Home Blog Page 1447

Guddigii Dhaqaalaha ka soo uruuriyay Soomaalida Kenya oo Muqdisho soo gaaray+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalka Kenya ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo ka mid ah guddiga Gurmadka Qaran ee Musiibadii Zoobe.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa hoggaaminayay guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, waxayna kulamo la qaadan doonaan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Lacagtan ayaa lagu wareejin doonaa Guddiga Gurmadka Qaran si loo gaarsiiyo dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii Soobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday shacab aan waxbo galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka iyo dibada ayaa si weyn ugu gurmaday dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Soobe, iyadoo sidoo kale dowlada Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaateen sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhaawacyada culus ay soo gaareen.

Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii loo cirib tiri lahaa Arggagixisada Shabaab,iyadoo kaashanaysa taageerada ay siinayaan Saaxiibada Caalamka,iyo howlgalka Midowga Africa ee Amisom.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka oo nugul kamid ah uu soo gaarey Wakaaladda SONNA ayaa lagu yiri.

“Weerarada dhanka circa ah iyo howlgalada Militari ee ka socda Soomaaliya waa kuwo aad looga baaran degay,madaxdana waxay doonayaan in aan waxba la gaarsiin shacabka,weerarkasta oo dhaca,si shacabka bad baado ay u helaan”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Wasiirka Warfafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen ciidanka Xoogga Dalka oo wada howlgaladaasi waxaana uu yiri”

“Nuguma filna in aan dhahno waad mahadsantihiin oo kaliya tageerada aad muujiseen qarixii ka dhacay Soobe 14kii October,in la helo taageerada iyo maskasda Shacabka waa furaha guusha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,dowladda Soomaaliyana waxaa ay wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab,sida duqeynta circa ah si looja jawaabo mashaqadii ay Shacabka u geysteen”. Ayuu yiri Wasiir En Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybohooda kaladuwan oo kaashanaya Ciidamada Amisom ay dalka ka xoreyn doonaan Alshabaab,iyagoo sidoo kale kaashanaya Saaxiibada Caalamka.

Militariga Zimbabwe oo digniin culus ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Xisbiga ZANU.PF

0

Zimbabwe(SONNA) Taliyaha ugu sareeya ee Ciidamada Militariga Wadanka Zimbabwe Janaraal Constantino Chiwenga ayaa ka digay in faragelin milateri lagu sameeyo dagaalka siyaasadeed ee ka dhex taagan xisbiga haya talada waddankaasi ee ZANU-PF,taasi oo suurogal noqon karta hadii xisaddu ay sii socoto.

Didgiinta Janaraalka ugu sareeya Militariga Dalkaasi ayaa imanaysa maalmo kaddib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilkii ka qaaday ninkii ay u badneyd inuu xilka isaga ka badelo, madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa,waxaana arrintaasi ay sii kordhisay xisadii taagnayd.

Waxaa muddo dheer ka dib bannaanka u soo baxay Dagaalka loogu jiro cidda badalaysa Madaxweynaha 93 jirka ah ee Robert Mugabe,kaasi oo I haatan doonayn inuu xilka banneeyo,balse dhanka kale loo malaynayaa in Mr Mugabe uu u meeldayayo xaaskiiska Grace.

Madaxweyne Robert Mogabe ayaa  xilkii ka qaaday siyaasi la is lahaa waa uu badeli doonaa waa Emmerson Mnangagwa ee, isagoo ku eedeeyay inuu galay khiyaano qaran,taasi oo dhacday Todobaadkii la soo dhaafay.

Mr Mnangagwa oo ah ninka xilka laga qaaday ayaa wararku waxaa ay sheegayan in uu u baxsaday dalka dibaddiisa, Mugabe-na waxa uu wacad ku maray inuu xididada u siibi doono saaxiibadii.

Janaraal Constantino Chiwenga ayaa haatan u muuqda inuu soo dhexgalayo qalalaasahan siyaasadeed.

Taliyaha milateriga Zimbabwe ayaa sheegay in xilkaqaadista ka dhex socoto xisbiga Zanu-PF ee lagu bartilmaameedsanayo dadkii ka soo qeyb qaatay halgankii xornimo doonka ay tahay in la joojiyo.

Madaxweyne Mogabe oo 93 jir ah ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay madaxweynaha ugu aqoonta badan madaxda Caalamka,waxaan waxbarashadiisa uu ku qaatay jaamacado iyo xarumo waxbarasho oo kala duwan oo ku kala yaala wadamo badan oo Caalamka katirsan,waana qof inta badan si weyn u dhaliila siyaasadda wadamada Reer Galbeedka.

Tirinta codadka doorashadii Soomaaliland oo socota

0

Somaliland(SONNA) In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddex musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Guddiga doorashada ee Somaliland ee NEC ayaa sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Somaliland oo yeelan doonto madaxweynihii shanaad ayaa shantii sanaba mar qabato doorasho madaxtinimo.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muuse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Waxaa ku sugan Soomaaliland kormeerayaal caalami ah kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimo ee Soomaaliland.

Waxaa laga dhursugaya natiijada ka soo bixidoonta tirinta codadka iyadoo xisbi kasta iyo taageerayaashiisa ay rajo ka qabaan midkasta in uu guusha dooorashadaasi uu helo.

Markii tirinta codadka ay billaabatay, waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, WhatsApp, iyo Twitter.

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

 

 

Ra’iisul Wasaare Khayre “Haweenka Soomaaliyeed waa inay hormuud u noqdaan xoreynta dalka

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Tabbabar loo furay

0

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa loo tababbarayaa in ay dajiyaan Qorshaha Wasaaradda ay ku shaqeyn doonto Sanadaha soo socda, waxaana tababbarka siinaya Macalimiin Ajaanib iyo Soomaali waxaana kaalin wanaagsan ka qaadanaya Hey’adda UNDP oo Soomaaliya arrimo badan ka taageerta.

Furitaanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Al Cadaala” ayaa sheegay in looga baahan yahay Shaqaalaha inay si wanaagsan uga faa’iideystaan Casharadda lasiinayo.

“Waxaan idinka rabnaa in aad si wanaagsan uga faa’iideysataan Tababarkan waxaad tihiin kuwo muhiim u ah Wasaaradda iyo Qorshaha ay leedahay waana sababta badankiin leydiin soo xushay”.ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Xogayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Cabdi Diirshi ayaa waxa uu sheegay in mudooyinkaanba laga soo shaqeynayey in Tababarkan labilaabo balse maanta suurto gashay.

“Arrintan waxaa si-gaar ah uga shaqeeyey Wasaaaradda Warfaafinta inagana gacan ayaan ku siinay runtii waxaa jiray Koox ay Wasaaradda Warfaafinta u soo dirtay Wasaaradda Qorsheynta kuwaas ayaana hirgaliyey arrintan”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa tilmaamay in Wasaaradda Warfaafinta ay kamid tahay Wasaaradaha ugu shaqadda badan loona baahan yahay inay Shaqaalaheedu noqdaan kuwo dhankasta ka dhisan.

“Waxaan ku kalsoonahay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta inay yihiin kuwo howl kar ah kuwaas oo ka faa’iideysan kara Tababarkan aadka muhiimka inoogu ah”.ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Tababbarkan waa waxaa uu socon doonaa sida uu Qorshuhu yahay mudo Seddex maalin ah waxaana lagu bixinayaa Cashiro ku aadanka hormarinta Qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha oo ka qeybgalay daah furka taageerrada haweenka ee ciidammada qalabka sida

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

R/Wasaaraha XFS”Haweenku waa badbaadiyaasha Qaranka,mana aqabalidoono in Shabaab ay dadka laayaan”

0

Muqdisho(SONNA) Munaasabadani oo ujeedkeedu ahaa  Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee taageerada howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana siweyn looga hadlay sidii dalka looga bad baadin lahaa cadowga.

Waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Wasiiro katirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Sooomaaliya,haween saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysaa gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Alshabaab.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye,masuuliyiin kale iyo haween uu halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan ciidamada Qalabka sida oo dagaalka kula jira Alshabaab.

“Waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno ciidanka,waxaan ka daba qaadaynaa biyaha iyo caanaha,Shabaab uma dulqaadan doono dhibaatada uu shacabka ku hayaao,waxaan doonaynaa in dalka laga xoreeyo cadowga”.sidaasina waxaa yiri haweenkii halkaasi hada;lada ka jeediyay.

R’aiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay ayaa ku ammanay haweenka Soomaaliyeed dowrka ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo bad baadinta Qaranka.

“Haweenka Soomaaliyeed waa bad baadiyaasha Qaranka,waa lafdhabarkii umadda Soomaaliyeed,iskama dhahaayo eeTaariikhda ayaa qoraysa,marka iyadoo taasi ay jirto ma waxaan aqbalaynaa in shabaab dadku ay gumaadaan,Shabaab wuxuu doonayaa in dadka la xasuuqo,wuxuu ka soo horjeeda jiritaanka Umdda Soomaaliyeed,wuxuuna wataa Shisheeye,sidoo kale waxaan aqbali doonin in Dowladnimada laga leexiyo dariiqeeda,Dowladdiid iyo Shabaab waa isku mid”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday dhamaan shacabka Somaaliyeed gaar ahaan haweenka in taageero dhab ah oo geesinimo ku dheehan ay lagarab istaagan Dowladda Soomaaliya, si loga guuleysto cadowga umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Ololaha taageerada Haweenka ee Howlgalka ciidamada Qalabka Sida

0

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Xildhibaano iyo xubno kala ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay ololaha taageerada Haweenka ee howlgalka ciidamada Qalabka sida.

Munaasabadda waxaa kaloo ka soo qeyb galay qeybaha bulshada waxaana xafladda lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumayso gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Xildhibaanada Haweenka ee Golaha shacabka oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhiiri gelinta ciidamada qalabka sida, ayna soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ku siineysa howsha.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in haweenku ay mar waliba diyaar u yihiin garab istaaga ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isla markaana aysan ka daali doonin guubaabinta ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay casuumadda ay ka muuqato wadaniyad.

“Waxaan isugu nimid inaan ka wada hadalno Mustaqbalka Soomaaliya, waxaad halkan iigu yeertaan inaan arko doorka haweenka Soomaaliyeed, doorka ay haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalkan iyo jiritaankiisa waxaa tusaale inoogu filan qeybti ay ka soo qaateen laga soo bilaabo markii aan xornimada qaadanay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Maanta waxaan u baahanahay kumaan Xaawo Taako, waxaa la hubaa oo la ogyahay in hooyooyinka Soomaaliyeed ay yihiin ayna ahaan doonaan badbaadiyeyaasha Qaranka, waxaa la ogyahay inay Nabadda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in cadaaladda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in raggu ka wadaniyadsanyihiin”.

“Waxaan ku faraxsanahay in 30% haweenku ay Baarlamaanka qeyb ku leeyihiin, balse waxaa la idinka rabaa inaad diidaan wixii hadda ka dambeeya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Waxaan idin sheegaya in dalalka dunida ugu horumarsan iyo dalalka ugu dhaqaalaha badan ee adduunka aad aragtaan, waxaa lagu gaaray ilaalinta xaquuqda haweenka, marka waxaan rabaa in raggu ay ogaadaan sirta nolosha oo la dhowro xaquuqda dumarka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haweenkii ka qeyb galay kulanka ku guubaabiyay inaysan dhex dhexaad ka noqon in cadowga uu degaan ka dhigto Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan caawa idin sheego waxa aan ka hadlayno ma ahan, hal qof iyo hal gobol, waxaan ka hadleynaa masiirka Ummadda Soomaaliyeed, waxa laga hadlayo waa idinka mustaqbalkiina, waxaana la idinka rabaa inaad cod dheer ku taageertaan sidii dalka looga xoreyn lahaa cadowga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Waxaan la dagaallameynaa caddowga Ummadda Soomaaliyeed oo ah Al-Shabaab, Shabaabku calan ma wadaagi karno waayo waxa ay gubaan calanka baluugga ah oo dad badani u soo dhinteen, Shabaabku dhul lama wadaadi karno, waayo waxa ay aaminsanyihiin in dhulka ay nala leeyihiin ajaanib dooneyso inay Ummaddan xasuuqdo, marka ma jirto wax aan wadaagi karno argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin Qaranimo iyo inay cadowga ka sifeeyaan dalkooda, isagoo intaa ku daray in dowladdu ay u baahantahay shacab garab taagan oo ka qeyb qaata howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in Madaxda Qaranka ay ka soo bixi doonaan kaalinta looga baahanyahay, shacabkuna laga rabo inay dhankooda ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan horumarinta dalka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowlad diidka iyo Shabaabku aysan wax farqi ah u dhexeyn, waxaana uu taliyaha Xoogga dalka ku amray in uu xafiiskiisa u furo haweenka sidii ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada qalabka sida.

“Ka daalimeyno inaan cadowga iska difaacno, maka niyad jabeyno inaan ilaalino sharafta iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa ku soo xiray.

 

 

 

 

 

R/Wasaare Khayre oo ka qeyb-galaya Munaasabadda Ololaha Haweenku ay ku taageerayan Ciidanka XD oo Muqdisho ka oscota

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka bilaabatay Munaasabad ku saabsan Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee taageeridda howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan ayaa haatan si toos ah uga soconaysa magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb-galaya  munaasabadani Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Wasiiro katirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Sooomaaliya,haween saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigaya suugaan ka tarjumaysaa gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Alshabaab.

Waxaa lafilayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu khudbad ka jeediyomunaasabadda,isagoo ka hadlidoona muhiimadda ay leedahay in la garab istaago ciidamada,islamarkaana ka hadlidoona dagaalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab.