Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira iyadoo dowlada Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Madeira, ayaa sheegay in Deeq ka kooban Bariis, Sokor, Digir, Saliid iyo noocyo kale oo Raashin ah ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo guddoonsiiyey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS, Mudane Maxamed Macalin.
Danjire Fransisco Madeira, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaan ay ka timid Midowga Afrika, waxaana uu xusay in loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.
Danjre Madeira ayaa Barrtiisa Twitter-ka ku qoray in deeqda ka timid Midowga Afrika ee loo soo diray Soomaaliya ay tahay 67 tan, Qarash ahaana ay ku baxday Lacag dhan 100,000 oo Lacagta Mareykanka ah, isagoo tilmaamay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.
Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada Wadan.
Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya iyo Safiirka ayaa kulankooda inta uu socday ka wada hadlay isku xirka Baarlamaanada Soomaaliya iyo Shiinaha , mashaariicda lagu horumarinayo Golaha Shacabka Soomaaliya iyo arrimo kale sida kulanka ka dib uu warbaahinta Dowladda u sheegay Cabdi kariin Xaaji Cabdi buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira, iyadoo Dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.
Muqdisho (SONNA) Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Madeira, ayaa sheegay in Deeq ka kooban Bariis, Sokor, Digir, Saliid iyo noocyo kale oo Raashin ah ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo guddoonsiiyey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS, Mudane Maxamed Macalin.
Danjire Fransisco Madeira, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaan ay katimid Midowga Afrika, waxaana uu xusay in loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.
Danjre Madeira ayaa Barrtiisa Twitter-ka ku qoray in deeqda ka timid Midowga Afrika ee loo soo diray Soomaaliya ay tahay 67 tan, Qarash ahaana ay ku baxday Lacag dhan 100,000 oo Lacagta Mareykanka ah, isagoo tilmaamay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.
Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow, ayaa isagoo la hadlayey Warbaahinta Dowladda ka warbixiyey qaar kamid shaqaalaha wasaaradaasi oo maanta tababar loogu soo gabagabeeyey Magaaladda Muqdisho.
ku dhowaad 20 kamid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa soo loo gabagebeeyay tababbar kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, Wasiir Saalim ayaana sheegay in ujjeedka tababarkaasi uu yahay siddii sare loogu qaadi lahaa aqoonta Shaqaalaha wasaaradda, isagoo Shaqaalaha ku adkeeyay in ay ku dadaalayaan sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda, isla markaana madaxda wasaaraddu arrintaas ku gacan siin doonaan.
Tababbarka ayaa shaqaalahan u socday muddo ku siman toddobaad, waxaana uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayaynayo dhammaan shaqaalaha wasaaradda sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda.
Muqdisho (SONNA) Maalintii labaad waxaa dalka Kenya uga socda ku dhawaad 40 shaqaale oo ka socda Agaasinka Qorsheynta Wasaaraddaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Tababar lagu baranayo hab-raaca samaynta qorshe istiraatiiji ah, inta uu socdana waxaayabaha diirada la saarayo waxaa ka mid ah, udiyaar garoobidda qoridda qarashaha,Dejinta nimaadka guud ee lagu qorayo qarashe, Qiimeynta xaalka iyo marxaladaha dalka ka jira iyo Qeexidda arrimaha aasaasiga ee isiraatiijiga dalka horyaala,
Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay Warbaahinta qaranka Somaaliyeed ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay shaqaalaha ka kala socda agaasinka Qorsheynta ee Federaalka.
“Shaqaalaha waxaa u kala caddaaday manta tillaabooyinka guud iyo hab-raaca loo maro dejinta Qorshe Qaran, mid Wasaaradeed iyo mid Waaxeed, wasaaradda qorsheynta tababaradda noocan oo kale ay dalka faa”iideyda ugu jirta waa kuwa ay aad u soo dhaweynso, waxaan u mahadcelinaynaa Urar Gobaaleedka IGAD,iyo Midowga Yurub oo iska kaashaday qabsoomida tababrkan”
Madaxa xafiiska Barnaamijyada Somaaliya ee urur Gobaaledka IGAD Moges Ali ayaa sheegay in tababrkan uu muhiim u yahay wasaaraddaha dowladda federaalka,
“Sababatan aan u qabanay tbabarkana waxaa ay tahay sidii aan kor u qaadi lahayn aqoonta shaqaalaha dowladda fedralka soomaaliya oo ah kuwa la jaan qaadi karo socadsiinta qorshaha dalka somaaliya anaga waxana auga faraxsanahay sida wanagsan ee dooda u dhaceyso waa mid aad u wanaagsan oo ay kala faa”iideysanaa ka qeyb galaaysha tababrka”
Tababarakan ayaa maalintii shalay waxaa si rasmi ah u furay masuulayiin ka socday Safaaradda Somaaliya, Xubna ka kala socday Wasaaradda arrimaha dibada dalka Kenya, Urur Gobaaledka IGAD iyo Masuul ka socday Midowga yurub,iyadoo uu socan doona mudo shan maalin ah.
Muqdisho (SONNA) Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Laamaha Amaanka soomaaliya ay ku guulaysteen Xasilinta Amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
Axmed Maxamuud Sayid Carab afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay taasi ku timid wadashaqeynta Shacabka iyo hay’addaha Amaanka qaranka loona baahan yahay in laga hor tago waxkasta oo kasoo hor jeeda hanaanka Amniga Dalka.
Afhayeenka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ayna garab siiyaan laamaha Amniga qaranka taasoo uu sheegay in ay horseedayso in dalka uu gaaro Amni buuxa lagana hortago falalka guracan ee nabad diidka Al shabaab u gaystaan dadka rayidka ah.
Munasabadaan oo lagu xusayey 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii dalka Uganda uu ka xoroobey gumeystihii Ingiriiska ayaa maanta lagu qabtay xarunta safaradda Uganda ee magalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre, Wasiiro, Xildhibaanno iyo safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya.
Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya ayaa xustay in Soomaaliya iyo Uganda uu ka dhaxeeyo xariir soo jireen ah, kuna dhisan iskaashi qota dheer, tasina ay keentay in ciidamadeenu ay ka qayb qataan Nabadeynta Soomaaliya oo hadda ka jirta xaalad wanaagsan oo an ugu hambalyeynayo dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali ayaa dowladda iyo shacabka Uganda u diray Hambalyo uu ka siday Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in loo bahan yahay in sare loo qado qiyamka Afrika oo ah riyooyinkii Awooweyaasheenna.
“55 sano markii calanka Uganda laga taagay magaalada Kampala oo ku soo biirtay dalal Soomalida ka mid tahay oo ka xoroobay gumeystihii, ka Afrikaan ahaan xoriyadda dalalkeena ayay noo tahay mid qiimo weyn noo leh, maantana waxaan halkaan ka xuseynaa Aabiyaashii aas aasay xoriyadda maanta, kuwaas oo u istaagay in ay wax kasta u bixiyaan sidii loo heli lahaa dowladnimada anaga leenahay.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa yiri “Waxaana la joogaa waqtigii aan u istaagi laheyn, waxa aan xaqa u leenahay si aan u dhabeyno qiyamkeena oo ah Afriaanimada, dowladda Uganda waxa ay ku leedahay qeyb kamid ah taariikhda Soomaaliya maadaama ay caawisay Soomaaliya arintaas ayaana anaga ugu mahad naqaynaa”.
“Markii dowladda Uganda ay go’aansatay in ciidankeeda keento Soomaaliya 2007, Ciidankaas geesiyaasha ah oo la shaqeynaya kuwa Soomaalida iyo dalalka kale ee ciidanka ku deeqay, waxaa ay ka shaqeeyeen sidii Nabada iyo xasiloonida loogu soo celin lahaa dalka oo muddo dheer oo deganaansho la’aan ah soo martay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadalkiisa ku daray “Waxaan ugu mahadnaqeynaa arrintaas oo micno weyn noogu fadhisa, maanta anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan garowsanahay qiimaha ay na siiyeen dhammaan ciidanka ajnabiga ah oo naftodoa ku waayay safarka Nabad u raadinta Soomaaliya”.
Taliyaha Ciidanka Amisom Cusmaan Nuur Subagle sheegay in Soomaaliya ay tahay Hooyada xoraynta Africa, ciidamada ka socda Midowga Africa ay yihiin kuwa gudanaya abaalkii ay horay ugu samaysay dowladda Soomaaliya.