Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddiga difaaca ee golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta la kulmay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, kulaankaas oo daba socda kulamo xariir ah oo maalmahaan Guddiga uu la lahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa looga hadlay sida ugu habboon ee dib u qaabeyn loogu sameyn karo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo siddii loo kordhin lahaa howlgalada dalka looga xoreynayo kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

Guddiga Maaliyadda, ayaa Sidoo kale la kulmay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,  iyagoona ka wadahadlay Xisaab xirka Miisaaniyada 2016-ka ee Qaranka.

Ugu Danbayntii Guddiga Gaadiidka, ayaa iyana yeeshay kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah, waxaana looga hadlay Dajinta Qorshe howleedka Guddiga iyo la kulanka ilaa Afar Wasaaradood oo uu Guddiga ku leeyahay kor-joogtayn-tooda.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...