Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Aas Aaskii Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaaan Yariisow, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xubno ka kala socda Aqalka sare iyo Golaha Shacabka iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal dagayey sanad guuradii 66-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo caawa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba, marka laga reebo Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane C/fitaax Daahir Jeyte ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey marxaladihii adkaa ee uu soo maray Radio Muqdisho, islamarkaana door weyn radiyuhu uu ku lahaa in dalka laga xoreeyo Maleeshiyada Al-shabaab.

Masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirada Dhalinyarada, Maaliyadda, iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/kariin Xasan ayaa madasha ka sheegay in Radio Muqdisho uu leeyahay taariikh weyn oo aan lasoo koobi karin, iyaga oo bogaadiyey shaqada hadda socota iyo Isbedelada dhanka horumarka ah ee Radio Muqdisho uu ku talaabsaday.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Warbaahinta Qaranka ay u hogaansameen Baaqa Madaxweynaha ee ku wajahan in si weyn looga qeyb qaato howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolo kamid ah dalka ee looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa marka hore u hambalyeeyey shaqaalaha iyo maamulka radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shaqada dalka ay u hayaan ay tahay mid aan lasoo koobi karin oo mudan in lagu dhiira galiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaba gabadii hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa uu ku xasuusto Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaalintii uu kasoo qaatay la dagaalanka Al-shabaab, isagana uu si weyn uga war hayey duruufta ay ku shaqeynayeen howl wadeenada Radio Muqdisho oo ah geesiyaal u istaagay in bulshada Soomaaliyeed ay ku dhiira in meel looga soo wada jeesto dhagarta cadowga.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey shaqsiyaad lagu abaal mariyey in iyada oo lagu jiro marxalad adag ay ku dhiiradeen in bulshada ay ku wacyi galiyaan in lala dagaalo Al-shabaab, qaarkoodna ciidanka xoogga furumaha dagaalka ay raashin iyo taageero kale ugu geyn jiren xiligii uu socday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...