Mareykanka oo Bakistaan digniin adag u jeediyay

Date:

Bakistaan(SONN) Xukuumadda Washington ayaa uga digtay Pakistan in uu dhaawac soo gaari doono xiriirka laba geesoodka ah,haddii Dowladda ay Pakistan ku guuldaraysto in ay maxkamadeyso nin lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Mumbai.

Ninka la doonayo oo ah Hafiz Saeed ayaa xabsi guri ku jiray magaalada Lahore tan iyo bishii January, balse toddobaadkan ayay maxkamad amartay in la siidayo.

Sarah Sanders oo ah Af-hayeen u hadashay aqalka cad ee Mareykanka , ayaa ku eedeeysay Pakistan in ay gabbaad siinayso argagixisada,Waxa ay ay intaa ku dartay in ay qasab tahay in ninkaasi lagu soo oogo dambiyadii uu galay.

Waxaa uu beeniyay wadaadkaasi lagu magacaabo Hafiz Saeed in uu ku lug lahaa weerarkii magaalada Mumbai ee Hindiya ka dhacay sanadka markuu ahaa 2008.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay 166 qof ,waxana Mr Saeed lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu Mr Saeed madaxiisa dul dhigtaay adduun dhan 10 milyan oo doolar cidii keenta macluumaad horseedi kara in la soo xiro iyo maxkamadeyntiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...