Galmudug oo dar dar gelineyso howlaha shaqo ee Garoomada diyaaradaha

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasaarada Gadiidka  Cirka iyo Dhulka Galmudug ayaa sheegtay in la dar dar galin doono howlaha shaqo ee garoomada diyaaradaha ee ku yaala deeganada Galmudug kadib kormeer wafdi uu horkacayo wasiirka wasaaradaasi ay ku tageen Qaar ka mida Garoomada Diyaaradaha ee Ku
yaala magaalooyinka GAalkacyo Iyo Hobyo.

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa mid ku saabsanaa uu kuurgalida sida ay usocdaan howlaha shaqo iyo tayada dhismaha Garoomada Diyaaradaha ee Ku yaala deegaanada Galmudug qaarkood ayaa waxaa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Galmudug C/laahi Cali Maxamed (C/llaahi Airpor) oo ay wehliyaan xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka mida kuwa wasaaradaasi waxa ay ku tageen Garoonka diyaaradaha OSHACO ee Magaalada Galkacyo iyo Garoonka Diyaaradaha Dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay kormeerka ku guda jireen waxaa ay warbixino la xariira howlaha shaqo ka dhageeysteen howlwadeenada iyo masuuliyiinta garoomadaasi isagoo sidoo kalana indha indheeyn iyo qiimeeyn ku  ku sameeyay Tayada Garoomadaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale intii ay kormeerkooda ku guda jireen waxa uu wax ka weydiiyay qaar ka mida duuliyayaasha wada diyaaradaha isticmaala garoomadaasi in ay jiraan dhibaatooyin ay kala kulmaanmarka ay kacayaan ama ay dagayaan diyaaradahoodu wadada ay diyaaraduhu ku dagaan kuwaasi oo sheegay in ay jiraan caqabado yar yar oo ubaahan in wax laga qabto maadaama lagu guda jiro xilli roobaad.

Kormeerkaan oo qaatay muddo dhowr maalmood ah ayaa markii usooidlaaday waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiirka wasaaradaGaadiidka Cirka iyo Dhulka  dowlada Galmudug C/laahi Maxamed Cali (C/llaahi Airpor) waxaana uu faah faahin dheer ka bixiyay ujeedka kormeerkooda iyo qorshayaasha Wasaarada ee ku aadan sare u qaadista howlaha shaqo iyo tayeeynta Garoomada diyaaradaha ku yaala guud ahaan Deegaanada Galmudug waxaana uu sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu hagaajinayo laguna tayeeynayo howlaha shaqo ee garoomada  sidoo kalanaay dayactir ku sameeyn doonaan ka wasaarad ahaan Dhamaan Garoomada Diyaaradaha ee ku yaala Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...