Home Blog Page 1424

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

0

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga  kula kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa sidoo kale magaalada Riyad uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  oo khudbad ka jeediyey shirka  ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

0

Muqdisho (SONNA), Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad soo kabasho oo dhan kasta ah, waxaa soo hagaagaya addeegyada garsoorka, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada kuwaasi oo dhibaato badan dadka shacabka ah ay ku qabi jireen muddo badan.

Qormadaan waxaan ku eegeyaa isbadalka  sida xowliga ah ku socda ee hadda ka hana qaaday  Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ,qeybaheeda  darajadeeda koowaad iyo midda sare  oo ku guuleystay kiisas  culus inay  qaadaan, iyaggoo cadaaladda iyo sharciyadda dalka uu leeyahay aan dhinac mareynin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad  ee C.Q.S, G/sare Xasan Cali Nuur shuute, waxaa xilkaasi loo magacaabay 24 September 2014, biloow ilaa iyo dhammaad waxbarashadiisa dalka ayuu kusoo qaatay, waa dhalinyaro firfircoon oo har iyo habeen u istaagay in saldhigga ay ka duulaan uu noqdo cadaalad iyo in meesha ay ka baxdo qof jecleysi ama  xeer jajab in lagu dhammeeyo kiisaska maxkmadda loo soo gudbiyey.

Garsoorka Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay xaliyaan isbuuc kasta kiis dacwadeed gaaraya Lix ilaa iyo Todobo, kuwaasi oo isugu jira kuwa ay galeen Ciidamada qalabka sida iyo Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab, waxay arrintaasi ku tusineysaa in guddoonka Maxkmadda ay ka go’antahay in la dardar galiyo howlaha Maxkamadda.

Kiis walba meeshii uu ka dhacay ayey maxkamadda tagtaa, si halkaasi xukunka uu uga dhaco, waxaana ognahay  kiisas kala duwan inay ku qaaday qaar kamid ah gobolada dalka sida Maamulada Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Gal-mudug, iyaddoo maxkamadda magaalooyinkaas ay ka fulisay xukuno kala duwan oo ay galeen Askar dowladda ka tirsanaa iyo kuwa Maleeshiyada Alshabaab ka tirsanaa.

Eedeysanaha dambiyada  ciidanka ku saabsan gala waxaa marka hore kiiskiisa qaada Maxkmadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, qareen ayaa loo qabtaa, xeer ilaalinta Maxkamdda ayaa dambiyadii uu galay kusoo oogta, waxaana garsoorka maxkamadda uu dhageystaa kiisaska la keenay, marqaatiyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenada eedeesaneyaasha loo qabtay, iyaddoo dood dheer kadib maxkamadda go’aan ay  ka gaarto kiis dacwadeedka markaasi taagan, sidaasi ayuuna xukunka u dhacaa, intaasi waxaa dheer in qofka la xukumay uu qaadan karo racfaan, si qodobadii lagu eedeeyey dib loogu soo baaro, kiiskaasi ayaana ka gudba maxkamadda darajada koowaad ee CQS, waxaana uu u gudbaa Maxkamadda Sare ee C.Q.S.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, G/sare Xasan Cali nuur Shuute, oo la weydiiyey su’aal aheyd

waxaa la idinku eedeeyaa  dadka eedeysaneyaasha ah in aydan u qaban  qareen difaaca oo iyagga ay keensadeen, balse aad u qabataan qareen dhanka Maxkmadda u janjeera”  isagoo ku jawaabay:-

Arrinta la xiriirta qareenka waa arrin sharci ah, garsoore  ama guddoomiye maxkamadeed sidduu doono kama yeeli karo, waa arrin dastuuri ah, qofka markii dambi lagu eedeeyo waxuu xaq u leeyahay inuu qareen helaa, haddii uu qabsan Karin waxaa waajib ah in dowladda ay u qabato, kiisaska qaar waxaan sameynaa in eedeysanaha aan u qabano labo qareen ah, dacwo hufan  oo cadaalad ah ma dhici kareyso haddii aan la helin cidda eedeysanaha Eedeyneysa oo xeer ilaalinta ah  iyo cidda difaaceyso Eedeysanaha oo qareenkii ah iyo maxkamadda oo ah qoortii labada garab u dhaxeysay” ayuu yiri guddoomiye Shuute

Markii shaqada maxkamadda ay laba jibaarantay waxaa yaraaday kiisaskii tirada badnaa ee waqtiga badan lagu bixin jiray xalintooda, kuwaasi oo ah in loo fariisto dacwad ku saabsan Askari kufsi geeystay, askari qof dilay iyo Askari isbaaro dhigtay, waxaana kiisaska hadda la qaado ay u badan yihiin arrinta maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Alshabaab, taasi oo ku tusineyso in maxkamadda ay la jaan qaaday xaaladda dalka  ee ku saabsan dagaalka ka dhanka ah nabad diidka, waxaana gasha ka baxsan  seefta cadaaladeed ee Maxkamadda, mana jirto cid dambi gashay oo seeftaasi loogu turaayo sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Eedeysaneyaasha racfaanka ka qaata xukunada Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay u gudbaan Maxkamadda sare ee Ciidamada, si looga dheeraado in qofka eedeysanaha ah isaggoo aan ku qanacsaneyn go’aanka Maxkamada xukunkaasi lagu oofiyo, haddaba markii  Maxkamadda sare uu usoo gudbo siddee loo wajahayaa kiiskaas?

Xaaladdiihii maxkmadda darajada koowaad uu kusoo maray  ayuu marayaa mar kale, kiiskiisa ayaa dib loo baarayaa, baaris dheer kadib haddii Maxkamadda ay usoo baxdo in xukunka ku dhacay eedeysanaha ee racfaanka uu ka qaatay uu sax ahaa ay ku xukumeyso isla xukunkaasi mar kale, balse haddii baarista maxkamadda sare ay kusoo baxdo dambiyo kale oo dheeraad ah eedeysanahaasi xukunkiisa ayaa ka adkaanaya kii horey ugu dhacay, dad waxaa jira markii la baaray kiisaskoodii dambi lagu waayey oo la sii daayey” mid kamid ah garsoorayaasha  Maxkmadda ciidamada ayaa siddaasi inoo sheegay .

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in guddoonka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay iska fogeeynayaan in eedeysane la dulmiyo oo dacwo uusan laheyn dusha laga saaro, iyaddoo kii galayna la fasaxayo, arrinta ugu muhiimsan waxaa ah in marqaatiyaasha garsoorka la horkeeno dhammaantood lagu dhaariyo Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxaana la weydiiyaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan kiiska la qaadayo markaasi, si hadalka marqaatiga loo kala saaro oo run iyo been midkuu sheegayo loo hubiyo, dabagalna loogu sameeyo.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, ayaa wacyi galin u sameeya Ciidamada qaranka, waxaana kamid ah in la baro sharciyada muhiimka ah ee Ciidanka iyo ilaalinta anshaxa iyo gudashada waajibaadkooda, si ay uga dheeraadaan wax kasta oo ka hor imaanaya qawaaniinta dalka uu leeyahay.

Lama qarin karo wanaagga maxaa yeelay si dhaqso ah ayuu  ku faafaa, bulshadana uu u gaaraa, Shacabka Soomaaliyeed ayaa xaqiiqsaday in tuhunkii jiray uu dhammaaday oo ay arkeen garsoor u tafaxeytay cadaalad iyo ku dhaqan sharci, waxaana ay fal celintooda noqotay inay boggaadiyaan shaqada adag ee qaranka ay u hayaan, Guddoomiyaha Maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan cali nuur shuute, Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Ciidamada qalabka sida S/guuto Liibaan cali yaroow, garsooreyaasha iyo xeer ilaalinta Maxkamadda.

W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Itoobiya oo xirtay 103-Qof oo la xiriirinayo iska hor imaadka gobolka

0

Muqdisho(SONNA) Dowladda Itoobiya ayaa xirtay 103-Qof oo lala xiriirinayo dagaalo dhawaan ka dhacay Xuduudaha Labada Gobolka ee Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,sida  uu Sarkaal ka tirsan Xukuumadda u sheegay Wakaalada Wararka ee Xinhua.

Isagoo la hadlaayay Wariyaasha, Negeri Lencho, oo ah Wasiirka Warfaafinta  ee Itoobiya (GCAO), ayaa sheegay in la xiray  98-tuhmane oo ka soo jeeda gobolka Oromia iyo shan tuhmane oo ka soo jeeda Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Wuxuu intaas sii raaciyay in xaaladda xudduudaha ee labada dawlad goboleed ay si aad ah u xasiliyeen inkastoo wali ay jiraan xaalado adag.

Dagaal culus oo ka dhacay xuduudda Dowladda Goboleedyada Oromida iyo Soomaalida bishii Sebtembar ee ku saleysnaa Qowmiaydda Labada shacab ayaa galaaftay geerida dad badan halka kumanaan kale ay ku barakaceen.

Xukuumadda Adis-ababa ayaa sidoo kale shaacisay iney qaadeyso talaabo kale oo lagu xakameynayo ganacsiga sharci darrada ah ee qaadka sababo kale oo khilaafka la xiriira.

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo badan oo adkeeya amaanka geysay deegaanadii dhawaan ay ku dagaalameen Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromida ee dega dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyay kulan amniga ku saabsanaa

0

Kismaayo(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (AXmed Madoobe) ayaa maanta shir Guddoomiyay kulanka Golaha Amniga heer Dowlad Goboleed oo noqonaya kii ugu horeeyay oo qabsooma tan iyo markii golahan la dhisay.

Labada Madaxweyne ku xigeen Taliyayaasha Ciidamada iyo qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ee golahan ku jira ayaa ka qayb galay kulankaasi

Waxaa siweyn loogu falanqeeyey kulankaasi Xaaladaha Amniga ee Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada oo ay aad u gorfeyeen golaha amniga Jubbaland,iyagoo isla soo hadal qaadey dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Shabaab.

Kor u qaadista dhaqaalaha deegaanka Cadaalada iyo garsoorka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday inta uu kulanku socday,iyadoo la isku raacay in la dardar geliyo sidii Ciidamada Jubbaland loo tayayn lahaa si loo dadajiyo hawlagalada dhawaan bilaabanaya,kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in Shabaab laga saaro dhamaan dhulka ay ku suganyihiin.

Deegaanada Jubbaland ayaa kamid ah Gobaha ay ka soconayan howlgalada ka dhanka ah Shabaab,waxaana jira Shabaab badan oo la sheegey in ay ka firxanayaan goobihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay dareemeen culeys kaga Imaanaya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Saaxiibada Soomaaliya oo duqeymo ku beegsanaya SHabaab

 

Wafdiga ka socday Baarlamaanka Dalka Jabuuti oo kulan la qaatay guddoonka iyo xubno katirsan Golaha Aqalka Sare ee Dalka+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Kullankan ayaa ahaa mid isbarasho ah waxaana wada-qaatay Wafdigii Xildhibaanadda ahaa ee ka socday Dalka Jabuuti iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Dalka iyagoona sidoo kale lagu soo dhaweeyey Magaaladda Muqdisho..

Waxaa Sanataradda Aqalka Sare ee Wafdiga Dowladda Jabuuti lakulmay Hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare iyadoo Dhanka Jamuuriyadda Jabuuti uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas.

Cabdi Axmed Dhuxulow iyo   Axmed Xaashi oo kamidda Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Wafdiga ka socda  Dowladda Jabuuti siwaangsan loo soo dhaweeyey .

“Waxaan si-heer sare ah u soo dhaweynay Wafdiga Xildhibaanadda ah ee nooga yimid Jamuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kuwaas oo ay  inaga dhaxeeyaan wax badan oo dhankasta ah runtii waxaan rabnaa in aad soo dhaweyn intaan kabadan u sameyno”

Xildhibaan C/laahi Bilaad kixataloor iyo Xildhibaan Cumar Saciid oo inaya kamid ah Baarlaamka Jabuuti oo sidoo kalena qeyb ka ah Wafdiga Jooga Muqdisho ayaa iyana dhankooda u mahadceliyey Mudanayaasha Aqalka Sare iyo Guud ahaan Dowladda Soomaaliya.

“Waxaan u mahad celineynaa guud ahaan Dowladd Soomaaliya iyo qaabka ay nogu soo dhaweeyeen Magaaladda Muqdisho runtii waxaan aragnay wax badan oo aanan fileyn taasna waxaa ay nasiisay kalsooni badan”

Sidoo kale Wafdiga ayaa Qadka Telfoonka kula hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare cabdi Xaashi C/laahi kaas oo xaalad Caafimad ugu maqan Dalka Turkiga waxaana ay allah uga baryeen in uu Caafimad siiyo.

 

 

W/D:-Cali Axmed Sh

Mareykanka oo Bakistaan digniin adag u jeediyay

0

Bakistaan(SONN) Xukuumadda Washington ayaa uga digtay Pakistan in uu dhaawac soo gaari doono xiriirka laba geesoodka ah,haddii Dowladda ay Pakistan ku guuldaraysto in ay maxkamadeyso nin lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Mumbai.

Ninka la doonayo oo ah Hafiz Saeed ayaa xabsi guri ku jiray magaalada Lahore tan iyo bishii January, balse toddobaadkan ayay maxkamad amartay in la siidayo.

Sarah Sanders oo ah Af-hayeen u hadashay aqalka cad ee Mareykanka , ayaa ku eedeeysay Pakistan in ay gabbaad siinayso argagixisada,Waxa ay ay intaa ku dartay in ay qasab tahay in ninkaasi lagu soo oogo dambiyadii uu galay.

Waxaa uu beeniyay wadaadkaasi lagu magacaabo Hafiz Saeed in uu ku lug lahaa weerarkii magaalada Mumbai ee Hindiya ka dhacay sanadka markuu ahaa 2008.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay 166 qof ,waxana Mr Saeed lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu Mr Saeed madaxiisa dul dhigtaay adduun dhan 10 milyan oo doolar cidii keenta macluumaad horseedi kara in la soo xiro iyo maxkamadeyntiisa.

R/Wasaare Khayre oo magacaabey Wasiirka Gaadhaandhigga,xilkiina ka qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta

0

Muqdisho(SONNA)  Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in degreetadaasi ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabey Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Aas Aaskii Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaaan Yariisow, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xubno ka kala socda Aqalka sare iyo Golaha Shacabka iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal dagayey sanad guuradii 66-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo caawa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba, marka laga reebo Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane C/fitaax Daahir Jeyte ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey marxaladihii adkaa ee uu soo maray Radio Muqdisho, islamarkaana door weyn radiyuhu uu ku lahaa in dalka laga xoreeyo Maleeshiyada Al-shabaab.

Masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirada Dhalinyarada, Maaliyadda, iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/kariin Xasan ayaa madasha ka sheegay in Radio Muqdisho uu leeyahay taariikh weyn oo aan lasoo koobi karin, iyaga oo bogaadiyey shaqada hadda socota iyo Isbedelada dhanka horumarka ah ee Radio Muqdisho uu ku talaabsaday.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Warbaahinta Qaranka ay u hogaansameen Baaqa Madaxweynaha ee ku wajahan in si weyn looga qeyb qaato howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolo kamid ah dalka ee looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa marka hore u hambalyeeyey shaqaalaha iyo maamulka radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shaqada dalka ay u hayaan ay tahay mid aan lasoo koobi karin oo mudan in lagu dhiira galiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaba gabadii hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa uu ku xasuusto Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaalintii uu kasoo qaatay la dagaalanka Al-shabaab, isagana uu si weyn uga war hayey duruufta ay ku shaqeynayeen howl wadeenada Radio Muqdisho oo ah geesiyaal u istaagay in bulshada Soomaaliyeed ay ku dhiira in meel looga soo wada jeesto dhagarta cadowga.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey shaqsiyaad lagu abaal mariyey in iyada oo lagu jiro marxalad adag ay ku dhiiradeen in bulshada ay ku wacyi galiyaan in lala dagaalo Al-shabaab, qaarkoodna ciidanka xoogga furumaha dagaalka ay raashin iyo taageero kale ugu geyn jiren xiligii uu socday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Munaasabada loogu dabaal dagayo Aas aaskii Radio Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaaan Yariisow, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xubno ka kala socda Aqalka sare iyo Golaha Shacabka iyo Madax kale ayaa ka qeyb galaya Munaasabad loogu dabaal dagayo sanad guuradii 66-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo haatan ka socota xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba, marka laga reebo Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Munaasabada oo hada si toos ah u socota waxaa khudbado ka jeedinaya Madaxda ka qeyb galeysa, iyadoo lasoo bandhigayo waayihii kala duwanaa ee uu soo maray Radio Muqdisho.

Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

0

Guddoomiyaha Baarlaamanka Wadanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo maanta ka qeybgalay kulankii xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siweyn uga hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal.

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,waxana kulanka goobjoog ka ahaa 173 Mudane.

Kulanka Maanta ayaa ka duwanaa kulamadii hore,waxaana hortegay xildhibaanada isla markaana khudbad dheer u jeediyay gudoomiyaha Baarlamanka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen ilaa 173 mudane ayaa waxaa uu khudbadiisa uu diiradda ku saaray ujeedka booqashadiisa,wuxuu muujiyay in ahmiyada ay leedahay wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo taageerada ay siiso Soomaaliya Dowladda Jabuuti.

“Ujeedka socdaalkeyga waxaa uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti,waxaa inaga dhexeeya xiriir walaaltinimo oo aad u wanaagsan,Soomaaliya waxaan u sheegayaa qofkasta oo muwaadin ah waxaa waajibaad uu ka saaranyahay in uu dalkiisa wax u qabto”, ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyay kulankaasi, isagoo ku ammaanay guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti imaatinkiisa Soomaaliya,isagoo xusay in xiriirka ka dhaxeeya labada dal gaar aahan baarlamaanada uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana uu ahaa mid soo jireen ah.