Home Blog Page 1423

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlay Wada hadalada Galmudug iyo Ahlu suna uga bilowday Jabuuti

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dadaalada lagu nabadeynayo deegaanada Galmudug,wuxuuna dhanka kale ka hadlay hadal maalmahaan la isla dhexmarayay oo ku aadan inuu khilaaf ka dhex taagan yahay madaxda Galmudug,balse wuxuu carabka ku adkeeyay iney heshiis yihiin madaxda Galmudug.

Dhinace kale, Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlayay Wada hadalada Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna uga furmay dalka Jabuuti ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo mira dhalka shirkaasi,islamarkaana muhiimadda ay tahay in la isku soo dhawaado.

Waxaa magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Jabuuti wada hadalo uga bilowday Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna oo ku kala aragti duwan hanaan wadaagida maamulka Galmudug,waxaana shirkaasi dadka siyaasadda falanqeeya ay sheegayaan iney ka soo baxaan natiijo lagu farxi karo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey ayaa ku sugan magaalada Jabuuti halkaasi oo ay wada hadal kula leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu suna oo ugu horeeyo Hoggaamiyaha maamulka Ahlusanada Gobolada dhexe Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga XFS oo sirasmi ah xilkiisa loogu dhaariyay

0

Muqdisho(SONNA) Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshey kulankoodi caadiga ahaa,iyadoo ajandaha uu qeyb ka ahaa dhaarinta Wasiirka cusub ee Difaaca Soomaaliy.

Kulankaasi oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sirasmi ah xilkiisa loogu dhaariyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Dhaarinta ka dib ayaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya waxaa la gula dardaarmay in uu si hufan u guto waajibaadka horyaala Wasaaradda Gaashaandhiga iyo u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Degreeto ka soo baxday shalay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa loogu magacaabey Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhiga,isagoo bedelaya C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan iska casilay xilkaasi,isla Degraatadaasi ayaana xilkii looga qaadey Wasiirkii Diinta yo Owqaafta Dr iimaan C/llaahi Cali.

Shirka Warbaahinta Dowladaha IGAD oo ka furmay Itoobiya+Sawirro

0

Adis-ababa(SONNA) Magaalada Bashifto ee wadanka Ethiopia waxaa ka furmay shirka Warbaahinta Dowladaha IGAD oo looga hadlayo arrimo badan oo ay ka mid tahay Wada shaqeynta,gaar ahaan ka hortaga  Abaaraha iyo iskaashiga guud ahaan ee IGAD,

Shirka oo mudo labo cisho ah socon doona ayaa Soomaaliya waxaa uga qaybgalaya wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Sheikh Yuusuf Al-Cadaalla.

Gabagabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro Qodobo muhiim ah oo ay ugu horeyso wadiiqo cusub oo hab iskaashi u dhexmari kara Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hay’adaha Warbaahinta Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Guddoomiye Jawaari oo ka qeybgalay kulan dhexmaray guddoonka Aqalka sare iyo wafdigii ka socday Jabuuti+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Kulankaan Casho sharafta ah ee ay uu Sameeyeen  Xildhibaanada Aqalka sare Wafdiga uu Hogaminaayo Guddoomiyaha Golah Wakiilada Wadanka Jabuuti ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho,

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maaxmed Sheikh Cusmaan Jawaari,  Xubnaha Xildhibaanada Aqalka sare iyo Golaha Shacabka , Safiirada Wadamada jabuuti iyo Yeman, Taliyah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jamac Xuseen Gorood, Sarkiil ka Tirsan Ciidamada Booliska iyo marti sharaf kale oo lagu Casuumay Sido kale Madasha ayaa waxaa Ku sugnaa fanaaniinta Qaranka ee Hobalada Waabari,kooxda dhaantada ee Banaadir Baan oo halkaasi ay Ku soo bandhigeen heeso lagu Amanaayo waxqabadka Dawladda Aan walaalaha nahay ee jabuuti.

Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare ahna ku Simaha gudoomiyaha Abshir Maxamed Axmed Buqaari oo madasha ka hadlay ayaa Ku dheeraaday Waxqabadka Muuqda  Dawladda jabuuti ay u qabteen Soomaaliya islmarkaan uu sheegay in jabuuti ay ka go,aanthy garab istaaga soomaaliya.

Maxamed sheikh Cusmaan jawaari Guddoomiyah Golaha shacabka Soomaaliya  ayaa tilmaamay in Dawladnimada Soomaaliya ay gaartay gacan ka geysteen dawladda jabuuti.

Guddoomiyah Golaha wakiilada Wadanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud ayaa Soomaaliya u rajeeyay nabad iyo xasilooni Waarta xildhibaanada  Labadaa Aqaal uu ugu mahadceliya sida ay ugu soo dhoweyeen Muqdisho.

 

Unicef oo ka deyrisay xaalada Nolasha Caruurta Yeman

0

Muqdisho(SONNA) Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hooyada iyo Dhalaanka ee UNICEF ayaa sheegtay in 11-Milyan Caruur Yeman ah ay iminka la soo deristay xaalad tii ugu xumeyd ee dunida guudkeeda ah, waxayna hay’adu cadeysay in hadii wax gargaar ah la gaarsiin caruurtaas ay qarka u saaran yihiin xaalada bani’aadanimo oo geeri ah.

Agaasimaha hay’adda Unesco u qaabilsan  Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada dalka Urdun ee Cuman ayaa sheegay  in qiyaas la sameeyay ay ka soo ifbaxday in tobankii daqiiqaba hal Canug uu u geeriyoodo xanuun laga hortagi karay.

Dhanka kale Mas’uul sare oo isna ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qiyaastii 5-kun Caruur  Yeman ah laba sano iyo bar gudahooda siyaabo kala duwan loogu dilay daagalada ka socda dalkaasi Yeman.

Markab siday gargaar dhan 5-kun tan oo bur ah ayaa shalay ku xirtay Dekad ku taal magaalada Al-xudeydiya ee dhacda waqooyiga dalkaasi , waana markabkii ugu horeeyay ee gargaar gaarsiya dalkaasi tan iyo markii sacuudiga ku soo rogay xayiraada dalkaasi yeman.

Madaxda dalalka Qadar iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimaha Gobolka Bariga Dhexe

0

Muqdisho( SONNA) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Axmed Al-Tani oo khadka isgaarsiinta ku wada xiriiray ayaa ka hadlay  xaaladda dalka Suuriya iyo qadiyadaha caalamka sida laga soo xigtay Madaxtooyada dalka Turkiga.

Sidoo kale Labada hoggaamiye ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,xiisadda mandiqada iyo waxyaabaihii ka soo baxay kulankii todobaadkii tagay dhex maray iyo waxyaabihii ay ku heshiyeen hoggaamiyeyaasha labada dal Turkiga iyo Ruushka.

Waxayna labada dhinac ugu baaqeen mucaaradka Suuriya inay ka qeyb galaan shirka dhexdhexaadinta dhinacyada dagaalka isaga soo horjeeda Suuriya oo la filayo inuu dhawaan ka dhaco dalka Ruushka.

Dhanka kale Madaxweynaha Rushka Vladimir Putin ayaa la sheegay in xiriirka xagga khadka Taleefoonka ah uu la yeeshay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Axmed Al-Tani  ayna ka wada hadleen arrimaha shirkaasi dhexdhaxaadinta ah ee la filayo inuu ka qabsoomo dalka Ruushka iyo waliba arrimaha xiriirka labada dal ka sokow midda dowliga ah.

Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab oo ka qaxay deegaano ka tirsan Gobolada Jubooyinka iyo Shabeellaha Hoose

0

Muqdisho(SONNA) Janaaral Max’ed Axmed Tareetisho oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga Dalka ee Gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in ay ka war-hayaan firxadka maleeshiyada argagixiisada Al-shabaab ee kaso caraaray Shabeelada hoose,  Gado, Jubada Dhexe iyo Jubada hoose ,ayagona doonaya in ay ku dhumaaleystaan  deegaanada hoostaga Gobolada Hiiraan,  Mudug iyo Galgaaduud.

Janaaral Max’ed Axmed Tareetisho ayaa intaasi raaciyaay in ay doonayaan argsgixiisadu in ay ugudbaan Gobolada Mudug iyo Galgaduud balse ay u diyaarsan yihiin ciidanka xoogga dalka sidii ay uga hor istaagi lahaayeen argagixisada dhibaateynta Shacabka,islamarkaana  Shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagi doonaan.

Wuxuu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iney ku taageerto sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa haraadiga Kooxda Argagixisada Al-Shabaab oo hadda bilaabay iney firxadaan.

Dhanka kale,dad shacab ah oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in deegaano ay ku sugan yihiin ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ka baxsanaya,islamarkaana hubkooda ay ka uruursanayaan.

“Firxadka Horjoogayaasha Shabaab ayaa bilaabay iney ka cararaan goobihii  ay kaga dhuumaleysanayeen Gobolada Koonfurta,ka dib markii ay dareemeen culeys kaga yimid Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda”,sida ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay u xaqiijiyeen dad shacab ah oo ku kala sugan deegaano kala duwan.

Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay Mareynkanka+Sawiro

0

Columbus(SONNA) Boqolaal ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo isaga kala yimid Gobolada dalka Maraykanka ayaa soo buux dhaafiyay xaflada dhalashada Nebigeena Suuban (NNKH) kuwaas oo isugu jiray Culumaa’udiin,dhalinyaro,Haween iyo Caruur ay waalidkoodu la yimaadeen goobta si ay u baraan dhaqankii iyo Sunadii wanaagsanaydee Nebi Muxamed (NNKH).

Culumaa’udiinkii ka hadlay taariikhdii dhalashada ee Nebiga (NNKH) oo ay ku jireen kuwo aan Soomaali ahayn ayaa ku dheeraaday sida ay muqadas ama lagama maarmaan u tahay in la barto sunadii Nebiga iyo saxaabadiisii loogana baahan yahay waalidiinta qoysaska Muslimka gaar ahaana Soomaalida in ay caruurtooda ku ababiyaan ayna baraan wadadii Rasuulkeena SCW.

Qaar ka mid ah Culimadii xaflada ka hadashay ayaa carabka ku adkeeyey dhibaatooyinka iyo falalka ay geysanayaan dad ku andacooda in ay Islam yihiin ee loo geysto dad Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslim ahayn,taas oo ay ku tilmaameen in aysan marnaba qeyb ka ahayn dhaqanka iyo Sunadii Nebi Muxamed SCW loona baahan yahay in si cad looga soo horjeesto falalkaas guracan ee ka dhan ka ah Diinta Islaamka, ayagoo tusaale u soo qaatay qaraxii lala beegsaday Masaajid ku yaala Dalka Masar oo ay ka dhaceysay Xaflad midaan oo kale ah.

Caruur ay da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 15 jir oo kaga qeyb galay Munaasabada lagu wenaynayo dhalashada Nebiga SCW su,aalo iyo jawaabo ku saabsan taariikhda suuban ee Islamka ayaa soo jeetay dareenka ka soo qeyb galayaasha ayagoo si qurux badan u soo bandhigay Taariikhda dhalashada Nebiga oo dhameystiran.

Isu imaatinada lagu weynaynayo dhalasha Nebigeena Muxamed SCW ayaa lagu qabtaa caalmka oo dhan waxaana lagu tilmaamaa in ay muhiim u tahay Ummada Muslimiinta si aan maanka looga saarin ku dayashadda tilmaamihii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee Rasuulka SCW.

Induniisiya oo ku baaqday in feejignaan laga galo Halista Folkaano laga cabsi qabo

0

Muqdisho( SONNA) Dowladda Induniisiya ayaa ku dhawaaqday  feejignaantii ugu sareysay ee la geliyo jasiiradda loo dalxiiska taga ee Bali sababo la xiriira cabsi laga qabo in folkaana uu halkaasi ka qarxo.

Waxaa gebi ahaanba la xiray garoonka kaliya ee ku yaalla jasiiraddaasi,waxaana looga digay in duulimaadyada sidoodii u sii socdaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Induniisiya ayaa sheegay in cirka uu is qabsaday Qiic iyo Uuro u midib eg deebta (Ash),waxaana si cad ah loo arki karin buuraha ku teedsan magaalooyinka qaar.

Waaxda Qaran ee maareynta masiibooyinka ayaa sheegeysa in folkaanaha buurta Agung uu hadda ku dhow yahay in uu qarxo, waxaana maadooyin shiilan la arkay iyaga oo ka burqanaya afka folkaanaha.

Daruur ka samaysan uumi ka baxay folkaanaha ayaa gaaray joog gaarsiisan 4,000 oo miitar

Mas’uuliyiinta ayaa dadka ugu qaabay in 12 kilo mitir aysan u soo dhaafin buurtaasi.

Boqolaal kun oo qof ayaa la geeyay guryo ku meel gaar ah.

Folkaanaha buurtaasi ayaa markii ugu dambeysay qarxay sanadkii 1963, waxaana xilligaasi ku dhintay 1600 oo qof.

Waa markii ugu horeysay oo Xukuumadda Induniisiya ay soo saarto digniin ku aadan in feejignaan sare laga galo Jaziirada loo dalxiis tago ee Bali sababo la xiriira cabsi laga qabno in folkaano uu halkaasi ka qarxo,waxaana shacabka lagu amray iney dhulalka looga cabsi qabo folkaanaha ka sii fogaadaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda”Dowladda Seychelles dhawaan ayay nagu soo wareejinaysa maxaabiista”+Sawirro

0

 Seychelles(SONNA) Mudane Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaliya ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ku booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran,kuwaasi oo ku xukuman sannado kala duwan ka dib markii lagu eedeeyey burcadbadeednimo.

Waxaa laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya,Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa,sida uu sheegay Wasiir Yuusuf Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitterka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Inta kale oo ay u dhimmanyihiin  sannado xabsi ah,balse Mas’uuliyiinta Seychelles ay diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya.

“Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl,Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona”.Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Yuusuf Garad Cumar oo ka hadlayay xaaladda nololeed iyo qaabka loo daryeelo maxaabiistaasi ayaa yir”

“Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah,Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood,Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo.”Ayuu intaasi kudaray Wasiirka.

Dhalinyaradaasi ayaa dhanka kale waxaa ay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato,islamarkaana wax hub ah laguma arag doontooda,balse waxaa ay sheegeen in markii uu matoorka ka ciladoobey ay doontu ula sabeysay jeho kale.

“Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah,Faahfaahin badan hadda kama bixin karo,Baaritaan ayaa ku socda,Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa
Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa,  toosa oo isku tiirsada,Berrito ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah.” Wasiir Yuusuf Garaad ayaa hadaladaasi ku soo geba gebeyeey warbixinta ku aadan maxabiistaasi.