Home Blog Page 1397

DAAWO :- Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ka Jeediyey Furitaanka Shirka Wadatashiga

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey caawa munaasabadda furitaanka Shira wadatashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo Khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka oo ay ugu horeyso ammaanka gaar ahaanna dagaalka lagu soo af jarayo argigixisada usoo tafa xeydatay daadinta dhiiga shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed iyo sida dagaalkaasi uu muhiim ugu yahay in si mideysan loo wajaho.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waxa uu khudbadiisa uga hadlay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sugidda amniga dalka iyo muhiimada wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Hoos Ka Daawo Khudbadda Madaxweynaha:-

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay waaajib ku tahay madaxda qaranka ee shirkan ka soo qayb galay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

Δημοσιεύτηκε από Villa Somalia στις Δευτέρα, 30 Οκτωβρίου 2017

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ka Jeediyey Furitaanka Shirka Wadatashiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey caawa munaasabadda furitaanka Shira wadatashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo Khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka oo ay ugu horeyso ammaanka gaar ahaanna dagaalka lagu soo af jarayo argigixisada usoo tafa xeydatay daadinta dhiiga shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed iyo sida dagaalkaasi uu muhiim ugu yahay in si mideysan loo wajaho.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waxa uu khudbadiisa uga hadlay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sugidda amniga dalka iyo muhiimada wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Maamulka D/Mahadaay oo wada qorshayaal looga hortagayo fatahaadda Webiga Shabeele

0

Guddoomiyaha Degmada Mahadaay C/laahi Maxamed Xuseen Geel-doox oo la hadlay Saaka Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Maamulka Mahadaay uu wado qorshayaal looga hortagaayo Fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeele ee mara Degmada mahadaay iyo tuulooyinka hoose yimaada.

C/laahi Maxamed Xuseen Geel-doox Guddoomiyaha Degmada Mahadaay waxaa uu tilmaamay in Maamulka Mahadaay uu Agab looga hortagaayo Fatahaada Webiga Shabeele ay gaarsiiyeen tuulooyinka hoos taga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe si loo yareeyo saamaynta uu bulshada ku yeesho farka uu fataho Webigu.

Guddoomiyaha Degmada Mahadaay C/laahi Maxamed Xuseen waxaa uu wareysiga uu siiyay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ku sheegay in Maamulka Mahadaay oo kaashanaaya Wasaaradda Arrimah gudaha Soomaaliya ay ku guulisteen hirgalinta Xaruunta Degmada iyo dhismaha Xaruumo kale oo adeegyada aas aasiga ah loogu qabto bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ku ku nool shabeelaha dhexe.

Culimada Soomaalida ee ku nool Johannesburg oo qabtay nadwo diini ah oo looga hadlayay dhibaatooyinka kooxaha xagjirka ah ee al shabaab.

0

Culimada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg oo nadwo diini ah ku qabtay masjidka Imaamu shaafici ee xaafada Mayfair oo Soomaali dagan tahay ayaa kaga hadlay dhibaatada kooxaha argagaxisada ay ku hayaan caalamka gaar ahaana wadanka Soomaaliya.

Nadwada oo aheyd mid loo qabtay  Soomaalida ee ku nool xaafada Mayfair ayaa waxaa xooga lagu saarayay in laga wacyi galiyo bulshada dhagarta kooxaha argagaxisada iyo sida looga hortagi karo isla markaana si wadajir ah laga iga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatada ay kooxahan ku hayaan ummada Soomaaliyeed.

Culimada ayaa tixraax ku sameeyay dhamaan weeraradii kooxda argagaxisada ee shabaabku u geysteen ummada Soomaaliyeed kuna dhameeyay shacab badan oo Masaakiin ah kuwaa oo qaarkood ku jiray masaajida lagu cibaadeysto,arday dhameystay waxbarashadooda , shacab masaakiin ah oo ka adeeganayay suuqyada magaalada muqdisho iyo kuwa ku sugnaa hotelo iyo goobo bulshada isugu timaado waxaana dhamaan falalkaasi ay muujinayaan kuwa ka fog diinteena suubaan.

Sheikh Cabdirisaaq Mowlaana oo ka mid ah  culimada ka hadashay kulankaan ayaa sheegay in dhamaan dadka fududeeya falalka lagu gumaadayo shacabka qalbiyadana ka jacel in dhibaato ay dhacdo ay meel lasoo istaagi doonaan maalinta aakhiro kooxda argagaxisada ah ee baneystay dhiiga shacabka Muslimiinta ah.

“Hadaad maskaxdaada kaga qeybqaadato,oo afkaada kaga qeybqaadato,ama carafkaada aad kaga qeybqaadato iyo hadaad gacantaada aga qeybqaadato iyo hadaad qabliga ka jeclaato,dhibaatadaas wax baad ka geystay,xagee baad galeysaa marka maalinta aakhiro dadkii dilkooda aad ka qeybqaadatay oo waliba aad ayaga oo nool qarax ku gubtay ay yimaadaan alle hortiisa laguugu weydiiyo maxaad u dishay”

Sheikh Maxbuub sheikh xuseen Ciil mooge oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa sheegay in falalka kooxahaan ay ku gumaadayaan shacabka Soomaaliyeed looga hortagi karo midnimo iyo isku duubni oo kali ah.

“Waxaad mooda in wali bulshadeena aysan garan halka nagala heysto,waxaan wali daba taaganahay cudurkii na kala diray 1991-dii,waxaa loo baahan yahay in aan ka fogaano wax walba oo kala fogeyn kara midnimadeena wadajirkeeena ayaa muhim ah,doodeena macnaha laheyn waxaa ay fursad siineysa cadowka”

Culimada ayaa ugu baaqay bulshada in si wadajir ah ay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka kooxaha cadeystay gumaadka ummada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkii hooyo ee Soomaaliya.

Shirka wadatashiga oo arrimo badan looga hadlay

0

Wajigii labaad ee shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada dalka ayaa caawa si toos ah uga bilowday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab, dib u eegista Dastuurka, Dardargelinta Hanaanka Federaalka, Daadajinta Hannaanka ka faa’iidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Madaxda Dowlada Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa madasha shirka waxa ay ka jeediyeen khudbado ay ku muujinaayeen midnimada, horumarka  iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka agagixisada.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi  Farmaajo ayaa sheegay in ay waaajib ku tahay madaxda qaran ee shirkan ka soo qayb galay in ay ka shaqeeyaan  midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed, taasna ay asaas u tahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay musiibadii 14kii Oktoobar isaga oo ugu baaqay dhammaan shacab iyo dolwadba in laga shaqeeyo si aysan mar kale uga dhicin dalka dhacdo murugo u keenta carruurta, waalidka iyo guud ahaan Muwaadiniinta.

Kaddib khudbadaha Madaxda, waxaa kulan gaar ah yeeshay guddiyada isku dhafka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay uga mira dhalin lahaayeen qorshayaasha ay isku afgarteen Madaxdu.

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Bilaha soo aadan waxaan dalka ka xoreyn doonaa argagixisada”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay shirka wadatashiga ee Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee qeybta ka ah dowladda Federaalka ah ayaa sheegay  in uu soo dhaweynayo fikirka ah in bilaha soo socda guud ahaan dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay inay la shaqeyso Xubnaha kale ee Wasiirada ka tirsan dowlad Goboleedyada, si loo dhameystiro howlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Al-Shabaab.

“Dhacdadii 14-kii October waxa ay ahayd musiibo cusub oo ah musiibo Qaran, inagoo ka duuleyno xanuunka ku yimid shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay fursad aad u wanaagsan, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay meel uga soo wada jeestaan argagixisada, waxaan soo dhaweynayaa fikirka ah bilaha soo socda in aan kuligeen ka shaqeyno dalka sidaan u xoreyn lahayn, sida uu ku baaqay Madaxweynaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in hadafka ugu weyn ee shirka uu yahay in laga wada qeyb qaato sidii dalka looga sifeyn lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed

“Qof waliba oo Soomaaliyeed ha ogaado waxaa qatar ku jirta jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay dalka noo joogaan cadow shaqadoodu tahay inay cirib tiraan Ummadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Bilaha soo aadan waxaan dalka ka xoreyn doonaa argagixisada”

0

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay shirka wadatashiga ee Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee qeybta ka ah dowladda Federaalka ah ayaa sheegay  in uu soo dhaweynayo fikirka ah in bilaha soo socda guud ahaan dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay inay la shaqeyso Xubnaha kale ee Wasiirada ka tirsan dowlad Goboleedyada, si loo dhameystiro howlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Al-Shabaab.

“Dhacdadii 14-kii October waxa ay ahayd musiibo cusub oo ah musiibo Qaran, inagoo ka duuleyno xanuunka ku yimid shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay fursad aad u wanaagsan, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay meel uga soo wada jeestaan argagixisada, waxaan soo dhaweynayaa fikirka ah bilaha soo socda in aan kuligeen ka shaqeyno dalka sidaan u xoreyn lahayn, sida uu ku baaqay Madaxweynaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in hadafka ugu weyn ee shirka uu yahay in laga wada qeyb qaato sidii dalka looga sifeyn lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed

“Qof waliba oo Soomaaliyeed ha ogaado waxaa qatar ku jirta jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay dalka noo joogaan cadow shaqadoodu tahay inay cirib tiraan Ummadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

 

Wajigii 2aad ee Shirka Wada-tashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Furmay + Sawirro

0

Muqdisho(SONNA):–Wajigii labaad ee shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada dalka ayaa caawa si toos ah uga biloowday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab,dib u eegista Dastuurka, dardargelinta hanaanka Federaalka, daadajinta hannaanka ka faaiidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Madaxda Dowlada Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa madasha shirka waxa ay ka jeediyeen khudbado ay ku muujinaayeen midnimada, horumarka  iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka agagixisada.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi  Farmaajo ayaa sheegay in ay waaajib ku tahay madaxda qaran ee shirkan ka soo qayb galay in ay ka shaqeeyaan  midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed, taasna ay asaas u tahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay musiibadii 14kii Oktoobar isaga oo ugu baaqay dhammaan shacab iyo dolwadba in laga shaqeeyo si aysan mar kale uga dhicin dalka dhacdo murugo u keenta carruurta, waalidka iyo guud ahaan Muwaadiniinta.

Kaddib khudbadaha Madaxda, waxaa kulan gaar ah yeeshay guddiyada isku dhafka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay uga mira dhalin lahaayeen qorshayaasha ay isku afgarteen Madaxdu.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle oo booqday bukaanno ku jira Isbitaal Digfeer

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta booqday isbitaalka Ordegan oo la dhigay qaar ka mid ah bukaanadii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa mid mid u booqday bukaanada dhaawaca qaba isagoo u qeybiyay lacag bukaanada dhaawaca ah.

Bukaanada uu booqday Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Muxumad Colaad Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, kaasoo ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood 2.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa u rajeeyay dhammaan bukaanada inuu Eebe caafimaad siiyo, waxaana booqashadiisa ku wehelinayay Siihayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo faah faahiyay shirka wadatashiga (Dhageyso)

0

Muqdisho (SONNA) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa faah faahin ka bixiyay shirka u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo Madaxda dowlad Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in qodobada shirka wadatashiga looga hadlayo ay ugu horeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xalinta arrimaha taagan ee dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, dar dargelinta Nabadgelyada dalka iyo cirib tirka argagixisada Al-Shabaab, Horumarinta hanaanka Federaalka, dar dargelinta dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka iyo abuuritaan hanaan wada jir ah oo arrintan looga shaqeyno, Barnaamijka la xiriira geeddi socodka doorashada hal qof iyo hal cod 2020 iyo sidii looga faa’iideysan lahaa mashaariicda.

Hoos ka dhageyso