Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

Date:

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkaan abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo maamulkiisa.

Abaalmarintan ayaa lagu bixiyay munaasabad heer sare ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada , Xildhibaanno, xubno ka socday dowlad-goboleedyada dalka, maamulka Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka, iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa lagu amaanay doorka firfircoon ee uu ku hoggaaminayo howlaha gurmadka degdegga ah, qorsheynta xasillinta, iyo isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee gudaha dalka, gaar ahaan xaaladihii adkaa ee dalka soo wajahay sanadkan.

Mudane Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay Madasha Somali Leadership Awards abaalmarinta la guddoonsiiyay, isagoo xusay in ay tahay dhiirrigelin sii xoojinaysa dedaallada hay’adda ee ku aaddan ka jawaabidda baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Madasha Somali Leadership Awards waa madal sannadle ah oo lagu aqoonsado lana abaalmariyo shaqsiyaadka, hay’adaha iyo shirkadaha wax muuqda ka qabtay horumarinta dalka, hufnaanta maamulka, iyo adeegga bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...