Home Blog Page 1425

Madaxweyne Farmaajo “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhallinyaro ah oo ka jawaabay baaqaygii, una istaaga in ay nafootada u huraan dalkooda”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tabbarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye  600 oo dhalinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Boqalaalka dhalinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.

“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka,isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro,wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo la wareegay qalab loogu talo galay in lagula socdo Saadaasha Hawada Garoonka Kismaayo

0

Kismaayo (SONNA) Maamulka Garoonka Diyaradaha magalada Kismaayo  ayaa maanta la wareegay qalab cusub oo loogu talo galay in lagula socdo saadaasha Hawada Garoonka Kismaayo, Kaas oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya ugu deeqday.

Maareeyaha Garoonka Kismaayo C/Laahi Aadan Maxamuud Jagadoon oo uu Wehlinaayo injineerka sameyn doona qalabka ayaa soo kormeeray dhabaha weyn Ee ay ku ordaan diyaradaha ,iyagoona soo indho indheeyey halka ugu haboon ee qalabkaan cusub lagu rakibaayo.

Cabdulaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Maareeyaha Garoonka Kismaayo  ayaa  sharaxay qalabkaan iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana uu sheegay in qalabka cusub iyo ku shaqeyntiisa loo tababari doono shaqaale.

Dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa xooga saartay tayeynta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida garoonka diyaaraha iyo dekedda magaalada Kismaayo

 

Wasaaradda Haweenka oo daah furtay Ololaha ka hortagga tacadiga ka dhanka ah Jinsiga

0

Muqdisho (SONNA) Ololaha  ka hortagga tacadiga ka dhanka ah jinsiga ayaa ah mid looga soo horjeedo in la dhibaateeyo  Haweenka iyo Caruurta islmarkaana Bulshada laga wacyi galiyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen cirib tirka tacdiyada loo geysto xaquuqda Caruurta iyo Haweenka.

Agaasimaha guud ee wasaradda Hawenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeq Suleymaan Yuusuf  oo ka hadlaayey madasha daahfurka ololahaan 16-ka maalmood ee tacdiga ka dhanka ah jinsiga ayaa sheegay in Wasaaradda Haweenka  ay dar dar galin doonto  Barnaamijiyo wacyagalineed  oo Bulshada looga wacyagalin doono sidii loo ciribtiri lahaa tacadiyadda ka dhanka ah Bulshada.

25-ka bisha Novembar sanad waliba  ayaa ah  maalinta aduunka  loo asteeyey ka hortagida tacadiyadda loo geysto Haweenka iyo Caruurta.

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanha xukumadda Soomaaliya Deeqa Yaasin Xaaji Yuusuf  oo si rasmi ah u daahfurtay  ololahaan ayaa sheegtay in sharciga ka hortaga tacadiga  jinsiga uu leeyahay muhiimad gaar ah.

 

Jubbaland oo Duuleedka Kismaayo ka hirgelisay guryo loogu talo galay dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qaxootiga Kenya

0

Dowlada gobolleedka Jubbaland oo kaashaneysa hay’adaha ka shaqeya arrimaha aadanaha iyo hormarinta ayaa duleedka magaalada Kismaayo ka hirgaliyay guryo loogu talo galay muwadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo noqonaya xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Dowlad goboleedka Jubbaland oo mar kale qiimeyn ku sameysay baahiyaha adeegyada aas-aasiga ayaa waxaa soo baxday in loo bahan yahay xarumo caafimaad oo loo dhiso dadka degaya xaafada cusub ee duleedka magaalada.

Wasiir kuxiggenka caafimadka Jubbaland iyo maamulka degmada kismaayo ayaana maanta wada jir u dhagax dhigay xaruntii ugu horeysay oo caafimad,waxaan ku wehliyay hay’adaha ka shaqeya horumarinta.

Gudoomiyaha degmada kismaayo ayaa sheegay in dowlada hoose ay xooga saari doonta sidii loo heli laha adeegyada aas-aasiga guud ahaan degmada gaar ahaan xafada cusub ee duleedka magaalada oo loo dhisay dadka dib uga soo laabanaya xerayaha qaxootiga.

Dhismaha xaruntaan ayaa waxaa gacanta ku haysa hay’ada Merced crop waxaana maalgalinaya hay’ada GIS Cabdirashiid caafi oo ah madaxa hay’ada Merced crop kismaayo ayaa sharaxad ka baxshay xarunta iyo cida maamuli doonta.

Wasiir kuxigeenka caafimadka Jubbaland Cali Nuur ayaa sheegay in dowlad gobolleedka Jubbaland ay ilaalin doonto caafimadka muwaadinka Soomaaliyeed .

Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeya arrimaha caafimadka in ay ka qayb qaatan hirgalinta xarumo kale.

 

Wasaaradda Amniga oo tababar u furtay maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradaasi”Sawirro

0

Tabarbarkaan oo socanaya mudo sedex maalin ah ayaa waxaa loo  qabtay dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Amniga gudaha iyadoo ay daah fureen wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga gudaha  C/naasir Saciid Muuse iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Aminga Yuusuf Cali Maxamed, iyadoo la dar dar galiyay habsami u socodka dhamaan shaqaalaha iyo maamulka wasaaradda ,

Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga guduha C/naasir Saciid Muuse waxa uu tilmaamay in tababrkaan uu muhiim u yahay wasaarada, maadaamada ay tahay mid ka mid ah wasaaradaha ugu Shaqada badan iyo kor u qaadista xirfada shaqaalaha.

“Waxaan maanta daah furnay tababar 35 qof  oo shaqaalaha wasaarada iyo 10 qof oo agaasime waaxeedyo ah, waxaana uga gol leenahay in la tayeeyo xirfadda shaqaalaha iyo maamulka wasaaradda amniga gudaha”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga guduha

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in tababarkaan ay maanta daah fureen inuu  yahay mid isla xisaabtan ah  sida uu horay u balan qaday  Ra’iisul Wasaare kheyre, waxaana uu kula dar dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan dalkoodana ugu shaqeeyaan.

Baahiyo dhanka adeegyada Caafimaadka ah oo ka jira deegaano ka tirsan gobalka Mudug”Sawirro

0

Gaalkacyo (SONNA) Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay isa soo  tarayeen cabashashooyinka la xariira dhanka adeegayada caafimaadka ee ka jira deegaanada galmudug qaarkood ayaa waxaa wasaaradda caafimaadka Galmudug ay sheegtay in ay
ku dadaali doonto wax ka qashada baahiyada dhanka caafimaadka ee kajira guud ahaan deegaanada Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud
Catoosh ayaa kadib kormeer muddo  sadax cisho ah ay ku mareeysay
deegaano ka tirsan kuwa gobalka Mudug oo ay ka mid ahaayeen Af
barwaaqo, Qorya wayn iyo Gal hagoog waxa ay sheegtay in guud ahaan
deegaanadaasi aysan haysan inta badan adeegyada  caafimaad ee ay
bulshadu u baahan tahay, ka wasaarad ahaana ay ku dadaali doonaan wax
ka qashada baahiyadaasi iyagoo la kaashanayay hay’adaha ka shaqeeya
howlaha caafimaadka.

Kormeerka wasiirka caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud
Catoosh ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin kasta lasoo gaarsiiyo
isbitaalada caafimaadka magaalada Gaalkacyo caruur fara badan oo qaba
cuduro kala duwan oo laga keeno deegaano aad u fog fog, kuwaasi oo aan
laheyn xarumo cafimaad taasoo mararka qaar  keenta in caruur  iyo
hoyooyin Soomaaliyeed in dhiig bax ay u geeriyoodaan inta lagu guda
jiro safarka dheer ee loo soo marayo magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada
fog fog ee aan lahayn xarumaha caafimaad.
Dhinaca kalana wasaarada caafimaadka Galmudug ayaa deeq isugu jirta
raashin iyo Bacaha roobka gaarsiisay boqalaal oo qoys oo isugu danyar
iyo qoysaskii abaaruhu soo barakiciyeen, kuwaasi oo ku sugnaa
Deegaanada Af Barwaaqo, Gal Hagoog Iyo Qorya Wayn oo ka mida deegaanada
dhaca dhinaca waqooyi Bari Gobalka Mudug.

W/D:- Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

 

Wasiirka Maaliyadda oo shir-guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Wasaaraddaasi (Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA)–Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda oo Todabaadkiiba mar la qabto.

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay Madaxda Wasaaradda oo ay ku jiraan Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaraddaasi iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa looga hadlay ajendayaasha kala ah dib-u-habeynta siyaadda Maaliyadeed iyo mid Dhaqaale ee Dalka, taasoo fure u ah abuurista Dakhliga iyo Maalgashiga Dadweynaha.

Maxkamadda Ciidamada Q.S.S  oo dhageystay markii 2-aad dacwada rag loo heysto qaraxyo Muqdisho ka dhacay “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Eedeysanayaal u qaabilsanaa malaashiyada Al-shabaab qarxinta goobaha maqaaxiyadaha oo markii labaad kasoo hor muuqday Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana eedeysanayaasha ay kala yihiin,

1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed.

2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin

3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud

4) C/laahi Ibraahin Geeseey

xafiiska xeer iaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor akhriyay eed lid ku ah eedeyanayaasha kala ah:-

“C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed, ayaa si gaar ah loogu eedeeyay sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaallo magaaladda Muqdisho.

waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta CQS ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qaraxii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017,halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga kasoo horjeedka wasaarada sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux.

Eedaysanaha 2aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna si gaar ah loogu eedayay kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta kugu soo dhigeen, isagoo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo degmada Xamar-weyne taariikhdu markay ahayd 15/05/2017.

Eedaysanaha 3aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eedeeyay ka tirsanaanta Kooxda Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Faafisa Afkaarta Al-shabaab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu Taakulayn gaar ah siin jirtay Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanayaasha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan.

Eedaysanaha 4aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha kamid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxa uuna qaabilsaa Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo, isagoo Al-shabaab u soo dejiyay gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horjeedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu soo dejiyay gaarigi ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017.” sidaas waxaa garsoorka u sheegay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka Sida.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, ayaa codsaday in la soo gaba-gabeeyo kiiska haddii aysan jirin cadeymaha markhaatiyaasha ahaa ee saakay la horkeenay garsoorka, balse dood dheer kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta waxa uu ka codsaday garsoorka Maxkamadda CQS in loo oggolaado in ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo muujinayo dambiilayaasha eedooda, waxaana ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute amray xeer ilaainta in ay keenaan cadeymo dheeraad ah, isagoo soo xiray dhageysigii markii 2-aad dacwadda eedeysanayaasha loo heysto qaraxyadii dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ee ka dhacay maqaaxiyada qaar ee ku yaalo magaalada Muqdisho.

 

 

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo khudbad ka horjeedinaya Golaha Shacabka JFS

0

Muqdisho(SONNA) Kulanka maanta ay leeyihiin xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya  waxaa ajandaha uu yahay akhrinta iyo qeybinta warbixinta la xiriirta dhismaha guddiga adeegga Garsoorka iyo khudbadada uu jeedinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti  ayaa Maanta lagu wadaa inuu ka qeyb galo Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka isla-markaana uu Khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka,taasi oo uu kaga hadlayo arrimo dhowr ah.

Waxaa khudbadda uu Maanta ka horjeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu wadaa in uu ku soo hadal qaado Xariirka ka dhaxeeya Labada Baarlamaan ee Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidoo kale taageerada Dowladda Jabuuti ay la garabtaagan tahay Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed,taasi oo haatan u muuqataa in ay tahay mid muuqata.

Mudane Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa isla shalay socdaal gaaban ku tagay Magaalada Beled-weyne,halkaasi oo uu ku booqday Ciidamada Jabuuti,waxaana socdaalkiisa ku wehliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Horey waxaa Soomaaliya u yimid guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arna’uud Cali oo waqtigaasi khudbad ka jeediyay kulankii baarlamaanka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo xariga ka jray dib u dhiska Degmada Boondheere (SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA)–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabib Cabdi Maxamed ayaa xalay xariga ka Jaray Daah furka dib u dhiska Degmada Bondheere iyo is-dhexgalka Bulshada.

Munaasabadda Xafladaasi ayaa waxaa soo diyaariyay Maamulka Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, oo ay ugu horreyso Guddoomiyaha Degmada Boondhere Mro Seynab Yuusuf Wehliye oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Bulshada ku dhaqan Degmada Boondheere ay yihiin Bulsho jecel Dowladnimada, islmarkaana ku xiran, kana Shaqeeya Degmada.

Munaasabadaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Duqa Casimadda Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed waxa uuna ka waramay wanaagga ay leeyihiin Dadka ku dhaqan Degmada Boondheere, isagoo ugu dambeynbtii Bulshada Boondheere kula Dardaarmay in ay ka shaqeeyan Aminga iyo Nadaafad Degmada Boondhere.