Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta daahfurtay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo socon doona 15-ka ilaa 29-ka bishaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), iyadoo diiradda lagu saarayo maamulka, hoggaaminta iyo hannaanka dawladnimada casriga ah.

Aqoon-isweydaarsigaan waxa uu salka ku hayaa istaraatiijiyad lagu doonayo in laga faa’iideysto khibradda qoto-dheer ee uu Shiinuhu ku kasbaday dib-u-habaynta dowladnimada, furfurnaanta dhaqaale iyo istaraatiijiyadaha horumarineed ee guuleystay.

Ujeedka kulanka waa in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku arkaan, ku falanqeeyaan, kuna qiimeeyaan hababka lagu gaaro horumar joogto ah oo ku dhisan qorshe qaran, hufnaan iyo adeeg dadweyne oo tayo leh, si ay fikradahaasi ugu tarjumi karaan duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Danjire Drs. Hodan Cusmaan Cabdi oo ka hadashay kulanka aqoon-isweydaarsiga ayaa xustay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay dadaallada socda ee Soomaaliya ku doonayso dib-u-habaynta hay’adaha, kobcinta dhaqaalaha iyo dhisidda dowlad hufan oo wax-ku-ool ah,iyadoo docda kale ku boorrisay kaqeybgalayaasha in ay si furan uga faa’iideystaan waayo-aragnimada Shiinaha.

Mas’uuliyiinta ka socday Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), ayaa dhinacooda muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maamulka, dib-u-dhiska hay’adaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhimac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...