oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.
Waxaa uu Taliyuhu geeriyooday xili uu kusgnaa ย gurigiisa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana ย lagu wadaa in maanta maydkiisa lagu aaso qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho kana qeybgalidoonaan aaskiisa saraakiil kala duwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo siihayaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Jenaraal Cali Maxamed Cali(CaliShariif)