Kulan Dadweyne Oo Lagu Qabtay Degmada Heliwaa+Sawirro

Date:

Kulan dadweyne oo looga hadlay sidii bulshada isaga kaashan laheyd ka hortagga weerar lamid ah midkii 14 Oct ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Kulanka oo qeyb ka ah barnaamijyo wacyigalin ah oo loogu magacdaray Samawade kana socda degmooyinka gobalka banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha degmada Heliwaan, ku xigeenadiisa, guddoomiyaha ururka haweenka gobalka banaadir iyo boqolaal kamid ah dadweynaha degmada Heliwaa.

Leyla Coloow Calasoow oo kamid ah haweenka degmada oo kahadashay furitaanka kulanka ayaa xustay in habeen walba ay ku calwasaaddo naxdinta weerarkii dadka badan ay ku halaagsameen ee ka dhacay wadada mashquulka badan ee Zoobe, waxayna sheegtay in loo baahanyahay la shaqeynta hay’adaha Amniga si looga hortago qatar walbo oo nabadgalyada deegaanka waxyeeli karto.

Guddoomiye ku xigeenka nabadgalyada degmada Heliwaa Abshir Maxamed Maxamuud oo dadweynaha lahadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay dabooli lahaayeen baahiyaha bulshada ee xagga nabadgalyada, isagoo hadalkiisa raaciyay in Heliwaa ay tahay dagmo ka ammaan badan dagmooyinka kale oo gobalka banaadir.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab oo kamid aheyd mas’uuliyiintii la hadashay dadweynaha ayaa ammaantay barnaamijka wacyigalinta bulshada ee Samawade, iyadoo soo hadalqaaday caqabadaha dhinaca amniga ee ka jira gobalka banaadir iyo sida looga gudbi karo.

“caqabado badan oo ay muhiim tahay in wax laga badalayo ayaa jiro, tusaale ahaan degmada Heliwaa baaxad ahaan wey weyntahay, waxay ay laf-dhabar u tahay amniga magaalada, malahan ciidan amni oo ku filan dagmada, iyadoo tabardaridaas jirto ayaa hadana ciidamada yar ee jooga saldhiga loo daad-gureeyaa goobo ka baxsan dagmada oo howlgal ama shaqooyin kale ay ka socdaan, iyadoon taas xal loo helin caqabaddu wey jiri doontaa” ayay hadalkeeda raacisay Jawaahir.

Guddoomiyaha demgada Heliwaa Cabdixakiim Cumar Cabdulle oo kulanka soo gunaanaday ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Zoobe, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagmadu ay nabadgalyo ka jirto howlo badan oo bulshada ammaankeeda lagu sugayana ay qabteen.

Mudane Cabdixakiim ayaa bulshada deegaanka ku boorriyay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago kooxaha isku dayaya in ay qalqalgaliyaan nabadgalyada dagmada, taasna ay ku imaan karto muujinta wadashaqeyne joogta ah oo ficil loo badalay.

Gabagabadii kulanka waxaa loogu duceeyay dadkii sida xaqdarada aheyd loogu xasuuqay Qaraxii Zoobe, iyadoo ka qeybgalayaasha kulankaasina ay ballanqaadeen in ay diyaar u yihiin la shaqeynta laamaha Amniga, iyagoo muujiyay sida ay uga xunyihiin in dad muslim ah lagu dilo xaqdarro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale