Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

Date:

Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Maraykanka ayaa duqeeyay fariimiso ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanno ka mid ah Gobolka Baay.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaasoo lala eegtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa intaa raaciyay in duqaynta oo ka dhacday meel 100 Mayl u jirta Caasimadda Muqdisha kana tirsan Gobolka Baay ay ku dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wax faahfaahin ah lagama bixin haddii ay ku jiraan hor-joogayaal sare.

Hadafka duqaynta laga lahaa ayuu talisku ku sheegay ka hortagga haliska ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-shabaab ku hayaan Gobolka iyo guud ahaan Caalamka intiisa kale.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay iney sii socon doonaan howl gallada lagu baacsanaya Argagixisada, iyadoo ay weerarradaasina qayb ka yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...