Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga

Date:

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay Khamiista in xarun labaad oo lagu hayo dadka muhaajiriinta ah laga dhisi doono gobolkaasi, sida laga soo xigtay warbaahinno badan oo kuwa Mareykanka ah.

DeSantis ayaa sheegay in maamulkiisu uu furayo waxa uu ugu yeedhay “Xarunta Masaafurinta” si halkaasi loo dejiyo soogalootiga sharci darada ah ee illaa hadda gacanta lagu hayo,waxayna xaruntaasi hooy u noqon doontaa ilaa 1,300 maxbuus.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa qiyaastii hal bil ka dib markii koonfurta Florida laga furay xaruntii ugu horeysay ee lagu hayo dadka magangalyo doonka ah,kahor inta aan loo masaafurin dalalkooda.

Garsoore federaali ah ayaa usbuucii hore si ku meel gaar ah u joojiyay dhismo kasta oo dheeri oo lagu heyn doono dadka muhaajiriinta ah,iyadoo dhinaca kale, dawlad gobolka Florida iyo dawladda dhexe aysii wadaan qorshaha lagu qabqabanayo dadka socotada ah ee aan laheyn sharciya dal ku joogga.

Illaa hadda dadka ugu badan ee lagu hayo Mareykanka ee aan heysan waraaqaha sharciga ah waxa ay ka soo jeedaan dalalka laatiiin Ameerika,halka kuwa ka yimid dalalka Aasiya iyo Afrika ay yihiin kuwo yar.

Dhowr kun oo Soomaali ah ayaa la sheegay in illaa hadda aysan heysan waraaqaha sharciga ah,waxaana jira dad la soo masaafuriyay xilligii hore ee Trump iyo waqtigaan oo uu joogo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...