Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagaga hortagayo dhagarta Khawaarijta, ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Cumar Beere iyo deegaano kale, waxaana ciidanku ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen wadooyin ay isticmaalaan shacabka deegaanka, si ay ugu dhibaateeyaan.

Ciidanka geesiyaasha ah ayaa miinooyinkaas burburiyay, iyagoo mar kale xaqiijiyay badqabka iyo amniga dadka deegaanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...