Home Blog Page 1453

Taliyahii hore ee Booliska oo maanta Xilka ku warreejiyey Taliye ku xiggeenka Ciidankaasi

0

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Janaraal Kaahiye ee Magaaladda Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad xilka taliyenimo ee Booliska kula wareegayo S/guud Mukhtaar Xuseen Afrax oo hore u ahaa Taliye ku Xiggeenka Ciidankaasi, waxaana uu xilka si ku meel gaar ah uu  kala wareegay Taliyihii Ciidanka Booliska Gen Saacid oo dhowaan Golaha Wasiiradda XFS ay xilka ka qaadeen.

Taliyahii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen C/Xakiin Saciid Saacid oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Gen Muqtaar uu yahay howl kar kasoo bixi kara Shaqada Booliska, islamarkaana muddo badan uu  ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax, ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa u mahad celiyey Taliyahii hore ee Ciidanka, isagoo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka codsaday in la garab istaago.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Koorso waxbarasho ah loo furay

0

In ka badan 70 Sargaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa maanta loo furay koorsooyin ay ku  baran doonaan luuqada Ingariiska iyo daryeelka Macaamiisha (costamer care).

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolajiyada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo  Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya,  ayaa si wada jir ah u daahfuray aqoon kororsiga, waxaana uu agaasimaha guud sheegay in dhammaan saraakiisha HSJ loo tababari doono shaqooyinka ay qabtaan.

Koorsooyinkaan waxbarasho, ayaa lagu bilaabey saraakiisha ka howlgala Garoonka  caalamiga Aadan Cadde iyo kuwa ka howlgala xafiiska adeegga martida (Ajaanibta), waxaana si wada jir ah isaga kaashanaya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya iyo Hay’adda Socdaalka  Aduunka ee (IOM), wuxuuna socon doonaa muddo lix bilood ah, iyadda oo la gaarsiin doono laamaha hay’adda ee ka howlagala qeybaha kale ee dalka.

Madaxtooyada Soomaaliya oo been abuur ku tilmaantay warqad baraha bulshada la soo dhigay

0

Iyadoo saacadihi ugu dambeeyey baraha bulshada lagu arkayay warqad been abuur ah oo lagu sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku tilmaantay mid been abuur ah

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya C/nuur Maxamed Axmed oo u warramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay wax kama jiraan tahay warqadaasi oo baraha bulshada la isla dhexmarayo.

“Majirto wax magacaabis ah oo uu sameeyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku aadan in Xasan Yuusuf Jaamaca uu madaxweynaha u magacaabay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, waa warqad been abuur ah”Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka  Madaxtooyada Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanayay baraha bulshada warqado ku qoran dukumintiyo looga been abuuranayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha guud ee Dalka ,taasi oo  lagu tilmaamayo in ay tahay arrin aan u wanaagsanayn danta guud,horumarka iyo sharafta  Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha G/banaadir oo soo xiray Barnaamijka Aminiga iyo hormarinta Caasimadda “Sawirro”

0

Muqdisho (S0NNA) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Masuuliyiin Maamulka Gobolka, ayaa soo xiray Barnaamij looga hadlayey Amniga iyo horumarinta Caasimadda.

Barnaamijkan oo ah mid lagu horumarinayo hanaanka sugida amaanka, ayaa waxaa lagu qabtay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Taabit Cabdi, ayaa halkaasi ka sheegay in loo baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo sudiga amaanka caasimadda, qof kastana uu xil iska saaro siddii nabad loogu noolaan lahaa.

 

 

AKHRISO: Odayaasha dhaqanka oo war ka soo saaray xaaladda dalka

0

Muqdisho(SONNA) Odayaasha 135-ta Oday ee soo xulay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ah Duubabka Qaranka Soomaaliyeed intooda ku sugan Gobolka Banaadir oo ka kulmay xaalada amni ee dalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen muhiimadda ay leedahay xasilinta amniga dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ayaa si gaar ah u soo qaatay dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee 14-ka iyo 28-ka bishii la soo dhaafay ee October ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad badan oo qiimo u lahaa Qaranka Soomaaliyeed lagu laayay.

Guddoomiyaha G/banaadir oo soo xiray Barnaamijka Aminiga iyo hormarinta Caasimadda

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Masuuliyiin Maamulka Gobolka, ayaa soo xiray Barnaamij looga hadlayey Amniga iyo horumarinta Caasimadda.

Barnaamijkan oo ah mid lagu horumarinayo hanaanka sugida amaanka, ayaa waxaa lagu qabtay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Taabit Cabdi, ayaa halkaasi ka sheegay in loo baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo sudiga amaanka caasimadda, qof kastana uu xil iska saaro siddii nabad loogu noolaan lahaa.

Jabuuti iyo Marocco oo Gaaray Heshiisyo Muhiim ah

0

Rabad-(SONNA) Labada dal Jabuuti iyo Marocco ayaa kala saxiixday heshiisyo dhanka iskaashiga siyaasadda iyo booqashooyinka.

Dhinaca Dowladda Jabuti  waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka arrimaha Dibadda, ahna afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda jabuti Mahmud Ali Yuusuf  oo wafdi uu hogaaminayo haatan booqasho rasmi ah ku jooga magalada Rabad ee caasimadda  dalka Marocoo.

Dhinaca Dowladda Marocco waxaa iyana heshiiskaasi u saxiixay wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Nasir Boridha,waxaana qodobada heshiiskaasi ka mid ay inay labada dowladood  ay mar walba ka wada arrinsadaan arrimaha siyaasadda iyo dhinaca dalka ku galka fiisaha oo wax shuruud ah ku xirneyn iyo waliba dhanka horumarinta dibolomaasiyadda.

Telefishinka Jabuuti ayaa baahiyay inay laba wasiir ay ka wada munaaqashoodeen arrimo badan ay ka mid yihiin arrimaha aminiga, dhaqaalaha, Ganacsiga iyo ka hortagga xadgudbiyada argagixisada.

Wasiirka arrimaha Dibada Jabuti Mahmud Ali Yusuf ayaa ka codsaday Dowladda Marocco inay safaarad ka furato magaalada Jabuti ee xarunta dalka jabuti, taasoo dowr weyn ka qaadanaysa sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee marocco ayaa isna soo dhaweeyay codsigaasi wuxuuna sheegay in labada wadan oo iminka u furmay boq cusub ee xagga horumarinta cilaaqaadka ah.

Kulan looga hadlayay baahiyaha ka jira Hirshabeelle oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

0

Jowhar(SONNA) Kulan hal maalin socday loogana hadlaayay siddii loo dabooli lahaa baahiyaha kala duwan ee ka jra maamulka Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaasi.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Dowladda Federaalka,Hay’ado ka socday Qaramada Midoobay,Mas’uuliyiin ka kal socday Hirshabeelle,Shabeellaha dhexe,kan degmada Jowhar iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan ee Hirshabeelle.

Ugu horeyn,waxaana kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo u mahad celiyay Hay’adaha iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee kulanka ka soo qeyb galay.

Wuxuuna Axmed Meyre Makaraan kula dardaarmay ka soo qeyb galayaasha iney faa’dada ay helaan ku celiyaan shacabka ay ka soo tageen si ay uga faa’ideystaan.

Sidoo kale,Waxaa,isna halkaasi ka hadlay sii hayaha xilka wasaarada Qorsheynta Hirshabeelle,Maxamed Cabdi C/laahi,isagoo faah faahiyay muhiimada kulanka.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta ee Hirshabeelle ee looga hadlayo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ka jira Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.                                                                  

Odayaasha dhaqanka oo war ka soo saaray xaaladda dalka

0

Odayaasha 135-ta Oday ee soo xulay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ah Duubabka Qaranka Soomaaliyeed intooda ku sugan Gobolka Banaadir oo ka kulmay xaalada amni ee dalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen muhiimadda ay leedahay xasilinta amniga dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ayaa si gaar ah u soo qaatay dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee 14-ka iyo 28-ka bishii la soo dhaafay ee October ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad badan oo qiimo u lahaa Qaranka Soomaaliyeed lagu laayay.

Seddax Qof oo ku dhintay toogasho ka dhacday Dukaan ku yaalo Mareynkanka

0

Muqdisho(SONNA) Saddex Qof ayaa la dilay ka dib toogasho ka dhacday dukaanka Walmart  ee magaalada Thornton ee dalka Mareynkanka, sida uu sheegay Booliska.

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii arbacada ahayd rasaas ku furay gudaha Dukaan ku yaalo magaalada Thornton ee Gobolka Colorado,taasoo sababtay geerida labo ruux halka haweeney kale dhaawac uu soo gaaray markii danbe Cisbitaalka ugu geeriyootay,sida ay sheegeen Waaxda Booliska magaalada Thornton.

Booliska ayaa sheegay in dhacdadaan tuhmanayaal loo qabtay kuwaasoo hadda su’aalo la weydiinayo,mana jirto cid ilaa iyo hadda loo xiray arintaan,sida Booliska ay sheegeen.

Saacad ka dib markii feejignaan sare lagu jiray ayay Booliska waxay sheegeen in qatarka kooxaha hubeysan lagu idleeyay gudaha Dukaanka.

“Markii rasaasta ay bilaabatay durba waxaa bilowday cabsi iyo kala carar macaamiiska ku dhacay” ayuu yiri mid ka mid dadkii dukaameysanayay.

Dhacdooyinka ceynkani oo kale ayaa ku cusbeyn dhegaha Shacabka Mareynkanka,waxaana dhacdadii ugu danbeysay ay ka dhacday magaalada New York oo lagu dilay seddeed qof halka 11-kalena la dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.