Home Blog Page 1424

Boqorka Marocco oo ugu Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Qaraxii Zoobe

0

Rabad-(SONNA)– Boqorka dalka Morocco Maxamed Lixaad ayaa dhambaal tacsi ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Mahamed Abdulaahi Maxamed Farmaajo weerarkii wuxuushnimada ahaa oo ay kooxda xaqjirka ah ee Al-Shabaab ku laayeen 14-kii bishan ilaa 300 oo Qof, tiro intaa ka badan ay ku dhaawaceen.

Boqorka ayaa dhambaalkiisa ku xusay in isagoo ku hadlayo magaciisa, kan xukuumadda iyo midka shaacabka Marocco uu aad ugu xun yahay dhacdadaasi ay ku nafwaayeen dad maato ah oo aan waxba galabsan,wuxuuna falkaasi lagu laayay dadkaasi ku tilmaamay mid argagixiso ah , kana soo horjeeeda qiyamka insaaniga ah iyo diinteyna muqadaaska ah.

Bqorka dalka Marocco ayaa tacsiyadaa uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya uu Eebe ugu baryay dadkii dhacdadaasi ku geeriyooday inuu naxriistiisa ka waraabyo eheladii iyo qoysaskii ay ka tagayna uu ka siyo Samir iyo Iimaan .Amiin.

 27- sano kadib Diyaaradaha Ganacsiga Sacuudiga oo gaaray Ciraaq

0

Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Nas ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay  in Diyaarad ganacsi oo laga leeyahay dalkaasi kana tagtay magaalada Riyaad ay markii u horeysay muddo 27 sano ah ka degtay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Boqortooyada sacuudoiga ayaa waxa ay si rasmi ah u joojisay Duulimaadyadii Diyaaradaheeda Ciraaq sanadkii 1990-kii xiligaasi oo ku beegneyd markii Madaxweynihii hore ee ciraaq Sadam Husen uu weeraray dalka Kuweyt .

Labada dal dhawaan ku heshiyeen in dib loo furo  marinka u dhaxeeya oo la xiray sanadkii 1990, dhanka kale shirkadda Diyaaradaha Nas ee Sacuudiga ayaa sheegtay  inay qorsheynayso dulimaadyo kale oo ay shirkadaheeda diyaaradaha ku tagaan magaalooyin kale oo ka tikrsan dalka ciraaq.

Sacuudiga iyo Ciraaq ayaa dhawaan bilaabay inay dib u soo ceshadaan xiriirkooda si ay wadajir ugu wajahan awooda isa sii taraysa ee Iiraan ay ku leedahay Mandiqadaasi.

Madaxda shirkadda Diyaaradda Nas ee Saciidiga  Bandar Al-mihna uu sheegay in talaabadan ay shirkadiisu qaaday ay tahay mid albaabada u fureysa siina xoojinaysa xiriirka labada dal ee carbeed.

 

Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo lagu aasayo dalka India

0

Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin lagu aasayo dalka India.

Wasiiru dowladaha oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u xajiiyay in kulan ay isugu yimaadeen Senetarada, Xildhibannada golaha Shacabka, Nabadoonada, Ugaasyada iyo Ehelada Marxuumka ay isku afgarteen in Marxuumka lagu aasayo Qabuuraha Muslimiinta ee dalka India.

Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa xusay in madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalka India ay aas Qaran u sameynayaan marxuumka maanta oo khamiis ah, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka India.

Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in tacsi iyo baroor diiq socon doonto muddo saddex cisho ah loogu sameyn doono Muqdisho, isla markaana Xildhibaannada iyo saaxiibadiisa ay la soo xiriiri karaan Eheladiisa, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir, Wasiiru dowlaha, Wasiiru dowlahii hore ee Dastuurka, iyo XildhibaaNnada laba Aqal ee kasoo jeeda beesha uu ka dhashay marxuumka.

Allaha u naxariistee Marxuum Bootaan Ciise Caalin waxa uu Xildhibaanimada ku soo biiray tan iyo dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyadoo marxuumka isla xilligaas soo noqday Wasiirkii hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka.

Banaanbax ka dhan ah Kooxda Argagixisada Shabaab oo ka dhacay dalka Koonfur Africa+(Sawiro)

0

Johannesburg(SONNA) Banaan baxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen urur dhalinyaro ah oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida Koonfur Africa una istaagay in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo kooxaha argagaxisada ay ku xasuuuqeen shacabkii masaakiinta ahaa ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Mayfair ee magaalada Johannesburg.

Dadweyne aad u farabadan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu soo baxay barxadda weyn ee xaafada Soomaalida dagan tahay Mayfair kuwaa oo shaqooyinkooda ka soo tegay isla markaana madax ku soo xirtay marooyin gaduudan oo ay ku muujinayeen dareenka iyo sido kale boorar waa weyn.

Madaxda jaaliyadda Soomaalida iyo shacab kale ayaa goobta hadalo kooban oo u badnaa tacsi ka jeediyay waxaana ay dhamaan ka mideysnaayeen dareenka murugada leh oo ay ka qabaan weerarkii bahalnimada ahaa ee  14-a bishaan kooxaha argagaxisada ay ku qaadeen isgoys-ka Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 300 ruux tiro ka badana ay dhaawacyo ispitaalada la jiifaan.

Inta qudbadaha socdeen waxaa la arkayay haween badan oo ilmeynaya isla markaana wajiyooda laga dheehan karay in dhibaatada iyo diifta ay ku reebtay dhacdadaan naxdinta leh, qaarkood oo warbaahinta qaranka la hadlayna ay sheegeen in tani ay tahay musiibo ku habsatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana hooyooyinka.

Intaasi kadib waxaa ay socod ku soo mareen wadooyinka xaafada Mayfair ayaga oo ku qeylinaya erayo ay kaga soo horjeedaan kooxaha argagaxisada ah ee falkaan foosha xun geysatay waxaana ku jiray erayo ay ka midyihiin”Al-shabaab dooni meyno,nabad diidka dooni meyno,maato laaye dooni meyno”

Sido kale Magaalada Cape Town ayaa Soomaalida ay ka dhigeen banaan bax kan la mid ah ayada oo Soomaalida xaafada Bellville ay isugu timid madrasada Sunna ay Soomaalida ku leedahay magaalada Cape Town.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee Mareykanak iyo dalal badan oo cirka isku sii shareeraya

0

Mareykanka(SONNA) Iyadoo Madaxweynaha mareykanka Donal Jey Trump uu dhawaan si adag uga hadlay arrimaha Nuclearka Iiraan ayaa Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran wuxuu difaacay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la gashay quwadaha waawayn ee Caalamka oo uu kujiro Mareykanka.

Hoggaamiye Ayatollah Cali Khamenei ayaa isticmaalay luuqad adag isaga oo Trump ku tilmaamay nin careysan oo beenaale ah,sida uu shegay isaga oo ku sugan magaalada Tehraan ee caasimadda dalkaasi Iiraan.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran ayaa soo dhaweeyay taageerada midowga Yurub ay u muujiyeen heshiiska Iiraan lala galay,balse madaxweyne Mr Trump ayaa diiday in uu saxiixo heshiiska Iiraan ay la galeen wadamada Dowladaha tunka weyn ee caalamka.

Madaxwayne Trump ayaa ku hanjabay in uu gabi ahaanba meesha ka saari doono heshiiska Iiraan lala galay xiligii uu xukunka hayay madaxwayne Obama.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ku baaqay in isbadal lagu sameeyo heshiiska si looga hortago in iiraan ay samaysato hubka Niyukleerka.

Wadamada kale ee qaybta ka ahaa heshiiska Niyukleerka Iiraan ayaa dhankooda waxa ay muujiyeen in wali heshiiska ay sii wadi doonaan.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa u muuqdaa in uu faraha la galay jahwareer siyaasadeed,tan iyo markii xafiiska uu qabtay waxaa sii xukmaaday xiriirka dib lomaasiyadeed oo mareykanka uu la lahaa caalamka intiisi kale.

Waxaa kamid ah wadamada haatan khilaafka uu kala dhexeyo,Kuuriyada Waqooyi,Iiraan, Ruushka,Turkiga,Cubba,Venezuela iyo wadamo kale oo isugu jira dunida islaamka iyo reer Galbeedka intuba.

Mareykanka oo si adag uga hadlay xasuuqa Rohingya

0

Myanmar(SONNA) Rex Tillerson Xoghayaha arrimaha dibadda ee Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in gaboodfallada dalka Myanmar loogu geystay muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya ay mas,uuliyaddeeda qaadi doonaan hoggaanka millatari ee dalkaasi kajira, kasi oo ku guul dareystay in uu wax ka qabto dhibaatooyinka muslimiinta lagu hayo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mr TillerSon Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in aduunyadu aysan marqaati ka noqon dil wadareedka laga soo sheegayo gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

In ka badan nus milyuun dadka kasoo jeeda qowmiyada Rohingya ayaa ka gudbay xuduuda uu Myanmar la wadaago Bangladesh dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay.

Waxaa lagu soo waramayaa in Dadkan  lafahooda kala carraray gaboodfallo la sheegay in ay millatariga dalkaasi Myanmar kula dhaqaaqeen muslimiinta Rohingya xasuuq ba’an taasi oo dunidu ay ka qeylo dhaamisay.

Hadalka Tillerson ayaa kusoo beegmay kadib warbixin ay qalalaasaha Myanmar kasoo saartay hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Warbixinta oo lagu saleeyay wareyso lala yeeshay in ka badan 100 ruux oo kasoo carartay gobolka ay colaaduhu ka jiraan ee Rakhine, ayaa sheegeysa in ciidamada amaanka ay si ula kac ah u toogteen boqolaal ruux oo ka mid ah dadka Rohingya, halka nolosha lagu gubay waayeelada iyo dadka xanuunsan ee aanan ordi karin ee looga tagay guryaha laga qaxay.

Dadka muslimiinta Rohingya ayaa dowladdu waxay kala noqotay aqoonsigii muwaadinnimo iyadoo sheegtay in jinsiyad ahaan ay ka soo jeedaan dalka Bangaldheesh, kumanaan qof oo ka cararay xasuuqaasi ayaa ku nool xadka ay wadaagaan labada dale e Myanmar iyo Bangaldheesh.

Masar oo looga baroor diiqey dadkii ku waxyeeloobey qarixii Soobe

0

Waxaa sii kordhayay qeylo dhaanta iyo walaaca laga muujinayo xasuuqa Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qarixii bahalnimada ahaa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magalaaad Muqdisho.

Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay kulankaasi Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar iyo Jaaliyadda Soomaalida,kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi murugada leh oo ay ka qabaan gumaadka shacabka ay ku hayaan SHabaab.

Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo Xasan Maxmed Xuseen Muungaab oo soo qabtay xilal kala duwan ayaa ka qeybgalay kulankaasi boqoordiiqa ahaa,waxaana ay ku booriyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda in ay u istaagaan ladagaalanka cadowga,sida uu sheegay Dr C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Jaamacadda Carabta C/qani Wacaysa ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka iyo Dowladda in ay iska kaashadaan sidii looga hor tagi lahaa khataraha cadowga.

“Anagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee halkani kunool waxaan la qeybsanaynaa umadda Soomaaliyeed dhibaatada iyo xanuunkii ku dhacay,waxaan leenahay ha loo midoobo Dowlad iyo shacab sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka Shabaab”, Ayuu yiri Safiir  C/qani Wayas.

Angelino Alfano “Talyaanigu wuxuu rabaa in uu muujiyo taageeradiisa dhammaan qoysaska dhibanayaasha iyo kuwa Ku dhaawacmay Qaraxii Soobe”,

0

Muqdisho(SONNA) Dowladda Talyaaniga ayaa lacag dhan 300,000 oo Euro ugu deeqday Soomaaliya si wax looga qabto dadka waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii wuxuushnimada ay kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka geysteen 14-kii bishan Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay muhiimada deeqdaan lacageed ayaa carabka ku adkeeyay in wax uun ay ka tarto dhibaatada dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdsho.

“Waxaan diyaariyey adeegga Talyaaniga ee gargaarka deg degga ah ee 300,000 oo Euro si ay kaalmo ugu noqoto Ururka Caalamiga ah ee Bisha Cas (FICROSS), qayb ahaan lacagtan waxaa si gaar ah loogu tala galay in wax looga qabto weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Angelino Alfano.

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiir Alfano ayaa Yiri “Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay awoodi doontaa inay lacagtaan ka timid Talyaaniga u adeegsato si ay u siiso daryeel caafimaad kuwa ku dhaawacmay weerarka,”

Sabtidii la soo dhaafay oo ay taariikhda ku beegneyd 14-ka October,wuxuu weerar argagixiso uu ka dhacay Isgoyska Soobe,kaasoo ay ku dhinteen 280-Qof halka ilaa iyo 300-Qof ay ku dhaawacmeen,waxayna Dowladda Talyaaniga shaacisay iney dooneyso muujinta taageerada dhamaan Qoysaska dhibanaasha ah.

Masar oo looga baroor diiqay dadkii ku waxyeelloobay qarixii Soobe

0

Waxaa sii kordhayay qeylo dhaanta iyo walaaca laga muujinayo xasuuqa Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qarixii bahalnimada ahaa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magalaaad Muqdisho.

Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay kulankaasi Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar iyo Jaaliyadda Soomaalida,kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi murugada leh oo ay ka qabaan gumaadka shacabka ay ku hayaan SHabaab.

Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo Xasan Maxmed Xuseen Muungaab oo soo qabtay xilal kala duwan ayaa ka qeybgalay kulankaasi boqoordiiqa ahaa,waxaana ay ku booriyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda in ay u istaagaan ladagaalanka cadowga,sida uu sheegay Dr C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Jaamacadda Carabta C/qani Wacaysa ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka iyo Dowladda in ay iska kaashadaan sidii looga hor tagi lahaa khataraha cadowga.

“Anagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee halkani kunool waxaan la qeybsanaynaa umadda Soomaaliyeed dhibaatada iyo xanuunkii ku dhacay,waxaan leenahay ha loo midoobo Dowlad iyo shacab sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka Shabaab”, Ayuu yiri Safiir  C/qani Wayas.

Madaxweynaha oo dhambaallo tacsi ah ka helay qaar ka mid ah madaxda Caalamka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyayaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka kuwaasi oo muujiyay dareenkooda ku aaaddan mashaqadii 14-kii bishan ka dhacday Muqdisho.

Waxaa ka mid ah madaxda khadka telefoonka kula soo xiriirtay.Madaxweynaha Dalka Turkiga, Suudaan. Ra’iisul Wasaarayaasha Itoobiya iyo Swedan, waxaa sidoo kale madaxweynaha uu helay dhambaallo tacsi ah, oo ka kala yimid Xoghayaha guud ee Q.M. Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka iyo kan Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeybsanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay  Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.