Home Blog Page 142

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Dhallinyarada iyo Wasiirka cusub ee xilka loo magacaabay

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka hadlayey munaasabadda xilwareejinta, ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub sidii uu u horumarin lahaa adeegyada ay Wasaaraddu u hayso dhallinyarada Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha, isaga oo uga mahadceliyey Wasiirkii hore dadaalkii uu ku bixiyey muddadii uu xilka hayey tayeynta Wasaaradda.

Sidoo kale, Mudane Cabdisalaan, ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay sii laba jibbaaraan doorkooda ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo doorashooyinka qofka iyo codka ah ee dalka laga hirgelinayo.

 

Afur wadareed ay soo qaban qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Iyo Ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta oo lagu qabtay Ankara

0

Magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga waxaa lagu qabtay kulan Afur wadareed ah oo ay soo qaban qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Iyo Ardayda Soomaaliyeed ee halkan wax ka barta,

Afurka waxaa kayb galay Madax iyo Masuuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay. Waxaana kulankan Afurka ah Danjire Fatxu’diin Cali Maxamed ugu duceeyay dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Waxaana kulankan Afurka ah Danjire Fatxu’diin Cali Maxamed ugu duceeyay dadka iyo Dalka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafti uu hoggaaminaayo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf

Gudoomiyaha Midowga Africa mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku yimid Muqdisho waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XfS mudane Xamse Cabdi Barre kuwaasi oo kawada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka midowga Africa.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Wasiirka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore Fardowsa Cismaan Cigaal oo shaqo baaxad leh ka soo qabatay wasaaradda muddadii ay hoggaminaysay, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay casriyeynta, horumarinta siyaasadda, shuruucda, iyo kaabayaasha dhaqaaale ee dalka.

Sidoo kale— Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Faarax Nuux, in uu sii labo jibbaaro shaqada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay u hayso dadka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka mid ah safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga oo ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabiyeen arday wax ku baratay dalka Talyaaniga

0

Mas’uuliyiin ka mid ah safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabiyeen arday Soomaaliyeed oo wax ka bartay Jaamacada Sapienza Università ee Magalada Roma.

Xaflada waxaa ka kheygalay Diblumaasiyiin sare oo ka hawlgala Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Roma sida Safiir ku xigeenka Safaarada Dr Khaalid Macow iyo Axmed Suudaani oo ah Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka talyaaniyga.

Masuuliyiin ka socotay Safaaradda ayaa ugu hambalyey laba arday oo soo afmeertay shahaadada Master degree-ga oo ku takhasusay maaddada dhaqaalaha, Labadaan arday ayaa ka mid ah arday ku guulaysatay inay deeq waxbarasho ka helaan dalka Talyaaniga oo sanooyinkii la soo dhaafay bilaabay inay deeq waxbarasho oo heerarkoodu sareeyo u fidiyiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee raba inay kor u qaadaan aqoondooda.

Dhanka kale safiirka Soomaaliiya u jooga dalka Talyaaniyga Eng Ibraahim Sheegow ayaa isna dhankiisa u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay kulana dardaarmay in aqoonta ay ka kororsadeen jaamacdaha dalka Talyaaniaga ay kula noqdaan dalkooda, waxna ugu qabtaan bulshadooda oo u hamuun qabta horumar waara

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo kullan la qaatay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow oo la qaatay kulan la xiriira horumarinta Baarista Dambiyada Socdaalka, Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID), G/LE Sare, Muxudiin Axmed Cusmaan.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Baarista Dambiyada (CID) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada hay’adood, wadaagista xogaha muhiimka ah si loogu hortaggo socdaalka sharci-darrada ah iyo dardar-gelinta la-dagaallanka Argagixisada Maadaama uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa uga mahadceliyay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa labada hay’adood. Waxa uu xusay Agaasimaha ahmiyadda gaarka ah ee ay leedahay baarista dambiyada la xiriira socdaalka iyo tahriibinta dadka, iyadoo la xoojinayo baarista dambiyada si hufan loo wajaho, dambiileyaashana sharciga loo horgeeyo. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadd tayeynta iyo horumarinta habka baarista iyo daba galka Dambiyada, maadaama ay door weyn ka qaadan doonto xasilloonida dalka iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Amniga Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo dhamaan xubnaha heer Maamul ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray hanaanka wada-shaqeynta bulshada, Maamulada Degmooyinka, Hey’addaha Amaanka iyo sidii loo xoojin lahaa barnaamijka dariseynta si looga hortago garan-waaga ku dhex jira bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay garab istaaga iyo taageerida Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanada, asigoona xusay in taageero dhinac weliba leh ay la garab taagan yihiin, isla markaana ay furimaha dagaalka ku maqan yihiin qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha SoDMA oo shir uga qayb galay Nairobi

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir socday muddo shan maalin ah oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya

Hay’adda ARC ayaa Hay’adda SoDMA ku wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbeddelka cimiladu saameyay, waxaana musaasabadda goobjoog ka aha xubno ka tirsan Baarlamaanka JFS, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, wakiillo ka socday Hay’adaha caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sharraxay saamaynta uu isbeddelka cimilada ku yeeshay Soomaaliya, isagoo xusay in abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka dhasha khayraad-yarida ay sababeen in 85% uu burburay tacabkii iyo wax soo saarkii beeraha, isla-markaana lacagtaan magdhow loo sii doono dadka ay saameynta ugu badan ku dhacday, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

R/W Xamse ” Xukuumaddaydu waxa at u guuri doontaa jiidaha hore ee dagaalka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayo amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddisu ay u guuri doonto furrimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka, isaga oo faray hey’adaha amniga in ay sii xoojiyaan xaqiijinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku ciribtirayaan kooxaha baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee laga sifeyn doono guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Cadale  

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale, halkaas waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu gaaray Cadale wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawey iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray dardargelinta howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee ka socda dalka.