Tiro Al-shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Baay

Date:

Muqdisho-(SONNA)-Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Maraykanka ayaa duqeeyay fariimiso ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanno ka mid ah Gobolka Baay.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaasoo lala eegtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa intaa raaciyay in duqaynta oo ka dhacday meel 100 Mayl u jirta Caasimadda Muqdisha kana tirsan Gobolka Baay ay ku dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wax faahfaahin ah lagama bixin haddii ay ku jiraan hor-joogayaal sare.

Hadafka duqaynta laga lahaa ayuu talisku ku sheegay ka hortagga haliska ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-shabaab ku hayaan Gobolka iyo guud ahaan Caalamka intiisa kale.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay iney sii socon doonaan howl gallada lagu baacsanaya Argagixisada, iyadoo ay weerarradaasina qayb ka yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...