Maxaad ka taqaanaa Degmada Warshiiq warbixin

Date:

Muqdisho(SONNA) Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo qayaas ahaantii 65 KM ujirta magaalada Muqdisho,waa degmo qadiimi ah oo soo jirtay boqolaal sano ka hor,waxay kamid ahayd degmooyinkii laga xoreeeyey Shabaab muddo sanado ah ka hor,tan iyoxiligaasi degmada waxaa jiray baahiyo dhanka adeegyada bulshada ah.

Dhaqaalaha degmada ayaa ku tiirsan dhaqashada xoolaha iyo ka ganacsiga Kalluunka,waxaa sidoo kale soo wehliyo wax soo saarka beeraha balse aan sidaasi u buurnayn.

Degmada Warshiiq iyo tuulooyinka hoostaga ayaa haatan sameynaya horumaro kaladuwan,hase ahaatee waxaa weli muuqata in ay jiraan baahiyo loo qabo adeegyada bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada,waxaana jira goobo waxbarasho aan sidaasi u ballaarnayn.

Hadaba iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii loo horumarin lahaa bulshada gaar ahaan dhanka waxbarashada,dhawaan waxaa tuulada Qeyloweyne oo hoostagta degmada Warshiiq laga hirgeliyay iskuul Hoose Dhexe kaasi oo loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan bulshada deegaankaasi,waxaana hirgelisay Hay’adda Gifty of The Givers oo laga leeyahay dalka Koonfur Africa taasi oo ka shaqeysa daryeelka bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhexe Axmed Xuseen Axmed(SHiidka) ayaa uga mahadceliyay hay’adaasi dadaalkeedi ku aadan isgarabtaaba bulshada,isagoo xusay in ay jiraan baahiyo loo adeegyada muhiimka ah oo ay bulshadu u baahanyihiin.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...