Home Blog Page 1453

Suudaan oo soo dhaweysay cunaqabateyntii uu ka qaaday Mareykanka

0

Khartoum (SONNA) Dowladda Suudaan ayaa soo dhaweysay cunaqabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee laga qaaday, taasi oo saarneyn muddo 20-sano ah.

Suudaan ayaa sheegtay in arintaani ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka, waxeyna intaasi raacisay in lagu soo beegay xili munaasib ah.

Talaabadan ayey Suudaan sheegtay in ay kaalin weyn ka qaadaneyso horumar iyo koboc uu sameeyo dhaqaalaha Suudaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan.

“Tani waxey keeneysaa in dib uu usoo noqdo xiriirka nidaamka Banki ee Suudaan ay la leedahay Bankiyada caalamka” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Suudaan.

War Maraykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka.

Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba. Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama.

 

 

Shabaab oo dad shacab ah ku dilay Jubbada Hoose

0

Kismaayo(SONNA) Maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu soo warramaya in dad shacab ah ay ku dileen deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose,xili ay ku guda jireen raadinta nolol maalmeedkoodi.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Yaaqbuul oo hoostaga Jasiiradda Kudhaa ee Gobolkaasi ayaa sheegay in Alshabaab ay halkaasi ku dileen 2 qof oo kamid ah dadka ka xamaasha jarista dhirta Dhuxusha laga sameeyo.

Dadka Deegaanka ayaa SONNA u sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay soo weerareen,islamarkaana ay dileen 2 qof oo ku howlanaa dhir jarista.

“Walaal waxaa halka soo weeraray Alshabaab 2 qof ayay dileen, qof wuxuu ahaa nin halkaasi ganacsi ku lahaa iyo kan kalana wuxuu ahaa shaqaale marka goobtaasi ayay ku dileen,waxay diidayaan in xogtoodi la helo kadib la duqeeyo iyo in dhirta ayku dhuumaalaysanayaan dhamaato,meeshu waa meel duur ah, iyaga ma ogola dadka kale in ay noloshooda maareeyaan,taasi way ka soo horjeedaan”, Sidaasina waxaa SONNA u sheegay qaar kamid ah dadkii la kulmay dhibaatooyinka SHabaab.

Falalka ayaa inta badan ka dhacay deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan Maleeshiyada Shabaab,iyagoo taasi ay uga hortagayaan in la helo macluumaad ku saabsan keymaha ay ku jiraan,waxaana taasi ay ku dareen siinaysa cabsida ay ka qabaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xulufada Saaxiibada la ah.

Gantaalkii ugu dambeyeey oo ridda dheer oo ay tijaabinayso Pyonyang

0

Muqdisho(SONNA) Xukuumadda Pyongyang ayaa laga cabsi qabaa in dhawaan ay tijaabiso Gantaalkii ugu dambeeyey,sida ay sheegayaan Dowladda Mareykanka iyo khubarro kale oo caalami ah,iskuna raacay in ay u badan-tahay in Waqooyiga Kuuriya ay maalmaha fooda inagu soo haya ay tijaabin doonto gantaalkeedii ugu dambeeyay ee ah kuwa riddada dheer,taasi oo walwal laga qabo.

Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa waxaa la filayaa in 10-ka Bisha October ee soo socota laga xuso, sannad guuradi 72-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasi.

Isla 9-ka bisha October ayaa Sidoo kale ku beegan marki ugu horreysay ee ay Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalada ridada dheer, sanadki 2009.

Sarkaal sare oo katirsan CIA-da Mareykanka oo lagu magacaabo Sue Mi Terry ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay mar walba tijaabiso gantaalo, xilliyada dalkaasi ay ka jiraan dabaaldagyada qaran.

Donald Jey Trump ayaa madaxweynaha Mareyakanka ayaa  dhawaan u bixiyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi naaneysta ah (Ninka Gantaalka),taasi oo ku dareensiinaysa walaac ay Pyongyonga ay gelisay caalamka.

Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii Dalka Sudan+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba-gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Sudan.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiiri ayaa kusoo saagootiyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa qaybta martida gaarka ah ee garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee magaalada Khartum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa galinkii hore waxa uu booqday Xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Africa oo ay dhigtaan ardayda Soomaaliyeed ee ugu badan ardayda wax kabarata Jaamacadaha ku yaalla dalka dibaddiisa.

Guddoomiyaha Jamacadda Caalamiga ah ee Africa Dr.Kaamil Cubayd,barayaasha Jaamacadda, ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay maamulka Jaamacadda ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Africa, Maamul iyo Macaluimiinba , dadaalka ay ku bixiyeen ardayda Soomaaliyeed.

“Taariikh lama illaawaan ah ayaad ku leedihiin sooyaalka waxbarashada Soomaaliya, waxa aad na garab istaagteen xilli aysan ka jirin dalkayaga nidaam waxbarasho iyo hannaan doowaladeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba laabtaan dadaalkaas” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Salaadda Jimcaha kula tukuday Masjidka Jaamacadda boqolaal ka mid ah ardayda wax ka barata dalkaas.

Booliska Talyaaniga oo qabtay qalab Militari oo loo dhoofin lahaa Soomaaliya

0

Florence(SONNA)–Ciidanka Booliska Talyaaniga ayaa Arbacadii la soo dhaafay fashiliyay islmarkaana soo qab-qabtay Ururka ama shabakad safrineysay qalab Millitari, ayna ka dhoofinayeen Talyaaniga, kuna socday Soomaaliya.

Dadkii la soo qabtay oo ka koobnaa 4 Rag ah, ayaa 3-ka mid ah yihiin Soomaali, halka ninka kalena uu yahay Talyaani, waxaana laga qabtay Magaalada Florence, waxyaabaha la qabtay ayaa waxa loo ekeysiin karaa Dharka ay qaataan Booliska Soomaliyeed, sida ay Wakaaladfda Wararka Talyaaniga ee ANSA u sheegeen Booliska.

Kooxahan ayaa lagu tuhunsan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin ama ku tiirsan yihiin shabakad ka kooban Darawalo wada gawaarida Xamuulka iyo Wakiilada Shariikadaha Maraakiibta ee Tuscany, Campania, Calabria, Emilia-Romagna iyo Sicily.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

0

Muqdisho(SONNA):–Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle oo marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka todabaadka oo si toos ah ugu baxo SNTV iyo Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo sida uu sheegay Wasiirku lagu howlan yahay shaqadeeda.

Wasiir C/raxmaan ayaa tilmaamay in Samaynta Lacagtaan cusub ee shilin Soomaaliya ah ay ka gacan siinayso Dowlaadda Soomaaliya Hay’adda Lacagta Aduunka ee Magacaceeda loo soo gaabiyo IMF iyo Bankiga Aduunka.

C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaani ay wax weyn ka badali doonto kobaca dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayna muhiim tahay soo daabicida Lacagtaasi.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle iney sameynta lacagta cusub ay kala kaashan doonaan dad quburo ah oo isugu jira Ajaaniib iyo Soomaaliya,kuwaasoo Muqdisho soo gaaraya.

Hadalkaan Wasiir Bayle ayaa kusoo beegmaya xili Lacagihii qaranka Soomaaliya uu ka haray Kunka shilin Soomaaliga, waxayna bulshadu baahin weyn u qabaan dib u soo noolaynta Lacagihii uu la haan jiray Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo wax laga weydiiyay Arimaha canshuuraha ayaa sheegay iney wadaan qorshe lagu mideynayo canshuuraha laga qaado Gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale,Wasiir Beyle ayaa carabka ku dhuftay in labada todobaad ee soo socda gudahooda ay ku bixinayaan mushaaraadka iyo xuquuqda kale ay leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,isagoo dhanka kale shaaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso waqtiyada ugu dhow iney ka maaranto kaalmada dibada kaga imaaneyso ee lagu xirayo musharaadka shaqaalaha Dowladda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo soo xirtay shir wadatashi ah

0

Shirkani wadatashiga ah  oo muddo labo maalmood ah socoday ayaa lagu soo geba gebeeyey   magaalada Muqdisho,wuxuuna  ku saabsanaa hindise sharciyeedka shirkadaha.

Waxaa ka qeybgalay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xubno ka socday Bangiga Adduunka quburo, agaasimaha guud ee Wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Xoghayaha Joogtada ah.

Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadro Axmed Ducaale, oo soo xirtay shirkan wadatashiga ah oo uu taageerayo Banggiga Adduunka ayaa sheegtay in ujjeedka uu yahay sidii looga tashi gelin lahaa dhammaan dadka uu quseeyo ka hor inta aan la horgeynin hay’adaha Dastuuriga ah.

“Runtii waan idinkaga mahadcelinayaa sida wanaagsan oo aad inoola shaqeyseen,anaga marabno in aan si qasab ah sharciga aan ku gudbino iyadoo aan talo laga dhiiban,marka wan kala hadlay shaqaalaha wasaaradda in talooyinka muhiimka ay lagu daro afkaarna aad ka dhiibataan,insha allaah wixii ka dhiman waanu dhameystiraynaa, si loo ansixiyo”, ayay tiri Wasiirka Ganacsiga.

Xubnihii ka socoday Dowlad goboleedyada ayaa soo dhaweeyay mabda’iyan barnaamijkan,iyagoo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo si loogu daro wixii ka dhiman kadibna loo ansixiyo.

Marwo Khadra Axmed Ducaale ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay waddo qorshe ku aadan sidii loo sameyn lahaa dhamaan sharciyada kale ee horyaala Wasaaradda,kuwaasi oo muhiim u ah Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo sida uu sheegay Wasiirku lagu howlan yahay shaqadooda.

Wasiir C/raxmaan ayaa tilmaamay in Samaynta Lacagtaan cusub ee shilin Soomaaliya ah ay ka gacan siinayso Dowlaadda Soomaaliya Hay’adda Lacagta Aduunka ee Magacaceeda loo soo gaabiyo IMF.

C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaani ay wax weyn ka badali doonto kobaca dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayna muhiim tahay soo daabicida Lacagtaasi.

Hadalkaan Wasiir Bayle ayaa kusoo beegmaya xili Lacagihii qaranka Soomaaliya uu ka haray Kunka shilin Soomaaliga kaasoo uu ka muuqdo bur-bur xooggan” waxayna bulshadu baahin wayn u qabaan dibu usoo noolaynta Lacagihii uu la haan jiray Qaranka Soomaaliyeed.

#KULANKA_TODOBAADKA_WASIIRKA_MAALIYADDA_SOOMAALIYA

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Πέμπτη, 5 Οκτωβρίου 2017

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan, iyaga oo dhabbaha u xaaray heshiisyo taariikhi ah oo ay wada saxiixdeen labada dowladood.

Madaxweynaha dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara Soomaaliya iyo Suudaan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado xiriirka ka dhexeeya wadamada Geeska Afrika.

“Mudane Madaxweyne, muddo labo maalmood ah oo aad nala joogteen aad bay noo farxad galisay. Maanta baahi wayn ayaan u qabnaa in aan garabkeenna ka aragno Soomaaliya oo midaysan, horumarsan oo awood leh, waana naga go’antahay in aan garab idinku siinno.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo shacabka Suudaan sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey kaalinta Suudaan ay ka qaadatay waxbarashada ardayda iyo tayeynta laamaha ammaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “waxaan ku xaqiijinaaya Mudane Madaxweyne in higsigeenna ku aaddan iskaashiga iyo horumarka uu mira dhal u muuqda, haddii aan Alle kaashanno, kana dhabayno qorsheyaasha aan hiigsaneyno.”

Intaas kaddib, Wasiirada labada dowladood ee wada xaajoodka ka qayb galay waxa ay heshiisyo ku kala saxiixdeen xarumaha Wasaaradaha Dowladda Suudaan. Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Suudaan.

Fulintan heshiisyadan ayaa waxaa loo xilsaaray guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dowladood kuwaas oo yeelan doona kulamo joogto ah. Waa heshiisyadii ugu ballaarnaa ee ay galaan taniyo markii uu soo bilowday xiriirka labada dawladood.

Dhanke kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa galinkii hore kormeeray warshadda lacagta, gaar ahaan kayd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya oo hawsheedu ay soo bilaabatay 2011kii iyo warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada.

Dhammaad