Deeq lacageed oo bulshada Xudur ka timid oo lagu wareejiyay guddiga Gurmad Qaran-Sawirro

Date:

Xudur(SONNA)-Dhalinyarada iyo ganacsatada magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ayaa markii ay dhacday musiibadii 14 October ee dadka badan ku geeriyoodeen waxaa ay u istaageen sidii qeyb ugu qaadan lahaayeen dadkii ku waxyeeloobay musiibadaas.
Olole dhaqaale, aruurin ah oo ay hormuud u ahaayeen dhalinyarada magaaladaas ayaa laga bilaabay xaafadaha iyo qeybaha kale ee magaalada Xudur, ayagoo sidoo kale adeegsaday Idaacad FM ah oo magaalada Xudur ka shaqeysa.

Dhalinyarada ayaa aruuriyay lacag badan, waxaana maanta lagu wareejiyay guddiga gurmad qaran lacag dhan $ 3771 taas oo uu wakiil ka ahaa Cali C/raxmaan Aadan oo ka tirsan warbaahinta dowladda.

Xasan Maxbuub Mursal, oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolka Bakool isla markaana kamid ahaa wakiilada lacagta wareejiyay ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Xudur iyo guud ahaan gobolka ay dhibaato weyn kala kulmeen Al-shabaab taa oo ay jirtana isku dayeen in ay caawiyaan walalahooda dhibaateysan.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee guddiga gurmad qaran, C/laahi Maxamed Shirwac  ayaa lacagtaas ka gudoomay wakiilada, waxaana uu sheeegay in ay gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay ee dhibaniyaasha ah.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...