Sidee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

Date:

Muqdisho (SONNA), Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad soo kabasho oo dhan kasta ah, waxaa soo hagaagaya addeegyada garsoorka, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada kuwaasi oo dhibaato badan dadka shacabka ah ay ku qabi jireen muddo badan.

Qormadaan waxaan ku eegeyaa isbadalka ย sida xowliga ah ku socda ee hadda ka hana qaaday ย Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ,qeybaheeda ย darajadeeda koowaad iyo midda sare ย oo ku guuleystay kiisas ย culus inayย  qaadaan,ย iyaggoo cadaaladda iyo sharciyadda dalka uu leeyahay aan dhinac mareynin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aadย  ee C.Q.S, G/sare Xasan Cali Nuur shuute, waxaa xilkaasi loo magacaabay 24 September 2014, biloow ilaa iyo dhammaad waxbarashadiisa dalka ayuu kusoo qaatay, waa dhalinyaro firfircoon oo har iyo habeen u istaagay in saldhigga ay ka duulaan uu noqdo cadaalad iyo in meesha ay ka baxdo qof jecleysi ama ย xeer jajab in lagu dhammeeyo kiisaska maxkmadda loo soo gudbiyey.

Garsoorka Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay xaliyaan isbuuc kasta kiis dacwadeed gaaraya Lix ilaa iyo Todobo, kuwaasi oo isugu jira kuwa ay galeen Ciidamada qalabka sida iyo Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab, waxay arrintaasi ku tusineysaa in guddoonka Maxkmadda ay ka goโ€™antahay in la dardar galiyo howlaha Maxkamadda.

Kiis walba meeshii uu ka dhacay ayey maxkamadda tagtaa, si halkaasi xukunka uu uga dhaco, waxaana ognahayย  kiisas kala duwan inay ku qaaday qaar kamid ah gobolada dalka sida Maamulada Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Gal-mudug, iyaddoo maxkamadda magaalooyinkaas ay ka fulisay xukunoย kala duwan oo ay galeen Askar dowladda ka tirsanaa iyo kuwa Maleeshiyada Alshabaab ka tirsanaa.

Eedeysanaha dambiyada ย ciidanka ku saabsan gala waxaa marka hore kiiskiisa qaada Maxkmadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, qareen ayaa loo qabtaa, xeer ilaalinta Maxkamdda ayaa dambiyadii uu galay kusoo oogta, waxaana garsoorka maxkamadda uu dhageystaa kiisaska la keenay, marqaatiyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenada eedeesaneyaasha loo qabtay, iyaddoo dood dheer kadib maxkamadda goโ€™aan ay ย ka gaarto kiis dacwadeedka markaasi taagan, sidaasi ayuuna xukunka u dhacaa, intaasi waxaa dheer in qofka la xukumay uu qaadan karo racfaan, si qodobadii lagu eedeeyey dib loogu soo baaro, kiiskaasi ayaana ka gudba maxkamadda darajada koowaad ee CQS, waxaana uu u gudbaa Maxkamadda Sare ee C.Q.S.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, G/sare Xasan Cali nuur Shuute, oo la weydiiyey suโ€™aal aheyd

โ€œwaxaa la idinku eedeeyaa ย dadka eedeysaneyaasha ah in aydan u qabanย  qareen difaaca oo iyagga ay keensadeen, balse aad u qabataan qareen dhanka Maxkmadda u janjeeraโ€ย  isagoo ku jawaabay:-

โ€œArrinta la xiriirta qareenka waa arrin sharci ah, garsoore ย ama guddoomiye maxkamadeed sidduu doono kama yeeli karo, waa arrin dastuuri ah, qofka markii dambi lagu eedeeyo waxuu xaq u leeyahay inuu qareen helaa, haddii uu qabsan Karin waxaa waajib ah in dowladda ay u qabato, kiisaska qaar waxaan sameynaa in eedeysanaha aan u qabano labo qareen ah, dacwo hufanย  oo cadaalad ah ma dhici kareyso haddii aan la helin cidda eedeysanaha Eedeyneysa oo xeer ilaalinta ah ย iyo cidda difaaceyso Eedeysanaha oo qareenkii ah iyo maxkamadda oo ah qoortii labada garab u dhaxeysayโ€ ayuu yiri guddoomiye Shuute

Markii shaqada maxkamadda ay laba jibaarantay waxaa yaraaday kiisaskii tirada badnaa ee waqtiga badan lagu bixin jiray xalintooda, kuwaasi oo ah in loo fariisto dacwad ku saabsan Askari kufsi geeystay, askari qof dilay iyo Askari isbaaro dhigtay, waxaana kiisaska hadda la qaado ay u badan yihiin arrinta maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Alshabaab, taasi oo ku tusineyso in maxkamadda ay la jaan qaaday xaaladda dalkaย  ee ku saabsan dagaalka ka dhanka ah nabad diidka, waxaana gasha ka baxsan ย seefta cadaaladeed ee Maxkamadda, mana jirto cid dambi gashay oo seeftaasi loogu turaayo sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Eedeysaneyaasha racfaanka ka qaata xukunada Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay u gudbaan Maxkamadda sare ee Ciidamada, si looga dheeraado in qofka eedeysanaha ah isaggoo aan ku qanacsaneyn goโ€™aanka Maxkamada xukunkaasi lagu oofiyo, haddaba markii ย Maxkamadda sare uu usoo gudbo siddee loo wajahayaa kiiskaas?

โ€œXaaladdiihii maxkmadda darajada koowaad uu kusoo maray ย ayuu marayaa mar kale, kiiskiisa ayaa dib loo baarayaa, baaris dheer kadib haddii Maxkamadda ay usoo baxdo in xukunka ku dhacay eedeysanaha ee racfaanka uu ka qaatay uu sax ahaa ay ku xukumeyso isla xukunkaasi mar kale, balse haddii baarista maxkamadda sare ay kusoo baxdo dambiyo kale oo dheeraad ah eedeysanahaasi xukunkiisa ayaa ka adkaanaya kii horey ugu dhacay, dad waxaa jira markii la baaray kiisaskoodii dambi lagu waayey oo la sii daayeyโ€ mid kamid ah garsoorayaasha ย Maxkmadda ciidamada ayaa siddaasi inoo sheegay .

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in guddoonka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay iska fogeeynayaan in eedeysane la dulmiyo oo dacwo uusan laheyn dusha laga saaro, iyaddoo kii galayna la fasaxayo, arrinta ugu muhiimsan waxaa ah in marqaatiyaasha garsoorka la horkeeno dhammaantood lagu dhaariyo Kitaabka Qurโ€™aanka kariimka ah, waxaana la weydiiyaa suโ€™aalo kala duwan oo ku saabsan kiiska la qaadayo markaasi, si hadalka marqaatiga loo kala saaro oo run iyo been midkuu sheegayo loo hubiyo, dabagalna loogu sameeyo.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, ayaa wacyi galin u sameeya Ciidamada qaranka, waxaana kamid ah in la baro sharciyada muhiimka ah ee Ciidanka iyo ilaalinta anshaxa iyo gudashada waajibaadkooda, si ay uga dheeraadaan wax kasta oo ka hor imaanaya qawaaniinta dalka uu leeyahay.

Lama qarin karo wanaagga maxaa yeelay si dhaqso ah ayuu ย ku faafaa, bulshadana uu u gaaraa, Shacabka Soomaaliyeed ayaa xaqiiqsaday in tuhunkii jiray uu dhammaaday oo ay arkeen garsoor u tafaxeytay cadaalad iyo ku dhaqan sharci, waxaana ay fal celintooda noqotay inay boggaadiyaan shaqada adag ee qaranka ay u hayaan, Guddoomiyaha Maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan cali nuur shuute, Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Ciidamada qalabka sida S/guuto Liibaan cali yaroow, garsooreyaasha iyo xeer ilaalinta Maxkamadda.

W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale