Home Blog Page 1454

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo 5000 oo dollar ugu deeqey Naafadda Martiine kujirta

0

Janaraal C/weli Jaamaca Xuseen (Gorod) Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday Isbitalka Martiine ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay kujiraan Naafadda Ciidanka Xooga Dalka.

Ujeedada booqashada Taliyhaha ayaa ahayd sidii loo dhiiro gelin lahaa Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee kunool isbitalkaasi,wuxuu sheegay  in ay dadaal u galidoonaan sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa Naafadda kuwoodi oo xaaladoodi caafimaad aan Dalka waxba looga qaban Karin.

Taliye C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa wuxuu ugu deeqay lacag dhan 5000 kun oo dollar naafadda Martiin,taasi oo uu ku sheegay in loogu talagalay in lagu dhiirogeliyo nolosha qoysaskada askartasi.

Intii uu joogay halkaasi wuxuu kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay isbitalkasi Mrtiini iyo dhismayaasha cusub ee halkaasi ka socda,wuxuuna dhiirogeliyay howlaha dib u dhiska halkaasi ka socda.

Madaxweynaha oo daah furay shir wareegga Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka

0

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka socoto xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha kala kuwan ee bulshada, fanaaniin, ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab oo ku hadlaysay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay ka qeyb galka xafladda lagu daah furayo ololaha Nabadgelyada degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii October uu ahaa musiibo Qaran, waxaana uu intaa ku daray dhallinyarada inay gacan ka geysteen sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen.

“Dhallinyarada, dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kooxaha gurmadka deg dega iyo dhamaan qeybaha bulshada waxa ay u istaageen sidii la isugu gurman lahaa, furitaanka shir-wareegga Ololaha Nabad gelyada Degmooyinka Gobolka Benaadir waxa uu wax badan ka qaban doonaa xoojinta Nabad gelyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Madaxda dalka inay qeyb ka noqdaan shir wareegga uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan shir wareegga degmada lagu qabanayo ee uu Wasiirku deganyahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in gabar lix jir ah oo ku nool Puntland ay soo dhiibtay buskut oo ay ka soo iibisay lacag ay siisay hooyadeed, isagoo intaa ku daray inay jireen carruur kale toban jir ahaa kuwaasi oo gacan ka geystay gurmadka musiibadiii qaraxii 14-ka October.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay qiiro gelisay markii uu arkay dhalinta isugu timid shirka, oo madaxda u soo gudbisay fariimaha xambaarsan sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa sugidda amniga.

“Dalkan waa dal isku filnaan kara, haddii si sax ah looga faa’iideysto kheyraadka ku jira dalkeena, waxkasta oo naga halaabaya waxaa sabab u ah Nabadgelyo la’aanta, marka waxaa loo baahanyahay inaan is xoreyno, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha isku tashato” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadkii waxyeelada ka soo gaartay.

Marwo Khadiijo ayaa xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa bankiga dhiiga lagu keydiyo, waxaana ay intaa ku dartay inay soo gaartay kaalmo lacageed oo dhan 36,725, dollar oo ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, saxaafadduna ay la wadaagi doonto maalinta berito ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo daah furay shir wareegga Ololaha Nabadgelayda Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad dagaal,

“Dalkan waxa uu ku jiray toban sano xaalad dagaal, shacabka waxaa laga rabaa inay gacan siiyaan ciidanka oo ay taageeraan dowladooda” ayuu yiri Madaxwene Farmaajo oo xusay in shacabka iyo madaxdooda ay ku dhex jiraan kuwa danleey ah oo aan dooneynin in dalka uu horumar gaaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Madaxweynaha oo daah furay shir wareegga Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka

0

Muqdisho (SONNA) – Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka socoto xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha kala kuwan ee bulshada, fanaaniin, ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab oo ku hadlaysay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay ka qeyb galka xafladda lagu daah furayo ololaha Nabadgelyada degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii October uu ahaa musiibo Qaran, waxaana uu intaa ku daray dhallinyarada inay gacan ka geysteen sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen.

“Dhallinyarada, dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kooxaha gurmadka deg dega iyo dhamaan qeybaha bulshada waxa ay u istaageen sidii la isugu gurman lahaa, furitaanka shir-wareegga Ololaha Nabad gelyada Degmooyinka Gobolka Benaadir waxa uu wax badan ka qaban doonaa xoojinta Nabad gelyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Madaxda dalka inay qeyb ka noqdaan shir wareegga uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan shir wareegga degmada lagu qabanayo ee uu Wasiirku deganyahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in gabar lix jir ah oo ku nool Puntland ay soo dhiibtay buskut oo ay ka soo iibisay lacag ay siisay hooyadeed, isagoo intaa ku daray inay jireen carruur kale toban jir ahaa kuwaasi oo gacan ka geystay gurmadka musiibadiii qaraxii 14-ka October.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay qiiro gelisay markii uu arkay dhalinta isugu timid shirka, oo madaxda u soo gudbisay fariimaha xambaarsan sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa sugidda amniga.

“Dalkan waa dal isku filnaan kara, haddii si sax ah looga faa’iideysto kheyraadka ku jira dalkeena, waxkasta oo naga halaabaya waxaa sabab u ah Nabadgelyo la’aanta, marka waxaa loo baahanyahay inaan is xoreyno, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha isku tashato” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadkii waxyeelada ka soo gaartay.

Marwo Khadiijo ayaa xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa bankiga dhiiga lagu keydiyo, waxaana ay intaa ku dartay inay soo gaartay kaalmo lacageed oo dhan 36,725, dollar oo ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, saxaafadduna ay la wadaagi doonto maalinta berito ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo daah furay shir wareegga Ololaha Nabadgelayda Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad dagaal,

“Dalkan waxa uu ku jiray toban sano xaalad dagaal, shacabka waxaa laga rabaa inay gacan siiyaan ciidanka oo ay taageeraan dowladooda” ayuu yiri Madaxwene Farmaajo oo xusay in shacabka iyo madaxdooda ay ku dhex jiraan kuwa danleey ah oo aan dooneynin in dalka uu horumar gaaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Kulan Dadweyne Oo Lagu Qabtay Degmada Heliwaa+Sawirro

0

Kulan dadweyne oo looga hadlay sidii bulshada isaga kaashan laheyd ka hortagga weerar lamid ah midkii 14 Oct ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Kulanka oo qeyb ka ah barnaamijyo wacyigalin ah oo loogu magacdaray Samawade kana socda degmooyinka gobalka banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha degmada Heliwaan, ku xigeenadiisa, guddoomiyaha ururka haweenka gobalka banaadir iyo boqolaal kamid ah dadweynaha degmada Heliwaa.

Leyla Coloow Calasoow oo kamid ah haweenka degmada oo kahadashay furitaanka kulanka ayaa xustay in habeen walba ay ku calwasaaddo naxdinta weerarkii dadka badan ay ku halaagsameen ee ka dhacay wadada mashquulka badan ee Zoobe, waxayna sheegtay in loo baahanyahay la shaqeynta hay’adaha Amniga si looga hortago qatar walbo oo nabadgalyada deegaanka waxyeeli karto.

Guddoomiye ku xigeenka nabadgalyada degmada Heliwaa Abshir Maxamed Maxamuud oo dadweynaha lahadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay dabooli lahaayeen baahiyaha bulshada ee xagga nabadgalyada, isagoo hadalkiisa raaciyay in Heliwaa ay tahay dagmo ka ammaan badan dagmooyinka kale oo gobalka banaadir.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab oo kamid aheyd mas’uuliyiintii la hadashay dadweynaha ayaa ammaantay barnaamijka wacyigalinta bulshada ee Samawade, iyadoo soo hadalqaaday caqabadaha dhinaca amniga ee ka jira gobalka banaadir iyo sida looga gudbi karo.

“caqabado badan oo ay muhiim tahay in wax laga badalayo ayaa jiro, tusaale ahaan degmada Heliwaa baaxad ahaan wey weyntahay, waxay ay laf-dhabar u tahay amniga magaalada, malahan ciidan amni oo ku filan dagmada, iyadoo tabardaridaas jirto ayaa hadana ciidamada yar ee jooga saldhiga loo daad-gureeyaa goobo ka baxsan dagmada oo howlgal ama shaqooyin kale ay ka socdaan, iyadoon taas xal loo helin caqabaddu wey jiri doontaa” ayay hadalkeeda raacisay Jawaahir.

Guddoomiyaha demgada Heliwaa Cabdixakiim Cumar Cabdulle oo kulanka soo gunaanaday ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Zoobe, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagmadu ay nabadgalyo ka jirto howlo badan oo bulshada ammaankeeda lagu sugayana ay qabteen.

Mudane Cabdixakiim ayaa bulshada deegaanka ku boorriyay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago kooxaha isku dayaya in ay qalqalgaliyaan nabadgalyada dagmada, taasna ay ku imaan karto muujinta wadashaqeyne joogta ah oo ficil loo badalay.

Gabagabadii kulanka waxaa loogu duceeyay dadkii sida xaqdarada aheyd loogu xasuuqay Qaraxii Zoobe, iyadoo ka qeybgalayaasha kulankaasina ay ballanqaadeen in ay diyaar u yihiin la shaqeynta laamaha Amniga, iyagoo muujiyay sida ay uga xunyihiin in dad muslim ah lagu dilo xaqdarro.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

0

Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Maraykanka ayaa duqeeyay fariimiso ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanno ka mid ah Gobolka Baay.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaasoo lala eegtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa intaa raaciyay in duqaynta oo ka dhacday meel 100 Mayl u jirta Caasimadda Muqdisha kana tirsan Gobolka Baay ay ku dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wax faahfaahin ah lagama bixin haddii ay ku jiraan hor-joogayaal sare.

Hadafka duqaynta laga lahaa ayuu talisku ku sheegay ka hortagga haliska ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-shabaab ku hayaan Gobolka iyo guud ahaan Caalamka intiisa kale.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay iney sii socon doonaan howl gallada lagu baacsanaya Argagixisada, iyadoo ay weerarradaasina qayb ka yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Galmudug oo dar dar gelineyso howlaha shaqo ee Garoomada diyaaradaha

0

Muqdisho(SONNA) Wasaarada Gadiidka  Cirka iyo Dhulka Galmudug ayaa sheegtay in la dar dar galin doono howlaha shaqo ee garoomada diyaaradaha ee ku yaala deeganada Galmudug kadib kormeer wafdi uu horkacayo wasiirka wasaaradaasi ay ku tageen Qaar ka mida Garoomada Diyaaradaha ee Ku
yaala magaalooyinka GAalkacyo Iyo Hobyo.

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa mid ku saabsanaa uu kuurgalida sida ay usocdaan howlaha shaqo iyo tayada dhismaha Garoomada Diyaaradaha ee Ku yaala deegaanada Galmudug qaarkood ayaa waxaa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Galmudug C/laahi Cali Maxamed (C/llaahi Airpor) oo ay wehliyaan xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka mida kuwa wasaaradaasi waxa ay ku tageen Garoonka diyaaradaha OSHACO ee Magaalada Galkacyo iyo Garoonka Diyaaradaha Dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay kormeerka ku guda jireen waxaa ay warbixino la xariira howlaha shaqo ka dhageeysteen howlwadeenada iyo masuuliyiinta garoomadaasi isagoo sidoo kalana indha indheeyn iyo qiimeeyn ku  ku sameeyay Tayada Garoomadaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale intii ay kormeerkooda ku guda jireen waxa uu wax ka weydiiyay qaar ka mida duuliyayaasha wada diyaaradaha isticmaala garoomadaasi in ay jiraan dhibaatooyin ay kala kulmaanmarka ay kacayaan ama ay dagayaan diyaaradahoodu wadada ay diyaaraduhu ku dagaan kuwaasi oo sheegay in ay jiraan caqabado yar yar oo ubaahan in wax laga qabto maadaama lagu guda jiro xilli roobaad.

Kormeerkaan oo qaatay muddo dhowr maalmood ah ayaa markii usooidlaaday waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiirka wasaaradaGaadiidka Cirka iyo Dhulka  dowlada Galmudug C/laahi Maxamed Cali (C/llaahi Airpor) waxaana uu faah faahin dheer ka bixiyay ujeedka kormeerkooda iyo qorshayaasha Wasaarada ee ku aadan sare u qaadista howlaha shaqo iyo tayeeynta Garoomada diyaaradaha ku yaala guud ahaan Deegaanada Galmudug waxaana uu sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu hagaajinayo laguna tayeeynayo howlaha shaqo ee garoomada  sidoo kalanaay dayactir ku sameeyn doonaan ka wasaarad ahaan Dhamaan Garoomada Diyaaradaha ee ku yaala Galmudug.

Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tagay Sacuudiga

0

Muqdisho(SONNA) Emmnanuel Macron,madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inuu ahmiyad siin doono deganaashaha Lubnaan ka dib markii booqasho aan horay loo sii shaacin uga bilaabatay dalka Sacuudiga.

Booqasgada madaxweynaha Faransiiska uu ku tagay dalka Sacuudiga ayaa ku soo aadeysa xilli  uu Sabtidii is casilay ra’iisulwasaarihii Lubnaan Saad Hariri isaga oo ku sugnaa magaalada Riyadh, isaga oo sheegay in uu naftiisa u baqay.

Dowladda Sacuudiga oo lagu eedeeyay iney cadaadis saartay Ra’iisal wasaarihii is casilay ee Mar Xariiri ayaa iska fogeysay kuna eedeysay.islamarkaana shaacisay iney  arintaasi wax lug ah ku lahayn.

Macron ayaa sidoo kale sheegay in uu hogaamiyeyaasha Sacuudiga kala hadli doono dhibaatada Yemen ka taagan, ka dib markii xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo ay xireen dhammaan marinnadii galayay dalkaas dagaallada la daalaa dhacaya.

Go’doominta ayaa dalka Yemen la saaray Isniintii ka dib markii gantaal laga soo riday lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh. Waxaa la sheegay in gantaalka lagu qabtay meel u dhaw caasimadda Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya ayaa gantaalka ku eedaysay malayshiyada ay Iiraan taageerto ee Xisbullah.

Dad badan oo reer Lubnaaan ahna waxay ka cabsi qabaan in dalkooda uu soo wajahay dagaal gudo wayn oo ay ku lug leeyihiin Sacuudiga oo ah dalka ugu tunka wayn dalalka Suniga ah iyo Iiraan oo Shiicada hogaamisa ahna dalka ugu wayn ee ay Sacuudiga isku hayaan gobolka.

Dowladda Sacuudi Arabia ayaa khamiistii shalay u sheegtay muwaadiniinteeda ku sugan dalka Lubnaan iney sida ugu dhaqsiyaha uga soo baxaan dalkaasi ka dib markii la arkay cabsi dhanka amniga ah.

Tiro Al-shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Baay

0

Muqdisho-(SONNA)-Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Maraykanka ayaa duqeeyay fariimiso ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanno ka mid ah Gobolka Baay.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaasoo lala eegtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa intaa raaciyay in duqaynta oo ka dhacday meel 100 Mayl u jirta Caasimadda Muqdisha kana tirsan Gobolka Baay ay ku dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wax faahfaahin ah lagama bixin haddii ay ku jiraan hor-joogayaal sare.

Hadafka duqaynta laga lahaa ayuu talisku ku sheegay ka hortagga haliska ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-shabaab ku hayaan Gobolka iyo guud ahaan Caalamka intiisa kale.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay iney sii socon doonaan howl gallada lagu baacsanaya Argagixisada, iyadoo ay weerarradaasina qayb ka yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay kulamo uu la qaatay Madaxda dalka Masar+(Sawiro)

0

Qaahira(SONNA) Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada Fadaraalka soomaaliya mudane Mahdi maxamed guuleed khaddar iyo wafdi ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiir ku xigeenka  dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arimaha dibada oo mudo sadax cisho ku sugnaa magaalada Sharma sheikh halkaas oo ay uga qeyb galayeen shirka dhalinyarada caalamka oo sanadkaan ay marti galisay dowlada Masar aya dalka dib ugu laabtay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada fedaraalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo wareysi siiyay SONNA aya marka hore u mahad celiyay safaaradda Soomaaliya ee Masar wuxuuna ka warbixiyay kulamadii uu la yeeshay madaxweynaha Masar C/fitaax siisi iyo Ra’iisul wasaaraha Masar Sharif ismaaciil Maxamed intii uu ku sugna magaalada Sharma sheikh.

“ugu horeyn waxan rabaa inan munaasabadaan ugu faa’ideysto una mahad celiyo marka u horeysa safaarada Soomaaliya ee Qaahira safiir ku xigeenka ilyaas sheikh iyo mas’uuliyiinta kale ee safaarada oo runtii aad iyo aad ino soo dhaweeyay inta joognay Sharma sheikh, waxan fursad u helay inan la kulmo madaxweynaha Masar C/fitaax siisi oo waqti dheer wada qaadanay, arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadalnay sida labada dal ay isaga kaashan karaan oo gacmaha isku qabsan karaan, balamihii madaxweyne farmaajo iyo wafdigiisa markii ay Masar soo gaareyn u qaadeena uu diyaar u yahay inu fuliyo waxyaabo badan, inagu dabagalkeedu nagu xiran yihiin,waxa kale oo aan fursad u helay inan la kulano Ra’iisul wasaaraha Masar Sharif ismaaciil Maxamed, Masar waxay dooneysa dhowr meel oo waaweyn oo ilaha dhaqaalaheenna ku xiran inay gacan saar nagala yeeshan oo ay ka mid tahay xoolaha,kaluumeysiga ,beeraha, biyaha iyo tamarta, dhinac walba ayey diyaar u yihiin, inan gacamaha isqabsano oo iskaashi ka yeelano”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wafdiga uu hogaaminayay aya dalka dib ugu laabtay kadib marku so gabagaboobay maalintii khamiista shirkii dhalinyarada caalamka ee ka socday magaalada Sharma sheikh.

Wariye:Mowliid Hassan Abdi

Nin Soomaaliyeed oo ka mid noqday golaha garsoorka Maxkamadda Hague

0

New York-(SONNA)-Golaha guud ee Qaramada midoobay ayaa mar kale u doortay inuu ka mid ahaado garsoorka guud ee Maxkamadda dembiyada caalamiga ee ICC.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf  oo Maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa Sagaalkii Sano ee lasoo dhaafay, ayaa dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi.

Abuukar Daahir Cusmaan safiirka soomaaliya u fadhiya QM ayaa sheegay inuu Garsoore C/qawi ku guuleystay Cod aqlabiyad ah, iyadoo ay aad u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-da waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Garsoore Cabdulqawi horay usoo ahaa Guddoomiye ku xigeenka,waxaana lagu wadaa in horraanta 2018-ka uu noqdo Guddoomiye sida uu sheegay Amb:Abuukar Cusmaan.

Maxkamadda dembiyada Caalamiga ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ayaa imminka Gacanta ku haysa kiiska muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xigasho: VOA