Home Blog Page 143

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xilka u kala wareejiyay Wasiirrada Ganacsiga 

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmad Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), iyo Wasiirkii hore, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub in uu hirgeliyo hiigsiga dowladda ee ku aaddan horumarinta ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo warshadaha, si loo xoojiyo wax soo-saarka dalkeenna ee dhanka warshadaha iyo xiriirka wax is-dhaafsi ee aynu la leenahay caalamka, maadaama dhowaan aynu ku biirnay Ururka Ganacsiga Adduunka.

Mudane Saalax, ayaa xusay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay laf-dhabar u tahay hay’adaha dowladda, sidaas darteedna Wasiirka cusub looga fadhiyo in uu hormuud ka noqdo fududeynta ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

Kulanka Guddiga Joogtada ah oo lagu dhaariyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacaabay, waxaana xubnahan dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha la dhaariyay kula dardaarmay in ay qaranka si daacadnimo ah ugu adeegaan.

Xubnaha wasiirada ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah:

Mudane Maxamed Faarax Nuux oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali oo ah Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Marwo Aamina Xuseen Cali oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Marwo Dahabo Suusow Muunye oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Ciidanka Hay’adda NISA oo gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku howlanaa in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo shalay galab dhacay ayaa lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay Khawaarijtu u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Khawaarijta ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xoojiyay howlgallada lagu cirib-tirayo haraadiga Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay Kulanka Fulinta Qorshaha Wasaaradda ee 2025

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Ali Yusuf Ali – Xoosh, oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdixakiin Ashkir, ayaa guddoomiyay kulanka fulinta qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda ee sanadka 2025.

Agaasimayaasha iyo la-taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qaabka fulinta ee qorshaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Ali Xoosh, oo kulanka ka hadlay, ayaa faray dardargelinta shaqooyinka loo asteeyay waaxyaha Wasaaradda, isagoo sidoo kale adkeeyay daadejinta howlaha, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Ciidanka Qaranka oo hawlgal ku beegsadeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal si weyn loo qorsheeyay xalay ku beegsaday horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, kuwaas oo awoodi waayay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku hawlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran.Hawlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa kusoo dhammaaday guul.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku jabiyay Khawaarijta weerar naflacararinimo ah oo ay kusoo qaadeen nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Geesiyaasha Qaranka oo ku jiray feejignaan buuxda ayaa markiiba ka hortagay weerarka Khawaarijta, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado qaatay, ugu dambayntiina lagu burburiyay Khawaarijta. Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah.

Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas. Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa guulaha ay ka gaareen Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa saaxiibada caalamka ee gacanta joogtada ah ina siiya.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamka waxay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ilaa laga suuliyo dalka oo dhan.

Shir looga hadlaayo yareynta khataraha ka dhasha Abaaraha oo ka socda Magaalada Nairobi 

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Africa Risk Capacity (ARC) ayaa yeeshay shir loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya kaas oo maalintii 3-aad ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo looga dooday xaaladda abaarta ee ka sii dareysa, sida loogu baahan yahay in Hay’adaha dowladda ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa daruufta taagan iyo qodobbo kale, waxaana goob-joog ahaa xubno ka socday Baarlamaanka JFS oo kala matalayay Guddiga Maaliyadda, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Arrimaha Beeraha.

Madaxda Hay’adda SoDMA iyo hay’adaha kale ee shaqo wadaagga la ah SoDMA ee kala ah ARC, START NETWORK iyo WFP, waxa ay warbixin ka siiyeen Xildhibaannada ka socday guddiyada Baarlamaanka JFS nidaamka ceymiska looga gaashaanto abaaraha oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid, oo xoojinaya xiriirka labada geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Booqashada wafdigan ayaa daba-socota wada-hadal taleefan oo dhex maray labada Madaxweyne, wada-halkaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wadashaqeyn ee labada dowladooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka, Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo-dhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxa uu tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu laabtay furumaha dagaalka si uu dar dar geliyo dagaalka Al shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka Khawaarijta, kaddib markii uu caasimadda Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka, isaga oo ku booriyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada Argagixisada ay uga dulqaadi lahaayeen dadkeenna ay dhibaataynayaan argagixisadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah Argagixisada.

Waxaa xusid mudan in dhawaanahan ciidamada dowladda ay gaarayeen guulo waaweyn iyaga oo kooxda Argagixsada ah ee Al shabaab kala wareegay magaalooyin, deegaano iyo waliba Tuulooyin cusub oo dhaca goballada Hiiraan, Mudug, iyo Galgaduud.

Kooxda Argagisada ayaa laga dilay kumanaan katirsan dagaalyahanadooda iyada oo dowladda Soomaaliya taageero ka heleysa diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka kuwaa oo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ku duqeya.

Madaxweynaha JFS oo kulan kula qaatay Moqokori hoggaamiyaha macawisleyda 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida iyo Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka, ayaa degmada Moqokori kulan furan kula qaatay hoggaanka ciidammada shacabiga ah ee Macawisleyda, Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo waxgaradka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay bulshada Moqokori iyo hoggaanka Macawisleyda talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isaga oo ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horumarsan yihiin si ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo ciidamada si looga hortago khataraha ka dhasha kooxaha Khawaarijta ee ku sugan deegaanada qaar. Waxaa sidoo kale si gaar ah loo xusay doorka muhiimka ah ee shacabka iyo Macawisleyda ee la dagaalanka Khawaarijta, iyadoo la tilmaamay in dadaallada ciidanka iyo bulshada ay qayb weyn ka yihiin xoreynta dhulalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA),ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo dawo loogu talagalay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.

Dhaqaatiirta ayaa saldhig ka dhigan doona isbitaalka degmada Cadale, halka ay ka howlgali doonaan Moqokori, Aadan Yabaaal, Xaaji Cali, Guulane, Masaajidka Cali Gaduud iyo guud ahaan goobaha ay xoreynta iyo ciribtirka Argagixisada ka wadaan geesiyaasha xaq u hardanka ah.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa magaalada Muqdisho ka amba-bixiyay dhaqaatiirta iyo taageerada ay wadaan, halka isla todobaadkan ay Hay’addu degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan geysay daawo loogu talagalay in lagu dabiibo dhaawacyada iyo bukaannada kale ee baahida caafimaad u baahan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa xoojisay dadaallada yareynta khasaaraha ka dhasha howlgallada lagu cirib-tirayo khawaarijta.